28th March 2024  admin  Category :

War-Murtiyeed wadajir ah Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ee xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee Soomaaliya

Kadib dadaalo is daba jooga ah oo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka wadeen, waxaa qabsoomay shirarkii Dhusamareeb 1, 2, 3 iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay Magaalada Mogadishu September 2020, ayna isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxda Guddiga Wadatashiga Qaranka ayaa 17 September 2020 heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashada Dalka, isla markaasna 1dii October 2020 soo saaray habraacyada magacaabista iyo maamulka Guddiyada doorashooyinka.

Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa dhamaantood soo magacaabay xubnaha ka qaybgalaya Guddiga doorashada ee Dowladda dhexe (FIEIT), halka ay Dowladaha Xubnaha ka ah qaarkood soo magacaabeen guddiyada maamulka doorashada ee heer Dowlad Goboleed (SIEIT).

Magacaabista Xubnaha Guddiga Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay soo gudbiyeen ayaa hareer marsanaa habraacyadii lagu heshiiyey ee magacaabista iyo maamulka guddiyada doorashada. Dowladda Federaalka ah ayaa sidoo kale wadatashi la’aan ku magacawday Guddiga Maamulka doorashada kuraasta Somaliland iyo in Dowladdu khal khal amni ka abuurtay sidii doorasho uga qabsoomi lahayd Gobolka Gedo. Arrimahaan ayaa waxaa ka dhashay khilaaf sababay in uu dib u dhaco fulinta heshiiskii 17 September 2020 lagu gaaray Magaalada Mogadishu.

Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dareen ka muujiyeen qodobada abuuray khilaafka ee hareeyey fulinta heshiiskii 17 September 2020 iyo habraacyadii lagu heshiiyey. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dib u dhigeen magacaabista guddiyada maamulka doorashada ee heer Puntland iyo Jubbaland inta laga wada hadlayo arrimaha laysku khilaafsan yahay.

Xubnaha Beesha Caalamka oo uu ugu horeeyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midowbay James Swan ayaa door muhiim ah ka qaatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xalin lahaa khilaafka jira iyo in Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada si ay qayb uga noqoto qabsoomidda shir wadatashi oo si guud loogu xaliyo dhamaan qodobada lagu muransan yahay.

Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ayagoo tixgalinaya wakhtiga xasaasiga ah ee lagu jiro, una gogol xaaraya qabsoomidda shir loo dhan yahay, waxay shaaciyeen Guddiyada Maamulka doorashada ee SIEIT. Haseyeeshee, waxaa nasiib darro ah in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay ka cago jiidayso qabsoomidda shir lagu xaliyo khilaafka ka jira qabsoomidda doorashada Dalka.

Haddaba, waxaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, Saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba la socodsiinaynaa in Puntland iyo Jubbaland ay mar walba diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii doorasho loo dhan yahay oo lagu wada kalsoonaan karo ay Dalka uga dhici lahayd si ay u abuurto daganaansho siyaasadeed oo horay u sii wada hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Sidaa darteed, waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ugu baaqaynaa in shir deg deg ah laysugu yimaado Magaalada Mogadishu 30ka January 2021 si loo xaliyo arrimaha hortaagan doorashada.

Waxaan sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka geystaan in Dalka laga badbaadiyo khatar amni iyo xasilooni darro siyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8 February 2021 ayadoon heshiis laga gaarin qabsoomidda doorashada. DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*