29th March 2024  admin  Category :

Faah-faahin dheeri ah oo kasoo baxaysa laba nin oo dawladda Soomaaliya ay shalay ka cayrisay dalka 

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inay dalka ka cayrisay laba nin oo u kala dhashay Jarmalka iyo Poland, kuwaas oo lagu kala magacabo Jocek Jozef Ochman iyo Ralf Bernhard Gehlig.

Dawladdu rasmi ahaan uma sheegin sababta raggaas looga cayriyey dalka, hase yeeshee baaritaan ay samaysay idaacadda VOA ayay ku ogaatay in labadan sarkaal ay u shaqeeyaan xafiiska Midowga Yurub ee dhismaha kartida hay’adaha dawladda loona yaqaan EUCAP Somalia.

Labada nin ayaa cayrintoodu ay la xiriirtaa kiiska kalluumaysato dhan 36 oo ku xiran xarunta ciidamada booliiska ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Maxaabiista iyo laba doonyood oo ay la socdeen ayaa lasoo qabtay bishii Abriil, iyaga oo ku sugnaa xeebaha maamul goboleedka Galmudug, waxaana loo haystaa inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in tallaabadaas ay qaadday kadib codsi uga yimid xeer ilaaliyaha guud ee waddanka Suleymaan Maxamed Maxamuud.

VOA Somali waxay heshay codsiga uu xeer ilaaliyuhu u gudbiyey Wasaaradda Arirmaha Dibedda ee Soomaaliya kaasi oo uu kaga codsanayey in labadan nin waddanka laga saaro.

Codsiga xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyey labada nin inay si qarsoodi aha sawrro uga qaadeen maxaabiis ku xiran goob ciidan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa codsigiisa ku sheegay in raggaas ay leeyihiin xasaanad oo aan lagu dhaqaajin karin dacwad ciqaabeed, sidaa sdarteedna loo baahan yahay inay dalka ka caryriso.

VOA Somali waxay la xiriirtay xeer ilaaliyaha iyo xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya, labadduba kama aysan soo jawaabin codsigii aan u gudbinay.

Dawladihii Soomaaliya soo maray ayaa xilliyo kala duwan ku celceliyey in doonyo ay leeyihiin waddamo ajaanib ah ay si sharci darro ah uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya.

Markii ugu dambaysay bishii Maarso ee aynu soo dhaafnay ayaa dawladda Soomaaliya sheegtay inay maraakiib ajaanib ah ay ku sugnaayeen Aaga Dhaqaalaha Khaaska ah ee Soomaaliya tan iyo bishii Jannaayo iyaga oo si sharci darro ah u kalluumaysanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*