War-Murtiyeed wadajir ah Dowladaha Jubbaland iyo Puntland

War-Murtiyeed wadajir ah Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ee xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee Soomaaliya

Kadib dadaalo is daba jooga ah oo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka wadeen, waxaa qabsoomay shirarkii Dhusamareeb 1, 2, 3 iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay Magaalada Mogadishu September 2020, ayna isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxda Guddiga Wadatashiga Qaranka ayaa 17 September 2020 heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashada Dalka, isla markaasna 1dii October 2020 soo saaray habraacyada magacaabista iyo maamulka Guddiyada doorashooyinka.

Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa dhamaantood soo magacaabay xubnaha ka qaybgalaya Guddiga doorashada ee Dowladda dhexe (FIEIT), halka ay Dowladaha Xubnaha ka ah qaarkood soo magacaabeen guddiyada maamulka doorashada ee heer Dowlad Goboleed (SIEIT).

Magacaabista Xubnaha Guddiga Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay soo gudbiyeen ayaa hareer marsanaa habraacyadii lagu heshiiyey ee magacaabista iyo maamulka guddiyada doorashada. Dowladda Federaalka ah ayaa sidoo kale wadatashi la’aan ku magacawday Guddiga Maamulka doorashada kuraasta Somaliland iyo in Dowladdu khal khal amni ka abuurtay sidii doorasho uga qabsoomi lahayd Gobolka Gedo. Arrimahaan ayaa waxaa ka dhashay khilaaf sababay in uu dib u dhaco fulinta heshiiskii 17 September 2020 lagu gaaray Magaalada Mogadishu.

Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dareen ka muujiyeen qodobada abuuray khilaafka ee hareeyey fulinta heshiiskii 17 September 2020 iyo habraacyadii lagu heshiiyey. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dib u dhigeen magacaabista guddiyada maamulka doorashada ee heer Puntland iyo Jubbaland inta laga wada hadlayo arrimaha laysku khilaafsan yahay.

Xubnaha Beesha Caalamka oo uu ugu horeeyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midowbay James Swan ayaa door muhiim ah ka qaatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xalin lahaa khilaafka jira iyo in Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada si ay qayb uga noqoto qabsoomidda shir wadatashi oo si guud loogu xaliyo dhamaan qodobada lagu muransan yahay.

Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ayagoo tixgalinaya wakhtiga xasaasiga ah ee lagu jiro, una gogol xaaraya qabsoomidda shir loo dhan yahay, waxay shaaciyeen Guddiyada Maamulka doorashada ee SIEIT. Haseyeeshee, waxaa nasiib darro ah in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay ka cago jiidayso qabsoomidda shir lagu xaliyo khilaafka ka jira qabsoomidda doorashada Dalka.

Haddaba, waxaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, Saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba la socodsiinaynaa in Puntland iyo Jubbaland ay mar walba diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii doorasho loo dhan yahay oo lagu wada kalsoonaan karo ay Dalka uga dhici lahayd si ay u abuurto daganaansho siyaasadeed oo horay u sii wada hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Sidaa darteed, waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ugu baaqaynaa in shir deg deg ah laysugu yimaado Magaalada Mogadishu 30ka January 2021 si loo xaliyo arrimaha hortaagan doorashada.

Waxaan sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka geystaan in Dalka laga badbaadiyo khatar amni iyo xasilooni darro siyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8 February 2021 ayadoon heshiis laga gaarin qabsoomidda doorashada. DHAMMAAD

Maraykanka Oo Amray In Dagdag Looga Saaro Ciidanka Eritrea Gobolka Tigray

Maraykanka Oo Amray In Dagdag Looga Saaro Ciidanka Eritrea Gobolka Tigray ee Itoobiya

Maraykanka ayaa ku baaqay in si degdeg ah ciidamada Eritrea looga saaro gobolka Tigray ee waddanka Ethiopia sida ay daabacday wakaalada Wararka ee AP.


Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegay in gobolkaasi ay ka dhaceen tacadiyo isugu jira bililiqo, kufsi iyo xadgudubyo kale.

