Allah ha u naxariistee kumuu ahaa Warsame Maajoor ?

Allah ha u naxariistee kumuu ahaa Warsame Maanjoor ?

Allah ha u naxariistee intaanu dhiman General Galaal wuxuu sheegay “anigoo agoon ah, waxa i soo gacan qabtay oday Warsangeliga [Daarood] Waqooyiga ah oo la odhan jiray Warsame Maajoor,” siduu yiri Jaalle Galaal.

Dad badan oo ka soo jeeda Maakhir ayaa na soo waydiiyey Allah ha u naxariistee Warsame Maanjoor ?

Warsame Cali Aadan Samatar (Warsame Manjoor),wuxuu ahaa Saraakiishii ugu horaysay Soomaaliyeed ee ka mid noqday cidamdii Talyaaniga. Magaca Manjor asalkiisu waa Talyaani

Warsame Manjoor, wuxuu ka soo jeeda beesha Reer Yaasuf ee Warsangeli

Warsame waxa uu dhalay Claahi Manjoor Xasan Manjoor Iyo xuseen Manjoor.

Xuseen manjoor hada waa nabadoonka Warsangali ee Jubaland iyo wakiilka suldanka.

Dagaal ooge iyo Golihii wasiirada oo kulmay

Dagaal ooge hore Cali Mahadi oo Gurigiisa ku shiriyey wasiiraddii dawladdii xilkeedu dhamaaday

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed iyo wasiiro ka tirsan xukumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan ku qaatay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay hoyga Cali Mahdi, ayaa waxaa ka qeyb ahaa wasiirada Xukuumadda ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye, iyagoo kawada hadlay xaalada dalka iyo sidii dalka looga bixin lahaa xaaladda kala guurka.

Wasiirada kulanka qeyb-galay ayaa waxaa kamid ah wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaalle, wasiirka dowlaha amniga, Farxaan Cali Axmed, wasiirka Ganacsiga iyo kuwo kale.

Waxaana uu kulankan ku soo aadaya kaddib markii saacadihii la soo dhaafay ay Muqdisho ka jireen xaalado siyaasadeed oo ka dhashay dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Midowga Yurub oo saaray Bayaan ka digaya Muddo Kororsi

Midowga Yurub oo saaray Bayaan ka digaya Muddo Kororsi

Wakiilka Arrimaha Dibbada Midowga Yurub Josep Borrell ayaa soo saaray Bayaan ku saabsan heshiis la’aanta ka jirta arrimaha doorashada dalka Soomaaliya.

Bayaanka uu soo saaray Josep Borrell ayaa looga digey muddo kororsi aan arrimo farsamo ahayn iyo weliba is barbar yaac dhinaca doorashada dalka ah.

Qoraalka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa u qornaa sidan;

“Heshiis la’aanta in la qabto doorasho ka dhacda Soomaaliya waa mid aad u culus oo aan dan ugu jirin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waa muhiim in dhammaan kanqeybgalayaashu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah ula shaqeeyaan si ay uga heshiiyaan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka qaran.
Hoggaamiyeyaasha siyaasaddu waa inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember.

Geedi socod kasta oo is barbar socda ama muddo kororsi, oo aan aheyn qaab farsamo ahaan waxaa loo tixgelin doonaa dib u dhac xoogan.

Ismariwaaga siyaasadeed ee hadda jira wuxuu dhaawacayaa kalsoonida Midowga Yurub ee horumarka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka waxaa looga baahan yahay inay xaliyaan ismari waaga siyaasadeed ee qatarta ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyin.

Dhinacyada oo dhammi waa inay muujiyaan hoggaan, oo ay tixgeliyaan danaha dadweynaha kana fogaadaan hadalada iyo ficillada hurinaya rabshadaha.”

Baaqa Murashaxiinta Beelaha Hawiye

Murashaxiinta Beelaha Hawiye oo baaq u diray Bulshada Caalamka iyo Soomaalida

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta Beelaha Hawiye ayaa maanta kulankii ay ku yeeshen magaalada Muqdisho uga diray Beesha Caalamka fariin culus oo u muuqatay mid digniin ah oo ay samayn doonaan haddan madaxweynihii hore Farmaajo ka guurin Villa Wardhiigleey

Maraykanka oo ku baaqay in heshiis deg-deg ah laga gaaro khilaafka doorashada Soomaaliya

Maraykanka oo ku baaqay in heshiis deg-deg ah laga gaaro khilaafka doorashada Soomaaliya

Dowlada Maraykanka ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaanka qaran ee Soomaaliya inay hadda wax ka qabtaan si loo xalliyo jahwareerka siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in heshiis lala galo hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka si loogu oggolaado qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Qoraal ka soo baxy safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah jahwareerka siyaasadeed looga baxo.

“Waa in Si deg deg ah loo xaliyo ismari waaga doorashada maadaama ay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya. Waa masuuliyada iyo waajibka saaran madaxda qaranka iyo kuwa gobolka inay meel iska dhigaan raadinta danaha siyaasadeed taa badalkeedana ay ku shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed oo iyagu ka mudan kan ugu fiican madaxdooda.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhowaan ayaa waxaa burburay wada hadal u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya oo uu wehliyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Rooble iyo hoggaanka Dowlad-goboleed-goboleedyada.