26th July 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta Beesha Habar Gidir oo booqday Gurigii hogaamiyahooda Qaybdiid

Xildhibaano iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee beesha Habar Gidir ayaa maanta booqday hoyga Hogaamiyahooda  Cabdi Xasan Cawaale ee magaalada Muqdisho oo ay shalay sida uu sheegay Musqushiisa ay  baaritaan ku sameeyeen qaar kamid ah ciidamada dowlada Soomaaliya.

Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada booqatay guriga Cabdi Xasan Cawaale ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin falka lagula kacay oo weliba aan la tixgelin qaybaha ka mid ah gurigiisa oo ay ka mid tahay Musqushiisa.

“Waxaan galabta hoygiisa ku booqanay Senator Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid, Gudoomiyaha Gudigga Dastuurka ee Labada Gole oo ay shalay si sharci daro ah ugu dhaceen hoygiisa ciidanka afduuban oo la mid kuwii dhowr habeen ka hor I soo weeraray.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur oo ka mid ahaa siyaasiyiintii booqatay hoyga Cabdi Qeybdiid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*