28th March 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta loogu quuri waayey Degmada Badhan shilimada yar ee ay Dawladda dhexe ka heshay?

In badan oo ka mid ah bulshada Soomaliyeed oo u badan siyaasiyiinta waqooyiga Soomaaliya iyo Koonfurta ayaa si isku mid ah uga hor yimid shilimaddii .loo qoondeeyey degmada Badhan markii ugu horaysay intii bur burkII Soomaaliya ka danbaysa.

Dhowaan markii Madaxweynihii hore ee Galmudug yidhi, Deeqdii maamulka Galmudug Badhan ayaa la geeyey, dad badan ayaa fahansanayn ujeedaddisa oo ahayd Wasiirka Qorshaynta ayaa halkaa ka soo jeeda

Dhamaan dadkani waxay ka midaysan yihiin in wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal maxamed Xasan uu si sadbursi ah u siiyey beeshiisa lacagta loogu magac daray Farmaajo Care. Labo arimood ayeey cuskanayaa si beentooda Qabyaaladda ku salaysan ay bulshada uga dhaadhiciyaan, una kiciyaan

Kow waxay yiraahdeen lacagtan waxa loogu talo galay Barakacayaal oo Badhan ma joogaan Barkacayaal.

Marka labaad waxay yiraahdeen Badhan waxa ku nool 5000 oo Qof, oo wasiirku waa degaan doorashadiisa sidaas ayuu sadbursi u siiyey. Waxay qoraalo ay u direen Ha’yado shisheeye ku sheegeen “Badhan is neither a war zone like many places in the South nor suffered any natural disaster like the flooding in Beledwayn and the locust infestation in the southern farm lands.

” Badhan maaha meel dagaal sida meelo badan oo ka mid ah Koonfurta, waxyeelona kama soo gaarin masiibooyin ku dhacay sida Fatahadda Webe Baladeweyne iyo Ayaxa cunay beeraha koonfurta Soomaaliya”

Marka hore Wasiir Jamaal degaan doorashadiisu maaha degmada Badhan waa Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Dadka ugu badan ee ka soo Barkcay degaanadooda ee waqooyiga , Bariga iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya oo aan ku laaban karin degaanadoodi hore waa Bulshadii ku noolayd Buuraha Calmadow ee Argagixisadu soo barakiciyeen oo hadda ku sugan dhamaan degaanada Bariga Soomaaliya oo Badhan ka mid tahay.

Degmada Badhan waxa ku sugan reer Guuraagii ay xoolahoodu dhaceen argagixisada ku dhuumaalaysanaysa buuraha Calmadow.

No photo description available.

Degmada Badhan, maanta waxa ku sugan dadka ugu badan ee Soomaaliyeed ee ka soo barakacay colaadaha ka jira degaanada Soomalidu degto ee Itoobiya.

Degmada Badhan waxa ku sugan dadkii ay Abaartii Xoolaha Ka Dhamaysay  iyo kuwii ay saamaysay dabaylihii ka dhacay badda cas iyo xeebta degmada Laasqoray.

Degmada Badhan waxa ku sugan qaxooti ka soo jeeda Dalka Yaman.

Degmada Badhan waxa horay ugu sugnaa oo maamlmihii ina soo dhafay ku soo biiray dad ka soo Barkacay dagaalada uu maamulka sheegta Somaliland uu ka wado Waqdariya iyo Shidan.

Arinta labaad ee ah in degmada Badhan ay ku nool yihiin dad gaaraya 5000 oo Qof waxba kama jiraan, sababtoo ah warbixintii QARAMADA MIDOOBEY ee UNFPA waxa lagu sheegay inay ku nool yihiin magaaladaas dad gaaraya 238,855 oo Qof .

Ugu danbayntii in badan oo ka mid ah Siyasiyiinta Koonfurta hadal kama keeneen kama hadleen haddii degmada Badhan lacagtan loo soo marin lahaa Hargaysa. Sidoo kale siyaasiyiinta Waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Isaaq, intooda badan waa kuwa ku doodaya in Badhan loo sadburiyey si ay u kiciyaan Koonfurta Soomaaliya. Intaas oo dhan waxa ka daran kan ka soo jeeda degmada badh an oo ODAY sheeganaya oo nagu leh Haddii aydan ogolayn Somaliland oo aad Isaaqland ugu yeeraysaan iska daaya qabyaaladda oo ugu yeedha Beesha Dhexe.

Allsanaag.com, news@ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*