Madaxweynaha Uganda oo sheegay in Al-shabaab ay 54 askari ku dishay weerarkii saldhigga Buulo Mareer

Madaxweynaha Uganda oo sheegay in Al-shabaab ay 54 askari ku dishay weerarkii saldhigga Buulo Mareer

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in 54 ka tirsan ciidamada Uganda lagu dilay weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday saldhigii ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ATMIS ee ku yaalla magaalada Buulo Mareer 26-kii bishii May ee aynu soo dhaafnay.

Museveni ayaa ku sheegay bartiisa twitterka, inay heleen maydka 54 askari oo lagu dilay weerarkaas oo uu ku jiro taliye ciidan.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay weerarkaas ku dileen 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, taasi oo Uganda sheegtay inay tahay ka badbadis.

Waraysi uu siiyey idaacadda VOA ayaa af-hayeenka ciidamada Uganda Sarreeye Guuto Felix Kulaigye uu horey u sheegay in ciidamo ka tirsan Ugandan ay qabteen al-Shabaab, hase yeeshee ma uusan sheegin tirada ciidankooda ee ay qabteen mintidiinta al-Shabaab.

Museveni ayaa sheegay in qaladka ay sameeyeen laba ka tirsan taliyayaashiisa ciidanka oo amray in dib looga gurto saldhigga. Waxaa uu sheegay in labadaas taliye ay waajihi doonaan maxkamad ciidan.

Waxa uu sheegay in ciidankiisu ay muujiyeen adkaysi, ayna u suurtogashay inay dib u qabsadaan saldhiggii.

Kim Jong-un walaashiis oo mar kale u dhaaratay Mareykanka

Kim Jong-un walaashiis oo mar kale u dhaaratay Mareykanka

Haweeneyda saameynta weyn leh ee la dhalatay hoggaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa mar kale maanta wacad ku martay inay baritaareyso isku day labaad oo lagu rido dayax gacmeedka basaaska, iyadoo ka careysiisay xubnihii qeybta ka ahaa shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ee ku saabsanaa ka munaaqishoodka gantaalkii hore ee guul darreystay ee dowladda Kuuriyadda Waqooyi.

Isku daygii Kuuriyada Waqooyi ay ku doonaysay inay ku xoojiso dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee basaaska milatariga arbacadii la soo dhaafay, ayaa guul daraystay, markii uu gantaalkiisu ku dhacay meel ka baxsan xeebaha galbeed ee gacanka Kuuriya.

Shir deg deg ah oo ay isugu imanayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa la isugu yeeray, kaasoo ahaa codsi ka yimid Mareykanka, Japan iyo dalal kale, si loogga wada hadlo arrintan cusub ee soo korortay, maadaama ay jebisay dowladda Kuuriyadda Waqooyi go’aannada golaha, ee ka mamnuucaya Waqooyiga inay sameeyaan horumarin oo lagu kobcinayo oo loo isticmaalayo tiknoolajiyada ballistic.

Axaddii, Kim walaashii iyo sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada haya, Kim Yo Jong, ayaa ku tilmaantay Golaha Qaramada Midoobay “xarun siyaasadeed” oo uu Mareykanku leeyahay, isagoo sheegay in shirkii ugu dambeeyay la qabtay, ka dib markii Mareykanka uu ka yimid “codsiga u eg mid burcaddeed”.XAYEYSIINhttps://80ef3391a78a6f6110cb2d31aa1ba758.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Waxay ku eedaysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ku kacayaan “takoorka iyo akhlaaq darro” maadaama kaliya lagu falan qeynayo shirkani oo kaliya arrinta ku saabsan dayax-gacmeedka Waqooyiga, halka kumannaan dayax-gacmeed oo ay direen dalal kale ay durba hawada sare ka shaqeynayaan. Waxay sheegtay in isku dayga dalkeeda uu ku doonayo in uu ku helo dayax gacmeedka basaaska ay tahay tallaabo sharci ah, oo loogga jawaabayo hanjabaadaha militari ee uga imaanaya Mareykanka iyo xulafadiisa.

“(Waqooyiga Kuuriya) waxay sii wadi doontaa inay qaaddo tillaabooyin lagu horumarinayo mashruuceeda hawada sare, si ay u isticmaasho dhammaan xuquuqda sharciga ah ee waddan madaxbannaan, oo ay ku jirto midda dayax gacmeedka sahaminta militariga,” Kim Yo Jong ayaa ku tiri hadal ay ku baahisay warbaahinta dowladda.

Deni oo booqday garoonka kubbada cagta Boosaasoķ

Boosaaso: 04 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso oo dhismaha ku socda uu meel wanaagsan marayo.

