Isbitaal Loo Aqoonsaday Dhismaha Cusub ee Ugu Wanaagsan Adduunka

Isbitaal Loo Aqoonsaday Dhismaha Cusub ee Ugu Wanaagsan Adduunka

Isbitaalka Friendship wuxuu ku yaalaa tuulada Shyamnagar ee koonfur-galbeed ee Bangladesh degmada Satkhira – aag u nugul duufaanada soo noqnoqda iyo kor u kaca heerarka badda.

Isbitaalkan oo ka kooban 80 sariirood oo ku yaala aagga ay duufaantu u nugul tahay ayaa lagu dhisay leben gudaha lagu sameeyay.

“Waxaan shaqaaleysiinnay dhammaan farsamayaqaanada maxalliga ah, iyo qalabka laga heli karo deegaanka, Dadka ku nool halkaana waxay ahaayeen dad reer tuulo ah, waana inaan hubinno inay tan u aqbali doonaan meel ay daryeel ugu imaan karaan,” Kashef Chowdhury, oo ah madaxa naqshadeynta mashruuca, ayaa u sheegay Al. Jazeera.

Kanaal ayaa dhex mara cusbitaalka si uu u kala saaro qaybaha bukaan-jiifka iyo bukaan-socodka ee cusbitaalka.

“Kanaalka ayaa ka caawiya qaboojinta Waxay ka caawisaa in laga fogaado nooc kasta oo qaboojiyaha iyo isticmaalka tamarta guud ahaan xarunta isbitaalka,” ayuu yidhi Chowdhury.

“Waxaan soo bandhignay barxad, beero, barkado iyo geedo, cagaar badan oo soo jiita iftiinka qoraxda iyo hawada dhammaan meelaha bannaan.”ayuu sii raaciyay.
Abaalmarintan qaaliga ah ayaa waxaa u dabaaldagay dadka ku nool deegaanka iyo kuwa ka shaqeeya.

Jury chair Odile Decq called the hospital "a celebration of a building dedicated to humans."

“Ka hor ma aanan arag isbitaal kan oo kale ah. Waxay si aad ah ugu dhexjirtaa dabeecadda, wax macmal ah looma isticmaalo, xitaa lebenku waa dabiici. Waa nadiif, oo qurux badan – gudaha iyo dibaddaba – marka la barbar dhigo dhismayaasha kale ee aagga,” ayuu yiri Golam Rasul oo ka mid ah beerlayada ku nool deegaankaas

daawo sawirada isbitaalka loo aqoonsaday dhismaha cusub ugu wanaagsan ee adduunka
daawo sawirada isbitaalka loo aqoonsaday dhismaha cusub ugu wanaagsan ee adduunka
daawo sawirada isbitaalka loo aqoonsaday dhismaha cusub ugu wanaagsan ee adduunka
daawo sawirada isbitaalka loo aqoonsaday dhismaha cusub ugu wanaagsan ee adduunka
daawo sawirada isbitaalka loo aqoonsaday dhismaha cusub ugu wanaagsan ee adduunka

Puntland oo xukuntay shabakad ku eedaysan falal Argagixiso

Puntland oo xukuntay shabakad ku eedaysan falal Argagixiso

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad gobaleedka Puntland, ayaa xukun ku ridday shabakad ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin  xag jirka Al-shabaab.

Shabakaddan oo ka kooban lix xubnood, ayaa afar kamida lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu ridday xabsiyo kala duwan.

Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xirsi iyo Liibaan Aaden Muuse ayaa Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.

Sidoo kale, Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayaa Maxkamaddu ku xukuntay 30 sano oo Xabsi ah, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed, ay Maxkamadda ku xukuntay 20 sano oo xabsiya.

Maxkamadda ayaa sheegtay in shabakaddaas ay qaraxyo iyo dilala qorshaysan ka fulin jirtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland oo ka warbixiyay kulanka Golaha Wakiilada “SAWIRRO

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland Mudane, Siciid Cusmaan Aadan oo maanta hortagay Fadhiga 4aad ee Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa uu la wadaagey warbixin ku saabsan madaxjarrada Puntland iyo shaqada ka socoda, iyadoo guddigu su’aalo ka weydiideen warbixinta Wasiirka.

Intaas kadib, Guddigu waxay go’aamiyeen in heshiisyada lala galay Madaxjarka Al-jaabiri iyo Maxjarka Wadaniga ah, ay Golaha u soo gudbiyaan Wasaaradda Xannaanada Xolaha iyo Agaasimaha Guud ee Maxjaradda Puntland, muddo 14 cisho gudaheed ah oo ka bilaabmaysa 31/01/2022.

Wasiirka xanaannada Xoolaha ee Puntland mudane Siciid Cusmaan Aadan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga ay u gudbiyeen Maxjarada ku yaala dekadda Boosaaso iyo heshiisyada lala galay.

“Golaha Wakiilada Puntland runtii shaqadoodu waxa weeye, isla xisaabtanka Hay’adaha Xukuumadda, shaqada aan bulshada u heyno iyo isla xisaabtanka ayuu qeyb ka ahaa”.ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Siciid Cusmaan Aadan ayaa xusay in Wasaaraddu ay dekadda Boosaaso ku leedahay xafiis la shaqeeyo Maxjarada oo hubiya shaqada halkaas ka socota iyo dhaqaatiir u gaar ah Wasaaradda oo aqoon u leh Xanaannada Xoolaha.