Maraykanka ayaa sheegay in Ciidamada Eritrea ay qaxootiga Tigrayga ah si khasab ah ugu celinayaan deegaamadooda kuwaas oo doonayay in ay u xaqaan dhinaca Eritrea.
Ethiopia hore waxa u beenisay in Ciidamo Eritrean ah ay ka qayb-galeen dagaalkii lala galay Tigrayga balse waxa isa-sootaraya Warbxinada xaqiijinaya in Ciidamada Eritrea ay weli ku jiraan xadka Ethiopia.

https://www.aljazeera.com/news/2021/1/27/eritrean-forces-should-leave-tigray-immediately-us

Kenya oo sheegtay ‘in ay ku qanacsantahay Warbixintii IGAD

Kenya oo sheegtay ‘in ay ku qansantahay Warbixintii IGAD’

Dowladda Kenya ayaa waxay soo dhaweysay warbixintii ay soo bandhigeen guddiga xaqiiqo raadinta ee loo xil saaray in ay baaraan sheegashada Dowladda Soomaaliya ee ah in Kenya faragelin ku hayso arimaheeda gudaha ayna hubeyso maleeshiyad si ay u qalqal geliyaan amaankeeda.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in warbixinta guddiga ay  cadeynayso xaqiiqda ah in gabi ahaanba aysan sal lahayn eedeymaha dowladda Soomaaliya u soo jeedisay Kenya.

“Dowladda Kenya waxaa ay ku qanacsantahay warbixinta guddiga, warbixinta waa mid cad oo ku saleysan xaqiiqo” ayaa lagu yiri war-saxaafadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka hor timid warbixinta guddiga, waxayna ku tilmaamtay mid aan xaqiiqada ka turjumayn.

Hoos ka akhriso

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WASIIRKA DIFAACA INGIRIISKA KU QAABILAY MADAXTOOYADA QARANKA

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WASIIRKA DIFAACA INGIRIISKA KU QAABILAY MADAXTOOYADA QARANKA

Madaxweynr Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingiriiska Ben Wallace oo uu wehelinayo Safiirka Ingriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Wasiirka qorsheyaasha hirgalay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay hannaanka dib u dhiska Ciidamada, amniga, dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka argagixisada Al Shabaab.

Guri Badhan ku yaal oo la weraray.

Maleeshiyadka Maandooriyaasha qaata ee SNM soo tababareen imisaa loo dul qaadan doonaa?

Waxaa xalay rasaas lagu ridey Guriga Gudoomiyaha Bulshada rayidka ah ee Badhan Cabdcasiis Axmed Salax oo sidoo kale ah Maamulaha Iskuulka Furqaan oo ku yaal isla Magaaladasi.Gudoomiyaha gobolka sanaag iyo Mulkiilaha guriga ayaa ka hadlay aritaasi.

Gudoomiyaha ayaa habeenkii xalay ka hadlay sida amniga degmada loo ilaalin lahaa, saacado ka dibna maleeshiyaadka Maandooriyaasha qaata ee SNM soo tababareen ayaa sida loo badinayon soo weeraray

Dowlada Soomaaliya oo ku gacan seyrtey go’aan ka soo baxay guddiga xaqiiqo raadinta IGAD

Dowlada Soomaaliya oo ku gacan seyrtey go’aan ka soo baxay guddiga xaqiiqo raadinta IGAD

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtey warbixin uu soo saaray guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee dhawaan loo saaray dacwaddii dowladda Soomaaliya ka gudbisay Dowladda Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya Cusmaan Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Guddigaas inuusan dhex dhexaad ka noqon arrimaha labada dal, isla markaana uu qaatay warbixinta hal dhinac oo Kenya ah.

“Guddiga IGAD ee loo xilsaaray xaqiiqo raadinta dacwadii Somalia ka gudbisay Kenya wuxuu so saaray warbixin lala yaabo oo u janjeerta hal dhinac” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliya.

