26th July 2024  admin  Category :

Maraykanka oo ku baaqay in heshiis deg-deg ah laga gaaro khilaafka doorashada Soomaaliya

Dowlada Maraykanka ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaanka qaran ee Soomaaliya inay hadda wax ka qabtaan si loo xalliyo jahwareerka siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya iyo in heshiis lala galo hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka si loogu oggolaado qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Qoraal ka soo baxy safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah jahwareerka siyaasadeed looga baxo.

“Waa in Si deg deg ah loo xaliyo ismari waaga doorashada maadaama ay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya. Waa masuuliyada iyo waajibka saaran madaxda qaranka iyo kuwa gobolka inay meel iska dhigaan raadinta danaha siyaasadeed taa badalkeedana ay ku shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed oo iyagu ka mudan kan ugu fiican madaxdooda.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhowaan ayaa waxaa burburay wada hadal u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya oo uu wehliyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Rooble iyo hoggaanka Dowlad-goboleed-goboleedyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*