Tani maaha Puntlandtii aynu doonaynay

Maxaa ka jira in Puntland loo samaeeyey in lagu helo dawlad Somaaliyeed. Yaase u xil saaray howshaas.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda maamulka Puntland ayaa had iyo jeer ku dooda in maamulka Puntland loo sameeyey inay Soomaali isku keenaan. si loo helo dawlad dhexe oo xoog leh.

Hadda oo ay Puntland jirto dhowr iyo labaatan sano, ayaa waxa mudan in lays waydiiyo Puntland ma samaysay waxay Soomaalida inteeda kale daydaan oo ay u arkaan hab dhaqan wanaagsan oo gacmaha laysku qabsan karo sida

Dimoqraadiyad iyo doorasho xor ah , Caddalad, Musuqmaasaq l’aan, horumar dhanka bulshada ah , midnimo , nin jeclaysi la’aan , maamulka oo aan lagu soo koobin caasimadda oo qura sidii Kacaankii iyo Midnimo

Intaan kor soo sheegay dhamaantood dawladda Puntland waxay kala mid tahay dawladdii Kacaankii Siyaad Bare, qaarkoodna waa ka hooseeyaan ama ka liitaan oo dawladdii kacaanka kama dhici jirin Agaasime xilka laga qaaday oo magaalo dhan burburiyey, ka dibna xillkii lagu soo celiyey, iyadoo labo Cali is waydiin khasaarihii dhacay.

Sidaas awgeed Haddii ay jireen siyaasiyiin reer Puntland ah oo xalaal ah, daacadna ka ahaa in Puntland lagu raadiyo Soomaali inteeda kale, hadda waxa afduubtay koox guracan oo u haysta in Puntland loo asaasay in labada Kursi ee Ugu sareeya ee Soomaliya mid lagu helo. Waxayna ka soo wada jeedaan hal beel oo ka mid ah beelaha Puntland.

Kooxdan Guracan ee Puntland ka dhigtay Jaranjarada ay ku gaaraan madaxda Soomaaliya, iska daa Soomaali ay isu keenaane kama hadlaan degaanaddii Puntland oo ay beeluhu isku darsadeen ayaa barkood maqan yihiin

Haddii ay Puntland Hal ku dheg ka dhigatay Soomaali ayaa raadinayanaa, waxa is waydiin mudan Soomaalida inteeda kale sidaas ma u arkaan.

Beelaha Isaaq, Hawiye iyo Raxaweyntu, marna iyagu waqti kuma lumin Soomaali laysu keenayo, dalkana sida sahlan kuma ayna burburiyeen haddii ay rajo ka qabaan Soomaali oo si wada jir ah wax u wada qaybsanaysa nabadna ku wada nool . Beesha Hawiye in sida hadda la yahay oo Muqdisho loo aqoonsan yhaay inay Soomaaliya tahay oo aan sidaa wax laga bedelin waa rabaan. Waxayna u soo doorteen inay arintaa uga shaqeeyaan Saadiq John, Jeesoow iyo kuwa la mid ah.

Beesha Isaaq, iyaguna sidan ay hadda yihiin ayeey ugu badisaa, oo mar walba oo Soomaaliya laga sii quusto in laysu keeno waxay u arkaan in aqoonsigoodi soo dhowaanayo, dhul ayna lahayna xoog ugu qabsanayaan kaalamada Bulshada caalamku ugu deeqaan bani aadanimada

Ugu danbayntii, haddii ay jireen siyaasiyiin ka mid ah beelaha Harti oo doonayey inay Soomaali raadiyaan waxa ka xoog batay kuwa doonaya inay maamulka Puntland Jaranjaro ay ku gaaraan Villa Soomaaliya ka dhigtaan. Waxayna bilaabaan habeenka la doorto madaxweynaha Puntland .

Sidoo kale waa dood raqiis ah inaad tiraahdid kuwii ku dilay, ku xasuuqay kuna soo barakiciyey ayaan iyago waxba aan iska bedelin , oo guryahaagii bililiqo ku haysta ayaan raadinayaa, qaarkoodna u haystaan inay ku adkaadeen dagaaladdii sokeeye ee Soomaaliyam oo iyagu waxay rabaan maajee ayna wax kale ayna soconayn

ALLSANAG.COM

Ilma Diyaano yaa la heshiiyey

Shaqaddii dawladda Puntland ayaa ku soo ururtay waxaan la heshiinay Ilma Diyaano iyo adeerkood Burhan oo dhowaan dagaal khasaare naf iyo maalba ah ka gaystay Boosaaso ayaan la heshiinay.

Inta badan heshiiskan la sheegay ayaa bulshaddii lagu dhibaateeyey Boosaaso iyo Buuraha Calmadow ayna haba yaraatee waxba kala socon welina u haysta in Ilma Diyaano adeerkood ay yihiin dagaal oogayaal.

