27th July 2024  admin  Category :

Waxaa maanta si diiran loo soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee KMG ee Caasimadda Puntland ee Garoowe Wasiirka Qorshaynta, Iskaashiga iyo xirirka caalamiga dowlada Faderaalka Soomaliya Am Jamaal maxamed Xasan iyo wefti uu hogaaminaayo.

Wafttigaan oo ka soo kicitimay magaalada Mogdisho ayaa salaan la dhexmaray masuuliyintii isugu jiray wasiiro xildhibaano isimo nabadoono aqoonyahano haween oo si diran u soo dhaweeyey Garoonka wasiirka.

Waxaana saxaafada la hadlay wasiirka Qorsheynta iyo xirirka caalamiga dawlada Puntland Shire Xaaji Faarax isagoo ku soo dhaweeyey hadalka wasiirka qorsheynta Soomaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ugu horayn ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey, wuxuuna  xusay in maalmo joogi doonaa Puntland lana kulmi doonaa bulshada iyo masuuliyinta dawladda Puntland.

 

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*