26th April 2024  admin  Category :

Isimaddii Warsangeli ee afduubna dagaal oogaha SNM Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa xoriyaddodii dib u helay

Waxa manta xoriyadodi dib logu soo celiyay Boqor Ibraahim Gacmayare iyo Nadadoon Siciid Faarax Xasan iyo Guurti Siciid Maxamauud Ismaaciil oo dhowaan lagu afduubtay magalada CeerIgaabo ee gobolka Sanaag ayaa maanta xoriyadodii dib u helay, Odayashan ayaa waxay u u afduubnaayeen dagaal oogaha SNM ee ugu magcaabay duqa magaalada Ceerigaabo.

Beelaha Garxejis iyo Wafdi beesha Warsangali ah oo uu hogaaminayey Suldaan Siciid Suldan Cabdisalan ayaa shir ku yeeshay magaalada Ceerigaabo waxayna beelahu isla qaateen in nabad la qaato ilaa bisha Ramadan Dhamaato, arintaas oo uu soo jeediyay Suldaanka Guud ee belaha Harti, oo labada beelood isugu yeedhay iyadoo madaxda beelaha Isaaq goob joog ka ahayeen iyo maqraati, Waxay labaada reer ku heshiiyeen in labada dhinacba ilaaliyan nabada inta laga gaarayo mudada gogosha wadahadalka

Suldaanka guud ee beelaha Harti iyo odayaashii waftigii uu hogaaminayey ee Badhan ka yimi ayaa waxay u yimaadan magalada Ceergaabo dagaalo iyo shaqaaqoyin muran xaga dhulka ah oo kajira deegaanka Shidan oo ku yaala xeebta waqooyiga gobolka Sanaag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*