Guddiga ayaa sheegay in xuduuda labada dal aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso Jabhad weerarro ka fulisa gudaha Soomaaliya, iyagoo sheegay iney xaqiijiyeen in C/rashiid iyo ciidamadiisa ay ka tirsan yihiin ciidamada Jubbaland.

Warbixintan uu soo saaray guddigan ayaa ku soo beegmaya xilli labo maalmood kahor uu iskahorimaad hubeysan ku dhex maray magaalada Beled Xaawo ciidamo daacad u ah dowlada federalka iyo ciidamada maamulka Jubbaland

Wasiirka Qorsheynta oo kulan la qaatay xubno ka socda Xafiiska QM ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta oo kulan la qaatay xubno ka socda Xafiiska QM ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaraanka Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda kulan kula qaatay xubno ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay  ku-xigeenka wakiilka  Qaramada Midoobay Soomaaliya Mr:  Adam Abdelmoula, ayaa looga hadlay dar-dar galinta shaqooyinka arrimaha beni’aadinimada, horumarinta dhinacyada arrrimaha bulshada iyo deggaanka.

Kulanka waxaa  uu ahmiyad gaar ah siinayaa howlgelinta qaab-dhismeedka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo dar-dar galinaya howlaha baaxadda leh ee ku cad Qorshaha Hourmarinta Qaranka iyo Istaraatijayada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 2021-2025.

Sidoo kale waxaa la is la gartay in la xoojiyo arrimaha beni’aadinimo ee haatan taagan, sida in xarunta ka jawaab celinta  dhibaatooyinka in ay si buuxda u shaqeyso, iyo xoojinta adeegyada nidaamka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in ay qeyb ka noqoto xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya isku-duwida ay hoggaanka u tahay dowladda (Government led-Coordination).

Waxaa Wasiirka ku wehliyay shirka qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Qorsheynta, iyada oo kullanka la isku raacay in la xoojiyo horumairnta arrimaha kor lagu xusay.

IDIN KAMA DIFAACI KARO ALSHABAAB

Qoor qooroo odayaasha Habargidir u sheegay in uusan u heyn ciidamo ka difaaca Al-Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa qiray in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkiisa ay qarka u saarantahay inay Al-Shabaab qabsadaan, maamulkiisana uusan awoodin inuu ka difaaco.

Hadalkaan Qoor Qoor waxa uu ka sheegay kulan uu la yeeshay odayaasha dhaqanka magaalada Dhuusamareeb, sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah xubnihii la kulmay madaxweynaha.

Odaaysha la kulmay Qoor Qoor waxay kala hadlayeen khilaaf ka taagan awood qeybsiga golaha deegaanka ee magaalada Dhuusamreeb, balse waxay isku dayeen in kulankaas ay uga faa’iideystaan ka hadalka ammaanka faraha ka siibaxaya ee deegaanada Galmudug, gaar ahaa Dhuusamareeb oo habeen kasta deegaanada u dhaw ay Al-Shabaab yimaadaan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa odayaasha u sheegay inuu la socdo in gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ay soo buux dhaafiyeen Al-Shabaab, balse Galmudug aysan heysan ciidan lagu tasha karo oo iska dhiciya Al-Shabaab. Waxuuna odayaashii u yimid ee Dhuusamareeb ka soo jeeday u sheegay in deegaanka ay ka difaacdaan Al-Shabaab, maadaama uusan maamulkiisu laheyn ciidan difaaca.

Intaas kadib odayaasha oo ka carooday jawaabta Qoor Qoor, ayaa u sheegay in sanad ka hor markii uu xilka qabtay aysan Al-Shabaab ka sokeyn Ceelbuur, balse maanta aysan waxaba la aheyn inay qabsadaan Dhuusamareeb, difaacuna uu yahay mas’uuliyad saran maamulka.

Qaar ka mid ah odayaasha oo aan la hadalnay waxay noo sheegeen, in markii halkaas la kala taagan yahay kulankii lagu kala dareeray, isla markaana uu ku sii batay walaaca ay ka qabaan xaaladda ammaan ee deegaanadooda.