26th April 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaare  Kheyre oo caawa booqday musqushii Guriga  Cabdi Qaybdiid uu sheegay in Islaan loogu galay

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa booqday hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ay shalay ciidamo xoog ku galeen baaritaanana ka sameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la kulmay Cabdi Qeybdiid waxayna ka wadahadleen arrimo la xiriira gelitaankii ay ciidamo ka tirsan dowlada federalka ay galeen Musqusha gurigiisa , xilli uu howlo shaqo ugu maqnaa xarunta Aqalka Sare.

Wararka waxa ay sheegayaan in ra’iisul wasaare Kheyre uu kulanka uu la qaatay Senator Qeybdiid uu ku muujiyay dareenkiisa iyo sida uu ugaga xun yahay falka lagula kacay Senatorka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dowladu ka xuntahay falkan ayna u saartay guddi gaar ah lana bilaabay tallaabooyinkii sharciga lagu horkeeni lahaa cidii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdiqeybdiid loona xirey askar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*