Recognition of Somaliland (British parliament debate)

We the sultanate of warsangeli, in Sanaag region of northern Somalia, strongly condemn the current debate in the British Parliament and urge the British Government not to proceed with the recognition of Somaliland as a sovereign state for the following reasons: 

  1. The recognition of Somaliland will violate the sovereignty of Somalia and trigger new wars and conflicts in northern Somalia, which has been peaceful. Its unwise, untimely, and provocative and will put off the rekindling hope of the Somali people for a peaceful and prosperous future after a long and devastating civil strife.
  2. Only certain groups of Isaaq tribe and the ruling Junta in Hargeisa are pushing for the secession and the British government is aware of that. All other tribes, the Warsangeli, the Dhulbahante, the Samaroon, the Issa and others are vehemently opposed to the separation from Somalia, the motherland. while notable clans of the Isaaq tribe and prominent politicians of these clans have stated their oppositions to the secession. They know their future interests lie with the Somali people and not some former colonial power in Europe. Let African problems be solved by Africans themselves. We have learned the tragic consequences of outside interventions by the superpowers in Iraq, Afghanistan, and other locations. 

3.This action will also speak new nationalism and conflict in the Somalia and the British government will be seen as neo-colonialists considering the past history of British colonialists as dividers and rulers. The Somalis have never forgotten the partition of their land in to five regions by the British. 

4.We believe that the sponsors’ of this motion are doing for their own benefits. Gavin Williams many have been rewarded by the ruling junta in Hargeisa, but these debates will never benefit the Somali people. Shame on you Gavin Williamson, you got it wrong. 

5.We welcome the position of the British Government as stated by the Minister for Africa and others. We also warn the British parliament about the dangerous consequences of Gavin Williamsons motions which will result in another blunder by the British in the affairs of the Somali nation. 

CC: 

1. Somali desk foreign Office

2. Minister for Africa. 

3. British Embassy, Mogadishu 

4. foreign Office, Somalia 

Sultanate of Warsangeli, Badhan, Sanaag region.

Gaashaanle sare oo deganaa Gurigii uu bililiqaystay USC

Waa Gaashaanle sare maanta, wuxuuna deganaa mid ka mid ah Guryihii beelaha Hawiye Bililiqaysteen 19919

Munaasabad ay maamulka Degmada Boondheere ugu wareejiyeen Gurigeeda Muwaadin Soomaaliyeed oo muddo sodon sano ah laga heeystay ka markii uu Muwaadinkii kale ee haystay Guriga uu ku wareejiyey Maamulka Degmada, kaas oo ku yaala Waaxda siinay ee Degmada Boondheere ayaa Cabirkiisu ahaa 10/20 mitir.

Gashaanle Sare Xasan Xuseen  Tuuryare oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo Degenaa Gurigaan oo Maamulka Degmada Boondheere ku wareejiyey ayaa Cafis weydiistay Milkiilihii Gurigaan, isagane waa uu ka aqbalay.

Maamo Maryaan Maxamed Saalax oo ah milkiilaha Guriga ayaa u mahadcelsay Maamulka Degmada oo kala shaqeeyey  dib u soo celinta Hantideeda.

Guddoomiyaha Degmada Boondheere Saynab Yuusuf Wehliye ayaa ugu baaqday Dadka weli heesto hanti aysan lahayn iney ku wareejiyaan Dadkii lahaa.

Wareejinta Gurigaan ayaa timid ka dib markii uu Maamulka Degmada Boondheere u dhexdhexaadiyey labada dhinac,i yadoon wax Maxkamad ahna loo baahan.

Khadiijo Diiriye oo mar kale la doortay

Wasiirka gargaarka xukuumada federalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ku guuleysatay markale xildhibaan Golaha Shacabka kadib markii ay tanaasushay musharaxii la tartamayay.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ahayd muddo labaatan sano ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federalka waxana ay ka mid tahay xildhibaanada ugu caansan baarlamaanka Soomaaliyeed.

Xildhibaanaddii la tartamaysy Waiir Khadiijo ayaa lagu xiray card ah inay ka soo jeedo beeha

Intee le’egyahay culeyska amni ee saaran ganacsatada Bakaaraha?

Intee le’egyahay culeyska amni ee saaran ganacsatada Bakaaraha?

Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan ku qasbay ganacsatada Suuqa Bakaaraha inay dib u furan suuqa oo maalmo xirnaa.

Ganacsatada ayaa suuqa xiray sida la sheegay kadib markii ay heleen amar ka yimid kooxda Daacish oo dalbaday in ganacsatada ay bixiyaan lacag ay ugu yeereen canshuur.

Taliska booliska Soomaaliya ayaa amray in aan suuqa lagu xiri karin amar aan kooda ahayn, waxaana haatan Ciidamada amniga ay ilaalinayaan suuqa.

Haddaba, intuu le’eg yahay culeyska saran ganacsadatada suuqa. Arrimahan ayaa weriyaheena Cabdulqaadir Samakaab wuxuu ka wareytsya Xuseen Macalin, oo madax u ah machadka Hiraal ee ka fallanqooda arrimaha aminga.

R/W Rooble oo kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ayaa waxa Safarkiisa ku wehliya Wasiiradda Waxbarashada,Dastuurka iyo Amniga.

Lamaane lagu dilay Laascaanood

Waxaa goordhawayd Magaalada laascaanood lagu dilay Labo qof kuwaaso lagu dilay xaafada Farxaskule ee Koonfurta Magaalada Laascaanood.

May be an image of 2 people and people standing

Labada qof ee la dilay ayaa ah nin iyo Gabadh is qaba sida aan xogta ku helnay kuwaaso ku sugna xaafada Farxaskule ee Magaalada Laascaanood.

Maydka Labada Qof ayaa hada la geeyay Cusbitaalka weyn ee Laascaanood.

Lamaana la dilay ayaa ka soo jeeda Beelweynta Khayr Cabdi {Qayaad}