26th April 2024  admin  Category :

Kulanka Baarlamaanka JFS oo looga dooday wax ka badalka Dastuurka KMG ah 

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 3-aad oo ay soo xaadireen 143 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka,ayaa ahaa soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka kaabiska Dastuurka KMG ah iyo qeybinta Hindise-sharciyeed-yada kala ah.

1. Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.

2. Hindise Sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

3. Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.

Xildhibaan cabdifitaax cabdullaahi Caraaye oo ku hadlaayay magaca Guddiga soo diyaariyay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS u aqriyay soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah.

Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah, ayagoona doodooda ku lafaguray Dastuurka Dalka iyo turxaan bixin ku aadan mooshinka lahor keenay Golaha. dooda xildhibaanada ayaa ubadneyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan mooshinka la horkeenay.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa soo xiray kulanka maanta asigoona ku amaanay Xildhibaannada dooda adag ay ka yeesheen soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka kaabista Dastuurka KMG ah, waxa uuna faray Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Guddiga KMG ee ka shaqeynta Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka si ay talooyinka xildhibaanada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale xildhibaanada loo horkeeno doodna ay ka yeeshan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*