26th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Uganda oo sheegay in Al-shabaab ay 54 askari ku dishay weerarkii saldhigga Buulo Mareer

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in 54 ka tirsan ciidamada Uganda lagu dilay weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday saldhigii ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ATMIS ee ku yaalla magaalada Buulo Mareer 26-kii bishii May ee aynu soo dhaafnay.

Museveni ayaa ku sheegay bartiisa twitterka, inay heleen maydka 54 askari oo lagu dilay weerarkaas oo uu ku jiro taliye ciidan.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay weerarkaas ku dileen 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, taasi oo Uganda sheegtay inay tahay ka badbadis.

Waraysi uu siiyey idaacadda VOA ayaa af-hayeenka ciidamada Uganda Sarreeye Guuto Felix Kulaigye uu horey u sheegay in ciidamo ka tirsan Ugandan ay qabteen al-Shabaab, hase yeeshee ma uusan sheegin tirada ciidankooda ee ay qabteen mintidiinta al-Shabaab.

Museveni ayaa sheegay in qaladka ay sameeyeen laba ka tirsan taliyayaashiisa ciidanka oo amray in dib looga gurto saldhigga. Waxaa uu sheegay in labadaas taliye ay waajihi doonaan maxkamad ciidan.

Waxa uu sheegay in ciidankiisu ay muujiyeen adkaysi, ayna u suurtogashay inay dib u qabsadaan saldhiggii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*