Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeybgalaya meertada 32-aad ee Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa berri oo Jimce ah ka qeyb gali doona Meertada 32-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona wufuudda dowladaha Carbeed ee Shirka ka qeyb galaya, si ay u xoojiyaan doorka dalkeenna ee Gobolka iyo Dallada Carbeed.

Garaad Jaamac oo guul sheegtay

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in Maanta Wixii ka dambeeeya in ay xidhan tahy wadada isku xidha Laascaanod iyo Oog Ee ay urgufyada Jamhada SNM u isticmaali jireen marinta dhaawaca iyo saadka
Iyadoo kooxda taagta daran ee SNM Ee ku godoonsan Goojacadana meeshooda loogu tagi doono

“Shalay haddii aan Somaliland ka baryaynay la baxa wiilashiina, hadda iyaga naga baryi doona waddo ay ka baxaan, wadadiina waan xirnay..” Garaad Jaamac Garaad Ali.

Hanjabaad iyo Been

Muuse Biixi iyo SNMta kale ayaa inta badan lagu yaqaanaa ineey maalin kasta la yimaadaan been cusub, jahwareerin iyo taariikhda oo aan runta laga sheegin. Hadaba, Muuse Biixi khudbadiisii maanta waxa ka mid ahaa in uu yiri:

Baarlamaankii Soomaaliland ee 33da ahaa markii ay 1960kii tageyn magaalada Muqdisho ineey markaasba dhimatay SHANTA SOOMAALI weeyn wixii la dhihi jiray iyo raadinteedii (warkaas waa been cad)

SNMta dhammaantood waxeey sheegi jireeyn in ay calan lahaayeen oo callaankaas ay Muqdisho geeyeen, balse marar badan oo laweeydiiyey callankaaas sida uu ekaa, ma jirin qof Isaaq ah oo jawaab ka bixiya, balse Muuse Biixi ayaa maanta qiray in wax calan la yiraahdo aysan lahaan jirin reerkooda; (taas waa runtii ugu horeeysay ee uu sheegay)

Markii dawladdii Kacaanka ay dalka talladiisa la wareegtay 1969, wuxuu Muuse Biixi sheegay in Beesha Isaaq kalligeed la beegsaday, wuxuu sheegay in 10kii sanno ee u horeeyay ay dawladdii Kacaanka ku bartilmaameedsatay beesha Isaaq ganacsatadooda iyo kuwii aqoonta lahaa. (Warkaas ayaa ah been cad)

Wuxuu sheegay in 1974 shaqada laga ruqseeyey maalin qura wixii agaasimayaal ahaa, aqoon sare lahaa ama safiiro ahaa ee ka soo jeeday beesha Isaaq (warkaas ayaa ah mid been ah)

Muuse wuxuu kalloo sheegay in Kacaanka inta ay dadka beesha Isaaq u dhashay iska soo qabsadaan ay dilli jirayn, kadibna lagu shaabadayn jiray ineey Kacaanka ka hor yimaadayn. Kuwana iyagoon la xukummin ayuu sheegay in xabsiyo la isaga hayn jiray. (warkaas ayaa ah been cad)

Wuxuu sheegay in dawladii Kacaanka ay shacabka Isaaq ee miyiga iska maraya inta ay iska soo qabqabsato oo god u qodo kadibna ku gubbi jirtay, meesha kuwana iskarogooyin dhagax ah dusha looga daadin jiray; (Warkaas ayaa ah been cad)

Wuxuu kalluu sheegay Muuse in diyaaraddihii duqeeyay jiray magaallooyinkooda ay duulliyayaal ka ahaayeen boqolkiiba sagaashan 90% dadka reer Puntland; (Warkaas ayaa isna ah been cad)

Muuse khudbadiisa ayaa aheeyd mid loogu tallagalay kicinta shacabka beesha Isaaq iyo sidii cadaawad loogu beeri lahaa, iyadoo loo tusayo in Daarood uu yahay cadawgooda koowaad. Dhinaca kale, wuxuu ku hanjabay in dhulka Daaroodka uu degganyahay ee Sool iyo Sanaag ay xoog ku qabsan doonnaan, dagaalka Sool ka dhacayana uu socon doono. Hadaba, waxa la sugayaa waa Muuse iyo hanjabaadihiisa meesha ay gaaraan.

Masjid ku yaalla St. Paul, Minnesota oo la gubay

Laamaha ammaanka ee magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa baaraya Masaajid ku yaalla magaaladaas oo dab la qabadsiiyey. Laamaha ammaanku illaa haatan may sheegin cid falkaas loo qabtay.

Tirada masaajidda la weerarayo ayaa korodhay sannadkan, iyada oo masaajidkani noqonayo kii lixaad ee sannadkan gudihiisa lagu weeraro gobolka Minnesota.

