26th July 2024  admin  Category :

Isimada Koonfurta Soomaliya ka yimid yeey la hadlayaan?

Labaatankii sano ee ina soo dhaaftay dawladda Federaalka Soomaaliya ee ka shaqaysa Muqdisho, waxay ku wareersanaayeen xaaladda waqooyiga Soomaaliya oo waxay qeexi kari waayeen “eryaga Somalilandtii ay kula hadli jireen dalalka Turkiga, Imaaraadka iyo Itoobiya.

Jaah wareerkan siyaasadeed ee ka jiray Muqdisho, ayaa xoojisay in qaybo ka mid ah Waqooyiga Soomaaliya ay u dhaqmaan inay yihiin qayb ka madax anaan Soomaali inteeda kale. Halkaa kuma ayna joogsane waxay isku dayeen in beelaha kale ee Soomaaliyeed ee degan waqooyiga Soomaliya ay ku khasbayeen inay qaataan fikirkan guracan ee gooshada.

Aamusnaanta dawladda federaalku ay raalida uga ahayd in deeqaha Caalamka bixiyaan ee soo mara Hargaysa o laga cuna qabateeyo Sanaag iyo Sool oo magacooda lagu soo qaatay iyo wada hadaladdii ay dawladda Federaalku gaarkala kula hadli jireen beesha Isaaq , si ay ma’suul ka yihiin beelaha kale ee dega waqooyiga Soomaaliya ayaa ugu danbayntii sababay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee hadda Socda gobolka Sool.

Dawladdii Federaalka Soomaaliya ee siyaasiyiinta ugu badan ee maanta xilalka ugu sareeyaa ka hayaa ay u bdan yihiin kuwa ka soo jeeda beelaha Raxanweyn iyo Hawiye ayeey ahayd in xal siyaasadeed ka keenaan xaaladda gobolka Sool mar haddii ay maanta hayaan xilkii madaxweynaha, gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wasiirka arimaha gudaha.

Ma keenin xal siyaasadeed waxay gobolka Sool u soo direen sadexdii Isima ee beelahooda Habar Gidir, Raxanweyn iyo Abgaal.

Waa arin wanaagsan in dhaqanku kulmaan oo ay Isimada Koonfurtu la kulmaan Isimada Dhulbahante, Harti iyo Isaaq. Taasi ma dhacayso oo dawladdii federaalka ee wareersanayd oo qeexi kari wayday Somaliland ayaa soo dirtay Isimada Koonfureed , oo sida ay sheegeen waxay la kulmayaan SSC iyo Somaliland . Labadan magacba waxa samaystay ururo siyaasadeed, mana aha mid dhaqan oo odayaasha Koonfureed waa ku hafanayaan. Sababtoo ah sida magacyada ku muuqata arinta waqooyiga laysku haystaa waa siyaasad iyo mid aan gorgortan geli karin oo ah midnimada Soomaliya

Ugu danbayntii Magaca Sanaag iyo Sool , waxay isugu lamaansanaayeen , oo hadal looga keeni waayey, uuna u shaqaynayey in mudo ah waxay ahayd in wax kasta oo Sool looga saarayo jabhadd SNM la soo dhoweeyo. Welina waa taagan tahay, Hase ahaatee maanta waxa muuqata in Isimada qaarkood ay la noqotay in beesha Fiqi shini ee degta xaafad ka mid ah Adhi cadeeye a iyo gobolka Sanaag ay isku miisaan wada saaraan. Taasna cid ka yeelaysaa ma jirto

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*