27th July 2024  admin  Category :

Midowga Afrika oo dalbaday dhaqaale lagu maalgelinayo howlgalka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa dhawaan dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo dollar oo lagu maalgelinayo howlgalka ciidamada nabad ilaalinta ee jooga Soomaaliya.

Bankole Adeoye, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda iyo nabadda ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay taageero muhiim ah siiyaan ciidamada milateriga Soomaaliya oo dagaal kula jira kooxda argagixisada ah ee khawaarijta Al-Shabaab.

“Haddii aan la helin taageero dhaqaale ciidamada ka socda Midowga Afrika ee gaaraya 19,600-askari  ma awoodi doonaan inay si hufan u shaqeeyaan oo ay gutaan waajibaadkooda, si ay u yareeyaan khatarta argagixisada iyo inay taageeraan dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta ee lagu doonayo in Soomaaliya ay noqoto mid sugan oo xasilloon” ayuu yiri Bankole Adeoye .

Midowga Afrika,waxa ay iftiimiyeen guulaha faraha badan ee ay gaareen AMISOM iyo baahida adag ee loo qabo maalgelinta  ciidanka ATMIS ,si loogu wareejiso mas’uuliyadda amniga ee SSF (Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya) marka la gaaro 31ka Diseembar 2024.

Qaramada Midoobay oo ka jawaabeysa  howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo maalgalinta dhaqaale ee loo baahan yahay ayaa sheegtay in qorshaha UN-ka uu yahay mid toos ah: degdeg ah si loo xaqiijiyo maalgelinta ciidanka ATMIS ee loogu talagalay xilligga kala-guurka .

Qaramada Midoobay ayaa muujisay in ay lagama maarmaan tahay teegeero loo fidiyo ciidamada howlgalka u jooga Soomaaliya,iyadoo dhinaca kale, DiCarlo oo u hadashay Qaramada Midoobay ay tiri,”ujeedadayada guud waa in mas’uuliyadda  amniga si buuxda loogu wareejiyo Soomaaliya dhammaadka 2024-ka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*