Madaxweynaha ayaa u kuurgalay sida uu dhismaha Garoonku u socdo, qeybaha kala duwan garoonka ayuu booqday wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta iyo Shirkada gacanta ku haysa Dhismaha Garoonka isagoo Kula dardaarmay in shaqada la dardargeliyo maadaama ay Dowladdu muhiimad gaar ah siinayso Dhismaha Garoonka oo ay baahi weyn u qabto Bulshada Boosaaso gaar ahaan dhallinyarada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay shirweynaha aragti wadaagga xakamaynta wararka been abuurka ah

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay shirweynaha aragti wadaagga xakamaynta wararka been abuurka ah

Shirkan oo socon doona muddo Labo maalmood ah, ayaa waxaa si weyn loogu falanqeyn doonaa Saamaynta wararka been-abuurka ay ku yeelan karaan nabadda, xasilloonida, sumcadda dalka, dhaqanka wanaagsan iyo sida loo xakameyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan argagixisada iyo kuwa lamidka ah ay noqon karto hub wax burburiya.

Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha lagu helo in ay si ula kac ah u faafiyaan wararka been abuur ah, gaar ahaanna kuwa la xiriira amniga qaranka iyo kala qeybinta bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku booriyay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada in ay si xilkasnimo leh u isticmalaan baraha bulshada, ilaaliyaan anshaxa, halbeegyada saxaafadda iyo hubinta macluumaadka ka hor inta aysan daabicin, dowladduna aysan kaligeed ku guuleysan karin, haddii aan wadajir looga hortagin wararka been abuurka ah.

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxaa inta uu socdo la isku waydaarsan doonaa doodo cilmiyaysan oo ay ka qaybqaadanayaan hawlwadeenno ka kala socda hay’adaha dowladda, warbaahinta dalka, bulshada rayidka ,culimada ah ah iyo khuburo caalami ah oo gacan siinaya.

Xogta Guud ee Natiijada Doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland

Xogta Guud ee Natiijada Doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyaya Natiijada iyo liiska xildhibaanada Golayaasha degaanka degmooyinka Doorashada qof iyo codka ah ee Puntland ku soo baxay.Halkan kala socda liisaska xildhibaanada Golayaasha degaanka gobolada iyo degmooyinka.

La-taliyaha Madaxweynaha JFS oo kulan casho ah Muqdisho ugu sameeyey Isimada SSC

La-taliyaha Madaxweynaha JFS oo kulan casho ah Muqdisho ugu sameeyey Isimada SSC

Munaasabad ay ka soo qayb galeen wasiiro, mudanayaal ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, isimo, gaarado, masuulyiin ka socday gobolka Banaadir, dhalinyaro, ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munasabadaan oo casho sharaf ahayd ayaa waxaa lagu soo dhawaynayey isimada SSC ee ka yimid gobollada Sool iyo Sanaag oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho

Gogasha cashada ah waxaa dhigay la taliyaha madaxwaynaha ee xariirka caalamiga ah iyo isku-duwaha barnaamijyada mudane Naasir Cige.

Waxaa munaasabadaas cashada aheyd khudbado ku aadan soo dhawaynta isimada ka jeediyey masuulyiintii ka soo qayb gashay. Ugu horeyna waxaa u jeedada munasabadaan ka hadlay la taliyaha madaxwaynaha xariirka caalamiga ah iyo isku duwaha barnaamijyada, wuxuuna sheegay in DF Soomaaliya ay qaadaneyso doorkeeda xal u raadinta xiisadda gobolka Sool ka taagan.

9

Kulanka Baarlamaanka JFS oo looga dooday wax ka badalka Dastuurka KMG ah

Kulanka Baarlamaanka JFS oo looga dooday wax ka badalka Dastuurka KMG ah 

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 3-aad oo ay soo xaadireen 143 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka,ayaa ahaa soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka kaabiska Dastuurka KMG ah iyo qeybinta Hindise-sharciyeed-yada kala ah.

1. Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.

2. Hindise Sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

3. Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.

Xildhibaan cabdifitaax cabdullaahi Caraaye oo ku hadlaayay magaca Guddiga soo diyaariyay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS u aqriyay soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah.

Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah, ayagoona doodooda ku lafaguray Dastuurka Dalka iyo turxaan bixin ku aadan mooshinka lahor keenay Golaha. dooda xildhibaanada ayaa ubadneyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan mooshinka la horkeenay.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa soo xiray kulanka maanta asigoona ku amaanay Xildhibaannada dooda adag ay ka yeesheen soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka kaabista Dastuurka KMG ah, waxa uuna faray Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Guddiga KMG ee ka shaqeynta Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka si ay talooyinka xildhibaanada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale xildhibaanada loo horkeeno doodna ay ka yeeshan.