Marka aad daawatid ama akhridid qoraalada ka soo baxaya maamulka Puntland ayaa waxaad ku soo baxaya in foosha xumayd ee ka dhacday Boosaaso inay ahayd arin u dhaxaysay ama isku hayeen beesha Majeerteen

RW Rooble oo la kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Larry Andre oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Ra’iisu Wasaare Rooble iyo Danjire Andre ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa dhanka kale sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay.

Guddiga doorashada Heer Federaal oo hakiyay saddex kursi oo taalo Beladweyne

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa hakiyey doorashada kuraasta kala ah: HOP030, HOP010 iyo HOP066, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo uu soo saaray guddiga ayaa lagu shaaciyay in la hakiyay ilaa iyo saddex kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beladweyne, kadib markii ay guddiga soo gaartay cabasho ku aadna hannaanka loo maray shaacinta kuraasta kor ku xusan.

Ogaysiis Fadlan ka soo qayb gal Banaanbaxan

Waxaa dhammaan Soomaalida midnimada Soomaaliya jecel iyo kuwa ka xun barakicinta lagula kacay Soomaalida ka soo jeedda Koonfur Galbeed laga codsanayaa in ay ka soo qaybgalaan muddaaharaad lagaga soo horjeedo horjoogaha Taliska Somaliland iyo hay’adda Heritage Foundation ee Maraykan ku martiqaadday. Fadlan, fidi oo asxaabtaa la wadaag.

Dooni kalluumaysi oo si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha Puntland.

Wasaaradda kallluumaysiga iyo khayaraadka Badda Puntland oo kaashanaysa ciidamada Badda Puntland (PMPF) ayaa gacanta kusoo dhigtay Dooni kalluumaysi oo si sharci daro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha Puntland.

May be an image of 7 people, people sitting, people standing and outdoors

Wasiirka kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Dr. Rashid M. Yusuf ayaa isaga oo dhiirigelinaya ciidanka ilaalada xeebaha iyo shaqaallaha wasaaradda waxa uu dul tegay Doonida ay ciidanku soo qabteen. Kormeerkaan waxaa ku weheliyey wasiirka agaasimaha waaxda hormarinta kalluumaysiga Sumayo Jaamac Maxamed, Isu-duwaha wasaaradda kalluumaysiga ee gobalka Bari Axmed Cafash iyo khuburo katirsan wasaaradda.

Wasiirka ayaa la tusay Dukumiintiydda ruqsada ee Doonta oo ah mid la dhaafay xiligii sharcigu siinayey inay ku kalluumaysato taasi oo xad gudub ku ah sharciga ogolaanshaha kalluumaysiga ee xeebaha Puntland.Madaxweynaha Puntland mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ayaa horay u ballan qaaday in xukuumadu xooga saari doonto sidii loola dagaalami lahaa kalluumaysiga sharcidaradda ah si loo ilaaliyo khayraadka ku jira baddaheena.

Qorshaha horumarinta dalka oo laga shiray

Wasaaradda Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada dalka ayaa Garoowe ugaga shiray Qorshaha Xasilinta iyo Horumarinta dalka ee 3 Sano ee Soo socota.

Shirkan oo ahaa Hal Maalin waxaa Diiradda lagu saarayay Dajinta Qorshaha Xasilinta iyo Horumarinta dalka ee 2022 ilaa 2025ka waxaana Marti Galisay Puntland, iyadoo ay Goob joog ka ahaayeen Madax ka socotay Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladaha FederaalkaSoomaaliya, Maamul Gobaleedyada Dalka iyo Masuuliyiin ka socotay Safaarada Norwey ee Soomaaliya oo iyadu barnaamijkaani Taageeraysay.

Wasiir ku-xigeenka Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dimuqraadiyada Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo ka hadlayay furitaankii shirka ayaa ku booriyay Madaxda kulanka ka qeyb gashay in Puntland ay kala shaqeeyaan Dhanka Horimarinta iyo Kabista kaabayaasha.

Madaxa xafiiska Safaarada Norwey ee Muqdisho Mr huukin ayaa booriyay Hirgalinta Qorshaani, xusayna in uu soo socday Muddo 10 sano ah, ayna sii wadayaan taageerada Bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay u heli lahaayeen xasilooni horumar wadata.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Siciid Calasow ayaa soo qaatay habka laysu waafajinayo qorshayaashan is huwan ee Xasilinta iyo Horumarinta dalka ee saddexda sano ee soo socota.

Shikan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay noociisa oo lagu qabto gudaha dalka waxaana lagu wadaa inay ka soo baxaan qodobo kala qeexaya baahiyaha Maamulada dalka ee dhinacyada Xoraynta, Xasilinta iyo Horumarinta.