28th March 2024  admin  Category :

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay shakhsiyaad loo xiray musuq-maasuq kasoo billowday wasaaradda caafimaadka, balse ku baahay wasaarado kale.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud  ayaa sheegay isagoo kaashanayo xafiiska Hanti dhowraha guud inay soo qabteen 20 qof oo lagu helay musuq-maasuq ka dhacay howlaha caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, kadibna lugaha la galay wasaarado kale.

Dadka loo xiray kiiskaan ayuu xafiiska Xeer ilaalinta sheegay inay ka mid yihiin agaasimayaal waaxeedo iyo kuwa guud, madaxda barnaamijyada iyo maashriicda ay wado wasaaradda Caafimaadka, la-taliyayaal, madaxda shirkado gaar loo leeyahay oo la shaqeeyo wasaaradda caafimaadka, Ganacsato iyo shaqaale kale oo ka shaqeeyo hey’adaha kala duwan ee Dowladda.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay inay hayaan caddeymo ku aadan musuq-maasuqaas, waxaana caddeymaha la hayo lagu sheegay inay kamid yihiin rasiidyo, Jeegag iyo heshiis la sheegay in loo diyaarsaday sidii lacago loogu musuq-maasuqi lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*