28th March 2024  admin  Category :

Wasaaradda Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada dalka ayaa Garoowe ugaga shiray Qorshaha Xasilinta iyo Horumarinta dalka ee 3 Sano ee Soo socota.

Shirkan oo ahaa Hal Maalin waxaa Diiradda lagu saarayay Dajinta Qorshaha Xasilinta iyo Horumarinta dalka ee 2022 ilaa 2025ka waxaana Marti Galisay Puntland, iyadoo ay Goob joog ka ahaayeen Madax ka socotay Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladaha FederaalkaSoomaaliya, Maamul Gobaleedyada Dalka iyo Masuuliyiin ka socotay Safaarada Norwey ee Soomaaliya oo iyadu barnaamijkaani Taageeraysay.

Wasiir ku-xigeenka Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dimuqraadiyada Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo ka hadlayay furitaankii shirka ayaa ku booriyay Madaxda kulanka ka qeyb gashay in Puntland ay kala shaqeeyaan Dhanka Horimarinta iyo Kabista kaabayaasha.

Madaxa xafiiska Safaarada Norwey ee Muqdisho Mr huukin ayaa booriyay Hirgalinta Qorshaani, xusayna in uu soo socday Muddo 10 sano ah, ayna sii wadayaan taageerada Bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay u heli lahaayeen xasilooni horumar wadata.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Siciid Calasow ayaa soo qaatay habka laysu waafajinayo qorshayaashan is huwan ee Xasilinta iyo Horumarinta dalka ee saddexda sano ee soo socota.

Shikan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay noociisa oo lagu qabto gudaha dalka waxaana lagu wadaa inay ka soo baxaan qodobo kala qeexaya baahiyaha Maamulada dalka ee dhinacyada Xoraynta, Xasilinta iyo Horumarinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*