27th July 2024  admin  Category :

Deno oo magcaabay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada iyo Maxkamadaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Dowladda Puntland .

Garoowe: 16, May 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 16ka May, 2020, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.


Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiidsa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:


1. Waxaa Maxamed Cabdirashiid Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kalae Magacaabay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Iyo Danbiyada Culus ee Puntland.

Image may contain: 2 people, people sitting


1. Waxaa G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus

2. Waxaa G/sare. Cawil Jaamac Nuur loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus

3. Waxaa G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

4. Waxaa G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

5. Waxaa G/sare. Cali Faarax Caydiid loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

6. Waxaa G/sare. Cabdi Cali Jaamac loo magacaabay Garsoore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

7. Waxaa G/sare. Maxamuud Faarax Maxamed loo magacaabay Xeer Ilaaliye Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*