28th March 2024  admin  Category :

Muuse Biixi iyo SNMta kale ayaa inta badan lagu yaqaanaa ineey maalin kasta la yimaadaan been cusub, jahwareerin iyo taariikhda oo aan runta laga sheegin. Hadaba, Muuse Biixi khudbadiisii maanta waxa ka mid ahaa in uu yiri:

Baarlamaankii Soomaaliland ee 33da ahaa markii ay 1960kii tageyn magaalada Muqdisho ineey markaasba dhimatay SHANTA SOOMAALI weeyn wixii la dhihi jiray iyo raadinteedii (warkaas waa been cad)

SNMta dhammaantood waxeey sheegi jireeyn in ay calan lahaayeen oo callaankaas ay Muqdisho geeyeen, balse marar badan oo laweeydiiyey callankaaas sida uu ekaa, ma jirin qof Isaaq ah oo jawaab ka bixiya, balse Muuse Biixi ayaa maanta qiray in wax calan la yiraahdo aysan lahaan jirin reerkooda; (taas waa runtii ugu horeeysay ee uu sheegay)

Markii dawladdii Kacaanka ay dalka talladiisa la wareegtay 1969, wuxuu Muuse Biixi sheegay in Beesha Isaaq kalligeed la beegsaday, wuxuu sheegay in 10kii sanno ee u horeeyay ay dawladdii Kacaanka ku bartilmaameedsatay beesha Isaaq ganacsatadooda iyo kuwii aqoonta lahaa. (Warkaas ayaa ah been cad)

Wuxuu sheegay in 1974 shaqada laga ruqseeyey maalin qura wixii agaasimayaal ahaa, aqoon sare lahaa ama safiiro ahaa ee ka soo jeeday beesha Isaaq (warkaas ayaa ah mid been ah)

Muuse wuxuu kalloo sheegay in Kacaanka inta ay dadka beesha Isaaq u dhashay iska soo qabsadaan ay dilli jirayn, kadibna lagu shaabadayn jiray ineey Kacaanka ka hor yimaadayn. Kuwana iyagoon la xukummin ayuu sheegay in xabsiyo la isaga hayn jiray. (warkaas ayaa ah been cad)

Wuxuu sheegay in dawladii Kacaanka ay shacabka Isaaq ee miyiga iska maraya inta ay iska soo qabqabsato oo god u qodo kadibna ku gubbi jirtay, meesha kuwana iskarogooyin dhagax ah dusha looga daadin jiray; (Warkaas ayaa ah been cad)

Wuxuu kalluu sheegay Muuse in diyaaraddihii duqeeyay jiray magaallooyinkooda ay duulliyayaal ka ahaayeen boqolkiiba sagaashan 90% dadka reer Puntland; (Warkaas ayaa isna ah been cad)

Muuse khudbadiisa ayaa aheeyd mid loogu tallagalay kicinta shacabka beesha Isaaq iyo sidii cadaawad loogu beeri lahaa, iyadoo loo tusayo in Daarood uu yahay cadawgooda koowaad. Dhinaca kale, wuxuu ku hanjabay in dhulka Daaroodka uu degganyahay ee Sool iyo Sanaag ay xoog ku qabsan doonnaan, dagaalka Sool ka dhacayana uu socon doono. Hadaba, waxa la sugayaa waa Muuse iyo hanjabaadihiisa meesha ay gaaraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*