Haddaba weriyaha VOA Maxamed Bashir Cabdiraxmaan ayaa dhacdadan ka waraystay Sheekh Xasan Dhooyo oo ka mid ah culimada Soomaalida ee Gobolka Minnesota.

Ceerigaabo iyo caawa

Xafladdii 18 may, ay beesha Isaaq ku qabsan lahay magaalada Ceerigaabbo, ayaa dadkii iSugu ymid meeshii ay tuman lahaayeen waxa xooG ku banidaY midnimo doonka Soomaalida ee magaaladaas degan. Hoos ka daawo dadkii u yimid inay dhegaystaan heesihii caanka ahaa ee xuduudaha ayaan soo xiraynaa oo ay wada qaadi jireen Sahro Halgan iyo Faysal Cali Waraabe oo naftooda la baxsanaya .

Muuqaalka hoose waa Dhalinyaraddii Warsangeli oo qabsaday halkii la doonayey in Xafladda SNM LAGU QABTO

Qorsheeel “Calanka ha loo hiilyo”

Gudoomiyaha ururka ugu d’ada weyn Soomaaliya ee USP, Siciid Qorsheel ayaa horay u sheegay in Calanka Soomaaliya loo hiiliyo. Nasiib xumo caasimaddii Somaaliyeed ayaa maanta looga dabaal degayaa Maro reer Gaar u leeyahay. Reerkaas oo donaya inay Soomaali inteeda kale ka go’aan oo xoog ku axaystaan deriskooda. Waana sababta keentay dagaalka hadda ka socda gobolka Sool

Faah-faahin dheeri ah oo kasoo baxaysa laba nin oo dawladda Soomaaliya ay shalay ka cayrisay dalka

Faah-faahin dheeri ah oo kasoo baxaysa laba nin oo dawladda Soomaaliya ay shalay ka cayrisay dalka 

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inay dalka ka cayrisay laba nin oo u kala dhashay Jarmalka iyo Poland, kuwaas oo lagu kala magacabo Jocek Jozef Ochman iyo Ralf Bernhard Gehlig.

Dawladdu rasmi ahaan uma sheegin sababta raggaas looga cayriyey dalka, hase yeeshee baaritaan ay samaysay idaacadda VOA ayay ku ogaatay in labadan sarkaal ay u shaqeeyaan xafiiska Midowga Yurub ee dhismaha kartida hay’adaha dawladda loona yaqaan EUCAP Somalia.

Labada nin ayaa cayrintoodu ay la xiriirtaa kiiska kalluumaysato dhan 36 oo ku xiran xarunta ciidamada booliiska ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Maxaabiista iyo laba doonyood oo ay la socdeen ayaa lasoo qabtay bishii Abriil, iyaga oo ku sugnaa xeebaha maamul goboleedka Galmudug, waxaana loo haystaa inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in tallaabadaas ay qaadday kadib codsi uga yimid xeer ilaaliyaha guud ee waddanka Suleymaan Maxamed Maxamuud.

VOA Somali waxay heshay codsiga uu xeer ilaaliyuhu u gudbiyey Wasaaradda Arirmaha Dibedda ee Soomaaliya kaasi oo uu kaga codsanayey in labadan nin waddanka laga saaro.

Codsiga xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyey labada nin inay si qarsoodi aha sawrro uga qaadeen maxaabiis ku xiran goob ciidan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa codsigiisa ku sheegay in raggaas ay leeyihiin xasaanad oo aan lagu dhaqaajin karin dacwad ciqaabeed, sidaa sdarteedna loo baahan yahay inay dalka ka caryriso.

VOA Somali waxay la xiriirtay xeer ilaaliyaha iyo xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya, labadduba kama aysan soo jawaabin codsigii aan u gudbinay.

Dawladihii Soomaaliya soo maray ayaa xilliyo kala duwan ku celceliyey in doonyo ay leeyihiin waddamo ajaanib ah ay si sharci darro ah uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya.

Markii ugu dambaysay bishii Maarso ee aynu soo dhaafnay ayaa dawladda Soomaaliya sheegtay inay maraakiib ajaanib ah ay ku sugnaayeen Aaga Dhaqaalaha Khaaska ah ee Soomaaliya tan iyo bishii Jannaayo iyaga oo si sharci darro ah u kalluumaysanaya.

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Amiirka Dalka Qatar

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Amiirka Dalka Qatar “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Madaxweynaha Dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Mudane Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taas oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Dhankiisa, Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Al shabaab, isagoo dowladda Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo in ay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha Gobolka Geeska Afrika.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, kaas oo ku saleysan dardargelinta danaha labada shacab ee maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga, la dagaallanka argagixisada, iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee fagaareyaasha Caalamka.