Waa loo dhashaa Wadani

Dhismaha Xaafada Cusub ee Guryasamo
Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo wafdi u hogaaminaayo ayaa Booqday Dhismaha Xaafada Cusub ee Guryasamo oo dhismaheedu ka socdo Galbeedka magaalada Bosaaso.

Barakacayaasha Buuraha Cal madow
Barkacayaal ay Alshabaabku ka soo barakiciyeen Buurha Cal madow ayaa Dib-udejin loo sameeyey
Maamulka Degmada Badhan oo Dib-udejin usameeyey Qoysas Hore ugasoo Barakacay Deegaanka Markad ee Buurta Calmdaw Ayaa Dawlada Puntland iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay inay Ka caawiyaan Adeegyada Nolosha oo aysan weli Helin

Akhriso Warmurtiyeedka Shirka Gollaha Wadatashiga Oo So Gabagaboobay
Akhriso Warmurtiyeedka Shirka Gollaha Wadatashiga Oo So Gabagaboobay
Qodobada ugu muhiimsan ee laga soo saaray shirkan ayaa ah in doorashada Golaha Shacabka in lagu soo gabagabeeyo 15 Janaayo illaa 25 Febraayo.
Halkan ka aqriso war murtiyeedka laga soo saaray shirka Golaha Wadatashiga Qaran;
1- Ka hor inta aan la qaban Doorashada kursi kasta ee Golaha Shacabka waa in la caddeeyo, la diiwaan–galiyo, lana shaaciyo magacyada xubnaha Guddiga Soo Xulista Ergada ee ka kooban Duubabka iyo Caaqillada Rasmiga Ah iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha ama Jufooyinka Kursiga wadaaga;
2- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS (SIEIT) waa in ay la wadaagaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ku sugan goobta Doorashada, magacyada xubnaha Guddiga soo xulista Ergada;
3- Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, waxay u madaxbannaan-yihiin hirgelinta doorashooyinka, si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebtember 2020, 1da Oktoober 2020, 27 May 2021, 22 Ogosto 2021 iyo heshiika war–murtuyeedka 9 Janaayo, 2022;
4- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS iyo Heer Federaal ay xaqiijiyaan Ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka;
5- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, Heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan in Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo Ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay;
6- Soo xulista Ergada waxaa si buuxda ugu madaxbannaan Duubabka, Caaqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beesha iyo Jufada leh Kursiga lagumana fara–galin karo;
7- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Guddiyada Xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada, si ay howlahooda ugu fuliyan, si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashooyinka;
8- Waa in Ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka Musharraxiinta kursiga ku tartamaya;
9- Waa in doorashada kursi kasta ay goob–joogayaal ka yihiin, Guddiga soo xulay Ergada doorashada galaysa, Warbaahinta iyo Goobjoogayaal Madaxbannaan, si mar–qaati looga noqdo hufnaanta iyo daah–furnaanta Doorashada kursi kasta;
10- Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku adkaynayaa dhammaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo Habraacyada hagaya Doorashooyinka, cid kasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaab–tamayaa;
11- Si loo ilaaliyo wada–shaqaynta Guddiyada Doorashooyinka, Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku wargalinayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan, in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta, kuna dhaqmaan, si waafaqsan heshiishyada iyo habraacyada Doorashada ee dagsan;
12- Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ku adkeynayaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka, in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashooyinka;
13- Musharax kasta oo buuxiya shuruudaha habraacyada Doorashooyinka, lagama hor istaagi karo in uu u tartamo kuriga beeshiisa, waxaana reebban in musharax gaar ah loo xiro kursi Doorasho;
14- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka, iyo ka dhex ololaynta Ergada kursiga;
15- Ergada dooranaysa Xubnaha Golaha Shacabka waxaa laga dhaafay bixinta qarashka khidmadda waraaqda dambi la’aanta iyo wixii kale ee Khidmad ah;
16- Ciidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amniga Dalka iyo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruucda iyo xeerarka Dalka;
17- AMISOM waa in ay xoojisaa Amniga Madaxtooyada
18- Doorashada Golaha Shacabka ee hadda socota waxaa lagu soo gabagabeynayaa muddada u dhaxeysa 15 Janaayo ill 25ka Febaraayo;



.





