16th April 2024  admin  Category :

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland Mudane, Siciid Cusmaan Aadan oo maanta hortagay Fadhiga 4aad ee Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa uu la wadaagey warbixin ku saabsan madaxjarrada Puntland iyo shaqada ka socoda, iyadoo guddigu su’aalo ka weydiideen warbixinta Wasiirka.

Intaas kadib, Guddigu waxay go’aamiyeen in heshiisyada lala galay Madaxjarka Al-jaabiri iyo Maxjarka Wadaniga ah, ay Golaha u soo gudbiyaan Wasaaradda Xannaanada Xolaha iyo Agaasimaha Guud ee Maxjaradda Puntland, muddo 14 cisho gudaheed ah oo ka bilaabmaysa 31/01/2022.

Wasiirka xanaannada Xoolaha ee Puntland mudane Siciid Cusmaan Aadan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga ay u gudbiyeen Maxjarada ku yaala dekadda Boosaaso iyo heshiisyada lala galay.

“Golaha Wakiilada Puntland runtii shaqadoodu waxa weeye, isla xisaabtanka Hay’adaha Xukuumadda, shaqada aan bulshada u heyno iyo isla xisaabtanka ayuu qeyb ka ahaa”.ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Siciid Cusmaan Aadan ayaa xusay in Wasaaraddu ay dekadda Boosaaso ku leedahay xafiis la shaqeeyo Maxjarada oo hubiya shaqada halkaas ka socota iyo dhaqaatiir u gaar ah Wasaaradda oo aqoon u leh Xanaannada Xoolaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*