6th May 2024  admin  Category :

Muuse Biixi iyo Ismaacii Cumar Geele ayaa isku deyaya sidii ay waxba kama jiraan uga dhigi lahaayeen kacdoonkii shacabka SSC, waxeeyna dedaal ugu jiraan sidii ay u fashilin lahaayeen.

Hadaba, shirkii Muqdisho ka dhacay ayaa madaxweeynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele waxa uu soo hordhigay shirkaas arrinta Laascaanood, isagoona isku deyaya in arrintaas lagu soo jeediyo indhaha madaxda Bariga Afrika iyo midda caalamka.

Madaxweeynaha Jabuuti oo ah nin ay qabyaaladdu madax martay ayaa gacan ku siinaya SNMta sidii uu u fashili lahaa rabbitaanka shacabka SSC, waxaase ayaan darro ah in laga oggolaaday in Ismaaciil Cumar Geele uu soo faraggeliyo arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya.

Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geele ayaa wakhtigan iibinaya siidii Laascaanood loogu shaabadeeyn lahaa meel argaggixisaddu hoy u noqon doonta hadii aan lagu gacan siinin in ay ka talliso SNMta. Hadda ka hor ayaa been abuur noocaas oo kala ah waxaa magaalada Laascaanood ka gudbiyey SNMta, iyagoona Itoobiyaanka ka dhaadhiciyey in magaladda Laascaanood ay hoy u tahay argaggixiso ONLF ah.

Hase ahaatee, waxaa la ogyahay in Laascaanood aysan welligeed argaggixiso xarun u noqon, una noqon doonin, balse argaggixisada dhabta ah ay yihiin SNMta oo dooneeysa gummeeysi, iyaga oo ah qabiil tiro yar. Laascaanood kacdoonkii ka dhacay ee Calanka Buluuga, waa mid laga wadda dheragsanyahay oo aan argaggixiso iyo wax la mid ah aan lagu sheegi karin.

Hadaba, Garaadada SSC ayaa laga filayaa ineeysan marnaba oggolaan wax wadahadal ah oo lala galo SNMta oo uu horboodayo Ismaaciil Cumar Geele. Waana in aan gacan la sin cid kasta oo gacan ka geeysaneeysa kala jaridda dalka Soomaaliya. Mustaqbalka deeggaanada SSC waa mid maanta talladiisu ay gacanta ugu jirto dadka deggaankaas, waxaana laga fillayaa shirkaas in ay ka soo baxaan wax Soomaali iyo shacabka SSCba ay ku diirsadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*