18th April 2024  admin  Category :

Midowga Yurub oo saaray Bayaan ka digaya Muddo Kororsi

Wakiilka Arrimaha Dibbada Midowga Yurub Josep Borrell ayaa soo saaray Bayaan ku saabsan heshiis la’aanta ka jirta arrimaha doorashada dalka Soomaaliya.

Bayaanka uu soo saaray Josep Borrell ayaa looga digey muddo kororsi aan arrimo farsamo ahayn iyo weliba is barbar yaac dhinaca doorashada dalka ah.

Qoraalka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa u qornaa sidan;

“Heshiis la’aanta in la qabto doorasho ka dhacda Soomaaliya waa mid aad u culus oo aan dan ugu jirin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waa muhiim in dhammaan kanqeybgalayaashu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah ula shaqeeyaan si ay uga heshiiyaan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka qaran.
Hoggaamiyeyaasha siyaasaddu waa inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember.

Geedi socod kasta oo is barbar socda ama muddo kororsi, oo aan aheyn qaab farsamo ahaan waxaa loo tixgelin doonaa dib u dhac xoogan.

Ismariwaaga siyaasadeed ee hadda jira wuxuu dhaawacayaa kalsoonida Midowga Yurub ee horumarka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka waxaa looga baahan yahay inay xaliyaan ismari waaga siyaasadeed ee qatarta ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyin.

Dhinacyada oo dhammi waa inay muujiyaan hoggaan, oo ay tixgeliyaan danaha dadweynaha kana fogaadaan hadalada iyo ficillada hurinaya rabshadaha.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*