War murtiyeed maanta maxaa looga reebay qodobadan

Heshiiskii  Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, ayaan lagu soo darin sadexdan qodob

1- Khilaafka ka jira Kjhaliijka ee samaameeyey siyaasadda Soomaaliya ayaan  lagu soo qorin warmurtiyeedkii maanta , In Qatar la raacay, in dhex dhexaad laga yahay Carabta kala Hinaastay  iyo in  Kooxda Sacuudiga lala saftay.

2- Maamulka Galmudug oo khilaaf ka jiro, madaxweynhii uu lahaana  uu baarlamaanka maamulaaksi xilkii  ka qaaday. dhowaana ka qayb galay shirkii Kismaayo. Warmurtiyeedka laguma soo qorin xaaladda ka jirta maamulka Galmudug iyo cidda ay madaxweyne u aqoonsan yihiin

4- Amni xumada  Maleeshiyaadka SNM ay ka wadaan gobolada Sool iyo Sanaag, oo ay diyaar u yihiin inay dhiig ku daadiyaan oo bulshada Soomaaliyeed intooda badan  sugaysan inay   madaxda Soomaaliyeed canbaareeyaam dhiig miiratadan SNM,  Warmurtiyeedkii maanta iyadana hal sadar lagagama xusin.

Warmurtiyeedkii maanta soo lama oran karo Shimbirayohow heesa

Wiilka Mareexaan ee Muqdisho jooga waxba idiinma hayo

Xisbiga  Amiin Caamir taageersan yahay ee Kulmiye maxaa looga mudaharada Laascaanood?

labo cisho ka hor ayaa magaalada Laascaanood waxa looga mudaharaaday oo ka cararay hogaamiyaha Xisbiga Beelaha Isaaq ee Habar jeclo iyo Habar Awal ee Kulmiye ee uu la dhacsan yahay taariikhdiisa  farshaxanka Soomaaliyeed Amiir Camir oo afka dufan loo mariyey.

Mudaharaadkan ayaa wuxuu   bilowday marki uu dagaal ooge Muse Biixi hadalkiisa ku bilaabay sidan isaga oo is modaya inuu joogo Wadaamagooye  iyo Waqooyi galbeed  ” Wiilka Mareexaan  ee  Muqdisho joogaa waxba idiinma hayo ee waxaad  ku khasban tihiin inaad ka mid noqotaan Somaliland”

Sadexda Xisbi ee wada  tartamaya ayaa ka soo wada jeeda Beesha Isaaq, sidoo kalena weligood waxay lahaayeen wasiirka arimaha gudaha maamulkaas . Labo sano ka hor ayaa markii ugu horaysay  loo magcaabay wasiir ka soo jeeda gobolka Sool arimaha gudaha . Khudbaddii uu maalintaa xil kala wareejinta labada wasiir ka jeediyey Muusw Biixi ayaa waxay ahayd  ” ”Reer laascaanood waxaan wasiirka arimaha gudaha uga barinay Cali warancade”. Cali Warancade ayaa markaa ahaa wasiirka arimaha gudaha waxaana lagu bedelayey Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

 

https://youtu.be/iNzFcZ6yh08

 

 

Raaf ku socda Qoyska reer Ala Sacuud

Amiirkii ugu taajirsanaa dalka sacuudiga ayaa xabsiga la dhigay

Dawladda Sacuudi careebiya ayaa shaqadii ka Cayrisay tiro Wasiiro ah waxayna xabsiga dhigtay Amiiro ku abtirsada Qoyska reer Ala Sacuud, ka dib markii gudig  dhowaan la magcaabay ay ku heleen musuqmaasaq iyo is daba marin  ay sameeyeen
Amiir Prince Alwaleed bin Talal, oo ah billionaire  leh shrkada maalgashiga (investment firm Kingdom Holding) , dalka Sacuudiga iyo ganacsi badan oo caalamka ka jira  ayaa ka mid ah dadka la xiray
Wasiirada heerka kowaad ahaa oo xilka laga qaaday waxa ka mid ah Amiir Mitaab bin Abdullah, ee uu dhalay Boqorkii hore ee dhowaan geeriyooday, xilka uu dalka ka hayana ay ahayd taliyaha Ciidanka Qaranka dalka
Abdullah al-Sultan, Taliyihii i ciidanka Badda, waxaana lagu bedelay Fahad al-Ghafli.

