26th July 2024  admin  Category :

Jubbaland oo toogasho degdeg ah ku fulisay askari dilay askari kale

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in goor dhow dil toogasho ah lagu fuliyay askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, kaasoo xalay magaalada ku dilay askari kale oo isna ka mid ahaa Ilaalada Madaxtooyada.

Askariga la toogtay ayaa lagu magacaabaa Maxamed C/naasir, waxaa xukunka dilkiisa ahaa mid degdeg ah oo aanay 24 saac aysan ka soo wareegin dilkii uu u geystay askariga kale.

Wararka ayaa sheegaya in Askariga maanta la toogtay uu xalay dilay askari kale, kaddib markii uu muran dhex maray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*