25th October 2024  admin  Category :

Waa Gaashaanle sare maanta, wuxuuna deganaa mid ka mid ah Guryihii beelaha Hawiye Bililiqaysteen 19919

Munaasabad ay maamulka Degmada Boondheere ugu wareejiyeen Gurigeeda Muwaadin Soomaaliyeed oo muddo sodon sano ah laga heeystay ka markii uu Muwaadinkii kale ee haystay Guriga uu ku wareejiyey Maamulka Degmada, kaas oo ku yaala Waaxda siinay ee Degmada Boondheere ayaa Cabirkiisu ahaa 10/20 mitir.

Gashaanle Sare Xasan Xuseen  Tuuryare oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo Degenaa Gurigaan oo Maamulka Degmada Boondheere ku wareejiyey ayaa Cafis weydiistay Milkiilihii Gurigaan, isagane waa uu ka aqbalay.

Maamo Maryaan Maxamed Saalax oo ah milkiilaha Guriga ayaa u mahadcelsay Maamulka Degmada oo kala shaqeeyey  dib u soo celinta Hantideeda.

Guddoomiyaha Degmada Boondheere Saynab Yuusuf Wehliye ayaa ugu baaqday Dadka weli heesto hanti aysan lahayn iney ku wareejiyaan Dadkii lahaa.

Wareejinta Gurigaan ayaa timid ka dib markii uu Maamulka Degmada Boondheere u dhexdhexaadiyey labada dhinac,i yadoon wax Maxkamad ahna loo baahan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*