Caadil Faqiih, wasiirka dhaqaalaha

Waleed Ibrahim, iskuduwaha warbaahinta Middle East Broadcasting Center (MBC) ee uu ka mid yahay talafishanka Alcareebiya
War martiyeed lagu soo qoray warbaahinta dawladda dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in boqorka dalkaasi Salman bin Abdulaziz Al Saud uu yiri waxa jira kooxo iimaanlaawayaal ah oo aan naf badan lahayn oo dantii qaranka ka horumariyey tii naftooda si ay dhakhso ugu taajiraan

Kulan dhexmaray madaxweynaha Puntland iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada DFS

Madaxweynaah dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ee Muqdisho ku sugan ayaa caawa 04 Nov 2017 kulan casho sharaf ah layeeshay Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [ Oomaar ].

Kulanka casho sharafta ah ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa aqoon yahay Maxamed Cabdi Gandhi,waxaana ay casho sharaf kadib weftiga Madaxweynaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya yeesheen kulan ay kaga wadda hadleen arrimo la xidhiidh muhiimmadda ay leeyihiin dhismaha Garoomada Soomaaliya, maamulka hawada Soomaaliya, iyo koboca dhismayaasha ay dawladda Puntland ka samaysay dhismayaasha garoomada diyaaradaha.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in dhismaha garoomada diyaaraduhu  ay  wax weyn Soomaaliya kusoo kordhinayaan dhaqaale ahaan, horumar ahaan, iyo sahlidda adeegyada deg degga ah ee shacabku u baahan yihiin hadday gargaar tahay iyo haday adeeg caafimaad tahayba.

Sidoo kale Madaxweynaha Gaas ayaa cadeeyey in gacan ku haynta hawada Soomaaliya tahay wax qabad muhiimaddiisa leh, maadaama ay Soomaaliya muddo badan gacanteeda ka maqnayd maamulka hawadeedu, haatana ay si xor ah u maamulayso, taasi oo uu sheegay Madaxweynuhu inay tahay talaabo wanagsan oo hore loo qaatay.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad [ Oomaar ] ayaa xaqiijiyey in dawladda Puntland horumar lixaadle ka gaadhay dhismayaasha garoomada diyaaradaha madaama ay sadex sanadood guddohood ku hirgashatay sadex garoon oo caalmi ah [three International Airport], waxaana uu wasiirku xusay in taasi tahay horumar wanaagsan oo ay Puntland hormuud ugu tahay guud ahaanba Soomaaliya, isagoona Madaxweynaha dawladda Puntland ku amaanay dedaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee ay ugu horeeyaan garoomadaasi iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay kow ka yihiin illaha dhaqaale ee dalka, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan wax kasta oo horumar ah ee Soomaaliya u baahan yahay, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyar u tahay wax kasta oo wanaag ah inay dalkeeda Soomaaliya ka taageerto khibrad ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba.1 (4)2 (5)3 (3)4 (3)

War murtiyeedkii ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada

War murtiyeedkii ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada

Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya lagu qabtay kulan wadatashi oo u dhexeeye Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 28-kii Oktoobar ilaa 5tii, Nofembar, 2017, kulankaas oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa daba socday Casumaadii Maxadweynuhu u diray Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre; Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaal, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar); Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfuur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf); Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare; Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Kulanka waxaa looga hadlaayay qodobada ay ka mid yihiin:

1. Dardargelinta Nabadgelyada dalka iyo Ciribtirka Argagixisada
2. Horumarinta hannaanka Federaalaynta dalka
3. Dardargelinta dib-u-eegista Dastuurka iyo Abuurista hannaan wadajir ah
4. Geedi socodka Doorashada 2020
5. Xoojinta wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
6. Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimo

Wadatashi dheer kadib waxay dhinacyadu ku heshiiyeen:-

1. Siyaasadda

a. In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnimo, Dulqaad, Isu-tanaasul, Wadatashi iyo Mas’uuliyad wadareed.
b. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir, layskuna ixtiraamo Mas’uuliyadaha Dastuuriga ah ee la kala leeyahay iyo kuwa Wadaaga ah.
c. In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka iyo wadajirka si loola dagaalamo Argagixisida.
d. In laga fogaado, lana joojiyo waxkasta oo keeni kara shaki iyo xasaasiyad Siyaasadeed, Saamayna ku yeelan kara deganaanshaha, wadashaqaynta iyo Iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

2. Amniga

a. La-dagaalanka Argagixisada
i. In la-adkeeyo amniga dalka meelna looga soo wada jeesto xoraynta Dalka iyo la dagaalanka Argagixisada.
ii. In lala yimaado qorshe dhamaystiran oo wadajir ah oo lagula dagaalamayo argagixisada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, lana xoojiyo ciidamada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, tababar ahaan iyo qalab ahaanba.
iii. Iyadoo laga faa’iidaysanaayo Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowladadaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa la qabtay kulankii 3-aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku raacay in guluf colaadeed oo midaysan lagu qaado Argagixisada. Waxaa Goluhu u ballamay in 03/12/2017 laysugu yimaado kulan kale Magaalada Muqdisho.