CBB Ayaa Ka Halis Badan Corona
TweeterKII ay lahaayeen hey’adaha dowladda ayaa lagu soo qory in Cayayaanka Baraha Bulshada oo loola jeedo taageerayasha Farmajo ay ka halis badan yihiin Covid 19
Bartan Twitter-ka ayaa lagu baahin jiray wararka iyo warbixinadii ugu dambeyay ee dadka u dhinta iyo kuwa uu soo rito xanuunka Corona Virus.
Tweeter ay lahaayeen hey’adaha dowladda ama dad ka shaqeeya oo lagala socon jirtay xogta Covid 19-ka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay maamulka Farmaajo, iyada oo aan la ogeyn in ay qeyb ka tahay kala-jabka fulinta iyo in kale.
Qoraalka la soo dhigay ayaa lagu sheegay in CBB oo loogu yeero shaqsiyaadka sida aadka ah u taageera nidaamka Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ka halis badan yihiin weju labaad ee xanuunka Corona virus.
” Hirka labaad ee CBB ayaa ka halis badan Corona, Fadlan ka fogoow” ayaa lagu yiri warka lagu daabacay twitter-ka dowladda.

Xadgudub weyn
Saacadihii la soo dhaafay, waxaa si weyn baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xiriirto loogu baahiyay muuqaal si bani’aadannimada ka baxsan loogula dhaqmayo gabar shaqaale ah oo lagu tilmaamay inay tahay Itoobiyaan.
Laba dumar ah oo ku nool deegaan Soomaaliyeed oo aan ilaa hadda si dhab ah loo aqoonsan ayaa wax aan la daawan karin ku sameynayo gabar jaariyad ah oo ay magaceeda ku sheegeen “Janno”.
Muuqaalka oo 11 daqiiqo ah ayaa haweenkaas Soomaalida ah waxa ay gabadha ku qasbeen inay cunto rooti qalalan oo ay dhulka ugu tuureen. Kadib waxa ay ku amreen in rootiga ay ku cunto dambas, arrintaas oo waxyeello caafimaad u horseedi karta.
Haweenka labada ah ayaa garaac iyo aflagaado xun isugu daran gabadhaas u muuqatay mid ku nool xaalad gumaysi oo kale ah.

Wakaaladda Warbaahinta Beelaha Hawiye
Warbaahinta Qaranka oo Cunaqabatayn ku haysa Madaxweynaha Soomaaliya
Wareegtddii ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku xanibay lacagtii sida sharci darada ahayd Imaaraadku u soo geliyeen daka Soomaaliya sanadkii 2018, ayaa haba yaraatee meelna looga soo qorin warbaahinta ku magcaaban warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), Somali National Television (SNTV) iyo Radio Muqdisho ayaa hal Sadar looga soo qorin wareegtaddii xafiiska madaxweynaha ka soo baxday maalintii shalay, sababtuna waa Qabyaalad iyo Hay’adan oo ay hal beel gaar u yeelatay. Waana beesha ay ka soo jeedaan inta badan Mucaaradka Farmaajo.
Kumaakun Qof oo ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa wasaaradda Warfaafinta kaga Mushahaar qaata inay u shaqeeyaan Warbaahin Qaran, hase ahaatee ah warbaahin beeleed oo dad gaar ah gooni u isticmaalan ama si khaldan u isticmaalaan
Ugu danbayntii waxa la gaaray xilligii i Warbaahin Qaran ee Soomaali oo dhami ay wada leeyihiin la samayn lahaa, lagana tegi lahaa Warbaahinta Beelaha Hawiye WBH. Hddaan maanta arintan la bilaabin wax ka bedelkeeda waxay saamayn ku yeelan doontaa madaxda soo socota iyo in sidan maanta Madaxweyne Farmaajo haysata loo geli doono

