18th April 2024  admin  Category :

Amiirkii ugu taajirsanaa dalka sacuudiga ayaa xabsiga la dhigay

Dawladda Sacuudi careebiya ayaa shaqadii ka Cayrisay tiro Wasiiro ah waxayna xabsiga dhigtay Amiiro ku abtirsada Qoyska reer Ala Sacuud, ka dib markii gudig  dhowaan la magcaabay ay ku heleen musuqmaasaq iyo is daba marin  ay sameeyeen
Amiir Prince Alwaleed bin Talal, oo ah billionaire  leh shrkada maalgashiga (investment firm Kingdom Holding) , dalka Sacuudiga iyo ganacsi badan oo caalamka ka jira  ayaa ka mid ah dadka la xiray
Wasiirada heerka kowaad ahaa oo xilka laga qaaday waxa ka mid ah Amiir Mitaab bin Abdullah, ee uu dhalay Boqorkii hore ee dhowaan geeriyooday, xilka uu dalka ka hayana ay ahayd taliyaha Ciidanka Qaranka dalka
Abdullah al-Sultan, Taliyihii i ciidanka Badda, waxaana lagu bedelay Fahad al-Ghafli.

Caadil Faqiih, wasiirka dhaqaalaha

Waleed Ibrahim, iskuduwaha warbaahinta Middle East Broadcasting Center (MBC) ee uu ka mid yahay talafishanka Alcareebiya
War martiyeed lagu soo qoray warbaahinta dawladda dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in boqorka dalkaasi Salman bin Abdulaziz Al Saud uu yiri waxa jira kooxo iimaanlaawayaal ah oo aan naf badan lahayn oo dantii qaranka ka horumariyey tii naftooda si ay dhakhso ugu taajiraan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*