b. Dhismaha Ciidan Qaran
i. In la dardargeliyo hirgelinta Qorshaha Amniga Qaranka, isla markaana dib loo eego lana adkeeyo meelaha gaabisku ka jiro heshiisyadii hore ee (Security Architecture).
ii. In la dardargeliyo dhismaha Ciidan Qaran oo isku dhaf ah, ka madaxbanaan siyaasad, sumad qabiil, lehna caqiido iyo mabda’a wadaninimo, agab iyo tababar waafi ah.
iii. Waxaa Golaha Amniga Qaranku isku raacay in dib-u-qaabaynta qaybaha XDS (Re-sectorization) la dhamaystiro muddo bil gudeaheeda, ayada oo la fulinayo amarka Wasaaradda Gaashaandhiga, lana tix-raacayo heshiiskii 16kii, April,2017 ee qaab dhismeedka Amniga Qaranka.
iv. Waxaa laysku raacay in Guddiga Farsamada ee Golaha Amniga Qaranku layimaado qorshe cad oo ku aadan qaybinta Ciidanka Booliiska iyo Ciidamada Ilaalinta Xeebaha shirka Disembar,2017.

3. Arrimaha Federaalka

a. In la sameeyo Guddi Farsamo iyo Khuburo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir oo kala shaqeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Dastuurka iyo Hay’adaha kale ee ay arrintani qusayso, si ay uga soo talo bixiyaan hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka Federaalka ah, kala qeexidda iyo qaybsiga awoodaha Federaalka iyo khayraadka, si heshiis guud iyo Isfaham Siyaasadeed (Political Consensus) oo dhamaystiran looga gaaro arrimaha Federaalka muddo (6) Lix Bilood gudohood ah.
b. In Golaha Baarlamaanka, Aqalka Sare kaalin muhiim ah ku yeesho Hirgelinta Federaalka, Hindise-Sharciyeedyada Cusubi waxay ka bilaaban karaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalkaba, waana inay labaduba Ansixiyaan Hindise-sharciyeedyada ka hor inta aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku Saxiixin.
c. In Hindise-sharciyeedyada lagala tashado Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Guddiyadooda Farsamo ee Golaha, ka hor inta aan la hor keenin Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka si aysan caqabad ugu imaan dhaqan gelintooda.
d. In la kordhiyo xarumaha Federaalka ee Dowladaha Xubnaha ka ah lana dhaadhiciyo adeegyada muhimka ah sida Baasaboorrada iyo Tasdiiqa Shahaadada.
e. In la dedejiyo dhismayaasha goleyaasha deegaanka, lana kordhiyo aqoontooda iyo tayadooda, si bulshadu talo iyo cod ugu yeelato adeegyada asaasiga u ah noloshooda.

4. Arrimaha Doorashooyinka 2020

a. In si wadajir ah looga shaqeeyo talana looga yeesho sidii dalka doorasho hal cod iyo hal qof ah uga dhici lahayd, lana abuuro jawi arrintaas suurta-geliya.
b. In Guddiga Doorashooyinka Qaranku (NIEC) ku sameeyo wadatashiyo loo dhan yahay (90) Sagaashin Cisho Gudohood si heshiis siyaasadeed looga gaaro caqabadaha hor taagan doorashooyinka.
c. In gacan buuxda la siiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NIEC), lana raadiyo dhaqaale lagu fuliyo doorashada 2020, iyada oo la isku tashanayo, Beesha Caalamkana la kaashanayo.
d. Waxaan ku Bogaadinaynaa Maamulka Somaliland Habsami u socodka ololaha Doorashada oo ay ka muuqato Xasilooni Siyaasadeed, waxaana rajaynaynaa in ay si nabad gelyo ah ku dhamaato.

5. Deb-u-eegista Dastuurka

a. In Dowladdu maalgeliso dib-u-eegista Dastuurka si loo hubiyo lahaanshaha geeddi socodka Dastuurka, laguna daro Miisaniyadda 2018.
b. Waxaa lagu heshiiyay in Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadu kaalin ku yeeshaan dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka, ka hor inta aan la hor keenin Goloyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka, si loo hubiyo kalsooni Shacab iyo wadatashi buuxa.
c. In la xoojiyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka tiro ahaan iyo tayo ahaanba.
d. In laga shaqeeyo iswaafajinta Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
e. In la dedejiyo Golaha Adeega Garsoorka Federaalka, lagana yeesho wadatashi loo dhan yahay.

