26th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Deni oo kormeeray Taliska Guud Ciidamada illaalada Xeebaha Puntland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeeray Taliska Guud ee Ciidamada illaalada Badda iyo Beriga ee PMPF ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud taliska iyo hoggaanada Taliska.

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyay shaqooyinka Amni ee u qabsoomay, tababarada ciidanka, dAdaalada socda iyo shaqooyinka qorshaysan.

Madaxweyna Saciid ayaa ku bogaadiyey ciidamadda iyo hoggaanadoodaba howlkarnimada, hufnaanta iyo dAdaalka ay markasta heeganka ugu yihiin difaaca dalkooda iyo garab istaagga shacabkooda, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay inay sii lab jibaaran dadaalkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*