https://allsanaag.com/radiyo-muqdisho-iyo-mucaaradnimadiisa/
ALLSANAAG.COM

AMISOM Villa Soomaaliya Laguma Wareejinayo
Ra’iisal Wasaare Rooble, Siciid Deni iyo Ahmed Madoobe ayaa shirkii dhammaa ee looga hadlayey arrimaha doorashada waxeey u beddaleyn mid amniga ku soo ururay. Waxaana shirkii oo dhan lagu soo koobay in ra’iisal wasaaraha la yiraahdo halagu wareejiyo amniga guud ee dalka.
Waxaa la is weeydiinayaa sababta uu ra’iisal wasaaruhu uu u rabbo in lagu soo wareejiyo ammaanka guud ee dalka. Waxaan la soconaa in doorashooyinka ka dhacaya Garoowe, Kismaayo, Baydhabo, Samareeb, Jowhar iyo midda ka socota magaalada Muqdisho intaba amnigooda uu xil ka saaranyahay maamuladda ka dhisan deeggaanadaas, mana jirto wax amniga doorashooyinkaas caqabad ku ah.
Sidoo kale, ma jirto sabab loogu wareejiyo ra’iisal wasaaraha amniga guud ee dalka. Ra’iisal wasaaraha horey ayaa loogu wareejiyey amniga doorashada, balse waqtigan waxa meesha ka socda waa wax ka weeyn amniga, waana wax danno gaar ah laga leeyahay, taasoo ay dabada ka riixayaan waddamo shisheeye.
Si kastaba ha ahaatoo, markii la isku afgaran waayey qodobka amniga, ayaa inta Farmaajo ku kacsan oo dhan waxeey la yimaadeeyn ineey yiraahdaan maadaama uu R’iisal Wasaare Rooble uusan amni ku dareemeeyn ku dhex shaqeeynta madaxtooyada, waa in ciidanka AMISOM la geeyaa madaxtooyada Villa Soomaaliya, lagana soo saaraa dhammaan ciidanka Soomaalida.
Gabagabada ayaa ah, in hadii Ra’iisal Wasaare Rooble uusan ku shaqeeyn Karin cabsi darteed madaxtooyada gudaheeda, Muqdisho waa magaalo weeyn, inta la soo gabagabeenayo doorashada waxa uu ku sii shaqeeyn karaa wasaaradaha kale ee dawladda ee ku yaal magaaladda Muqdisho, balse waa in aan marna la aqbalin in AMISOM ay madaxtooyada cag soo dhigto iyo in aan marnaba la aqbalin in amniga guud ee dalka lagu wareejin Ra’iisal Wasaare Rooble oo ah shaqsi u adeegaya dawladdo shisheeye.

Maxay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Joon
Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmajao iyo Janaraal Saadaq Cumar Xasan ‘Joon’ ayaa caawa ku kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya sideed bilood kadib markii uu madaxweyne ka xayuubay janaraalka dhamaan darajooyinka ciidan.
Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in kulanku uu yimid kadib codsi ka yimid Janaraal Saadaq Joon oo beryahan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho. Qof kale oo Saadaq Joon ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay kulanka labada masuul.
Sarkaalka madaxtooyada Soomaaliya waxa uu sidoo kale sheegay in kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Joon uu dabo-socdo kulan shalay dhex maray taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Kulankaas oo ka dhacay gudaha garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhexmara Fahad iyo Janaal Saadaq wixii ka dambeeyay markii Saadaq xilka laga qaaday bishii Abriil Sanadkii hore.
Saadaq ayaa xilligaas ku sheegay muuqaal lagu baahiyay warbaahinta gudaha in uu hakiyay kulan ay yeelan lahaayeen Golaha Shacabka oo looga doodayay arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo faray xildhibaanada inay dib ugu noqdaan deegaan doorashooyinkooda.
Saadaq Joon ayaa markaas ahaa taliyaha ciidamada booliska, iyadoo shaqadii laga eryay wax yar kadib hadalkiisa. Maalmo kadib na, madaxweyne Farmaajo ayaa ka xayuubiyay dhammaan darjaooyinka ciidan Janaraal Saadaq Joon.
Kulanka dhex maray Saadaq Joon, Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay iscafis. Waxaa kulanka dhinacyadan dhexmaray fududeeyay xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo laga soo doorto Jubbaland, kana mid ah ragga ugu dhow xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.
Saadaq Cumar oo saaxiib dhow la’a madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi

Shirka Golaha Wadatashiga oo dib uga bilaawday Muqdisho
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib uga bilaawday Muqdisho
Waxaa caawa magaalada Muqdisho dib uga bilaawday shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib maalin nasiino ah oo madaxdu ay kala maqnaayeen.
Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo war kooban ka soo saaray ajendaha shirka caawa ayaa shaaciyey in laga hadli doono ‘dhammeystirka, hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka.
“Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir ku leh magaalada Muqdisho, kaas oo qeyb ka ah wada xaajoodyadooda ku saabsan dhammeystirka, hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.
Madaxweynaha Dowladda Puntland @SaidAbdullahiDe ayaa caawa ka qeybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Madaxdu uga arrinsanayaan dhameystirka qodobadii ay uga hadleen kulamadoodi hore.
— Puntland State House (@Plstatehouse) January 7, 2022
Afhayeenka & Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada @jama_deperani ayaa ka warbixinaya. pic.twitter.com/Eg4Eig88AQ