6. Arrimaha Mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadanimada

a. Waa in Mashaariicda Horumarineed, Gargaarka Bani’aadanimo iyo Deeqaha Maaliyadeed loo gaarsiiyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaal iyo Gobolka Banaadir si isu miisaaman, loona saaro Guddi Farsamo labada dhinac ah oo kasoo talo bixiya.
b. Waa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo UN-ku ka hawl galaan, xarumana ku yeeshaan deegaan kasta oo suurtagal ah, si adeegga loogu dhoweeya bulshada.
c. In la dar-dargeliyo Gurmadka Bani’aadanimo goobaha ay weli Abaaruhu ku dameeyaan, lana helo xal waara oo arrimahan looga hor tago (Resilience Strategy).

DHAMMAAD

Ciidanka Dowladda Puntland Oo Howlgallo Ka Sameeyey Buuraha Cal-madow

Ciidanka Amniga Puntland PSF oo ay weheliyaan ciidamada kale ee difaaca Puntland ayaa waxay hawlgal ka dhan ah ururka argagixisada Al Shabaab ka fuliyeen degaanka Harweynee Buuraha CalMadow.

Ma jiraan faahfaahin dheeraad ah oo ay saraakiisha ciidamadu ka bixiyeen howlgalkaan. balse howlgalkaan ayaa qeyb ka ah howlgallo xiriir ah oo ciidanka PSF ka fuliyaan dhulka Buuralayda ee gobolka Bari.

Somalia Oil, Gas & Mining 2018 Summit

After a series of highly successful events in the Oil & Gas Sector, IRN is delighted to bring to you the

Somalia Oil, Gas & Mining Summit 2018 on 29-30 March in Nairobi, Kenya.

The new regulatory framework, the Downstream Law, recently passed by the Somalian Government and the improvement of security standards in the country have led to an increase in the appetite of investors and IOCs to set up new operations in this market.

Apart from the Government, key institutions within the Somalian State such as the national oil company and the Central Bank will have the chance to update attendees on the newly developed PSAs model and the legal framework affecting the upstream and downstream sectors.

International banking institutions such as the World Bank and the African Development Fund will be also providing an update on current funding schemes targeting such capital intensive sectors.

 

In general terms, this Summit is intended to enable economic growth in Somalia and specially, to boost the long term development of the Oil, Gas and Mining sectors.

 

SOMA OIL AND KHAIRE (1)

Saudi defense forces shoot down Houthi missile over Riyadh

JEDDAH: Houthi rebels in Yemen fired a ballistic missile on Saturday night aimed at Riyadh.

Saudi defense forces intercepted and shot down the missile, and there were no casualties.

Fire engines and emergency vehicles sped to runway R33 at King Khaled International Airport after reports of loud bangs at about 8.45 p.m. The General Authority of Civil Aviation said some remnants of the missile landed inside the airport perimeter, but there was no significant damage and all flights were operating as usual.

The Iran-backed rebels admitted the attack in a statement on the Houthi-run Al-Masirah television channel. They said they had targeted the airport.

The Houthis have now launched 78 missiles at Saudi Arabia, including one aimed at Makkah in July, since the Saudi-led coalition began fighting to restore the legitimate government in Yemen in March 2015.

Col. Turki Al-Maliki, the coalition spokesman, said the missile was fired at 8.07 p.m. and intercepted by the Patriot defense system. Some debris fell in an inhabited area east of the airport, he said.

“This aggressive and futile act by Houthi militias proves the involvement of a regional state that sponsors terrorism in providing the armed Houthi militias with advanced capabilities in flagrant violation of UN Resolution 2216, threatening the security of Saudi Arabia as well as the regional and international security,” Al-Maliki said. “Moreover, targeting civilian areas is a violation of international humanitarian law.”

Dr. Hamdan Al-Shehri, a Saudi political analyst and international relations scholar in Riyadh, told Arab News: “The Houthi missile attack, coming on a day when Saad Hariri resigned as Lebanon’s prime minister in protest against Hezbollah and Iran’s blackmail in Lebanon, can be read as a sign of Iranian frustration.

“Iran and Hezbollah are playing a dirty and dangerous game in the region. They are undermining the stability of the region.

“We know how they targeted the holy city of Makkah in the past; now they have targeted civilians and the airport in the Saudi capital. They are a killing machine and have no qualms about attacking innocent people.”

The attack would only strengthen the determination of the Saudi people and their allies, Al-Shehri said. “This will make us resolute against Iran and Hezbollah and their puppets, the Houthis. They are running out of their dirty cards. Saudi Arabia will neutralize them. Now the Kingdom’s resolve will be even fiercer.”

Now was the time for the international community to put a stop to the Houthi missile menace, Al-Shehri said. “They need to be stopped at all costs. They can’t play with the stability of the region.

“They are playing with fire, and the United Nations and the world must condemn the attacks, and not just condemn, but use all resources — diplomatic and military — to bring Iran, Hezbollah, and the Houthis to heel.”