Bahda Allsanaag waxay tacsi tiiraanyo leh u kala dirayaan Qoysaskii ay ka kala geeriyoodeen Allah ha wada naxariistee Walaalkayo Maxamed Xasan Ibrahim (Gaani), oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargaysa ee Soomaaliya iyo Habar yar Fadumo Aw Cali oo maanta iyana ku geeriyootay dalka Maraykanka.
Waxaanu Allah uga baryayanaa inuu Janaddii Fardowsa ka waraabiyo, Qaraabadii iyo eheladdii ay ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.
Turkey oo sheegtay inaan lagu cadaadi karin inay Sweden u ogolaato NATO
Turkey ayaa Talaadadii ka digtay inaan lagu cadaadin karin inay taageerto isku dayga ay Sweden ku dooneyso inay ugu biirto NATO, waxayna sheegtay inay weli qiimeyneyso in soo-gelitaanka dalka Nordic-ga ay caawin doonto ama dhaawici doonto isbaheysiga.
Hadallada Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa yimid laba maalin kahor inta aanu dhiggiisa Sweden kula kulmin Brussels si ay uga wada hadlaan damaca Stockholm ay ku noqoneyso xubinta 32-aad ee NATO.
NATO ayaa rajeyneysa inay Sweden kusoo dhoweyso xulufada kahor kulan madaxeedka ka dhacaya Lithuania 11-ka illaa 12-ka July.
Hase yeeshee, Turkey iyo dalka kale ee xubinta ka ah NATO ee Hungary ayaa diidan inay ogoladaan Sweden, sababo la xiriira murano kala gaar gaar ah oo kala dhaxeeya.
Dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa qasab ah inay wada ogolaadaan si dal cusub uu xubin uga noqdo isbaheysiga.
“Marnaba ma ogolaaneyno isticmaalka cadaadiska waqtiga,” Fidan ayaa sidaas ku yiri shir jaraa’id.
Ankara ayaa waxaa ka careysiiyey go’aanada ay Sweden ku fasaxday dibad-baxyo ay dad Islaamka neceb ay bogag ka mid ah qur’aanka ku hor gubeen safaaradda Turkey ee Ankara iyo Masaajiddo.
Dibad-bixii ugu dambeeyey ayaa maalintii koowaad ee Ciidul Adxa ka dhacay magaalada Stockholm.
Fidan ayaa dhacdooyinkaas ku sheegay inay tusaale u yihiin in Sweden ay ku guuldarreysatay inay ka dhabeyso ballan-qaadyadii ay sameysay markii hore ee ay ku guuleysatay taageerada Turkey sanad kahor markii ay codsiga NATO ku gudbisay Madird.
“Hannaanka amni ee Sweden awood uma lahan inuu joojiyo kicinta, tani macnaheedu ma ahan inay awood dheeri ah keenayaan NATO balse dhibaato dheeri ah,” ayuu yiri.
“Marka ay noqoto xeeladda iyo amniga, marka aan ka wada-hadleyno xubinnimada Sweden ee NATO, waa su’aal la xiriirta haddii ay noqon doonto faa’iido ama culeys.”
Booliska Jabuuti ayaa xiray fannaaniin iyo jilaayaal ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Raad sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan gudaha Jabuuti.
Guddoomiyaha Xisiga Mucaaradka ah ee Raad Cabdiraxmaan Maxamed Geelle ahna duqii hore ee caasimadda Jabuuti ayaa BBC u sheegay in toddoba qof oo isugu jirafannaaniin iyo jilaayaal oo ka tirsan xisbigooda ay booliska Jabuuti xabsiga u taxaabeen.
“Labadii bishan toddobaad ilaa iyo shanteeda ayay booliska Jabuuti qabqabteen oo ay xireen afar gabdhood oo ka tirsan kooxda fanka iyo labo rag ah oo ruwaayadaha jila oo dadka ka qosliya. Waxaa intaa dheer xoghaya guud ee xisbiga oo isna la xiray mar uu isku dayay in uu xabsiga ku soo booqdo fannaaniinta la xiray,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan.
Maxaa lagu haystaa dadkan?
Guddoomiyaha ayaa BBC u sheegay in dadkan waxa lagu haysto ay tahay in munaasabaddii calanka ay soo bandhigeen heeso, ruwaayado, majaajilo, cayaaro kuwaas oo lagu dhaaliilayay xukuumadda Jabuuti.
“Anaga siyaasaddayadu waa ficillo nabdoon marka dadkaa heesayay waxaa lagu xiray heeso, ciyaar iyo ruwaayado ay soo bandhigeen inkastoo dowladda ay sheegeyso in dadkan ay ku haysato inay xirteen dareyska askarta taasna waxba ku jabna oo idaacadda dowladda Jabuuti ayaa waxaa laga wadaa ruwaayado ay jilayaan fannaaniin u xagliya xagga taliska oo xiran darays marka xaqiiqda ay ah in waxa ugu weyn ee ay dowladda ka carootay ay tahay in lagu haysto in dadkan ay ku heeseen oo ay yirahdeen mishaarka haloo kordhiyo askrta iyo shaqaalaha dowladda Jabuuti,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Hase yeeshee ilo wareedyo kale oo BBC-da ay la hadashay ayaa inoo sheegay in sababta dadkan lagu xiray ay tahay ruwaad ay ugu duur-xulayaan madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Dhammaan eedeymahan loo soo jeediyay dowladda Jabuuti ayaa si aan jawaab uga helno waxaan la xiriirnay booliska Jabuuti balse nooma suurtogelin inay nala hadlaan.
Waa fannanad ka tirsan kooxda fanka ee xisbiga mucaaradka ah ee Jabuuti ee Raad.
2: Amran Jaamac
Amran ayaa iyadana ah fanaanad ka tirsan xisbiga mucaaradka ah Raad waxayna ka mid ahayd fannaaniinta la xiray ee ku jira xabsiga.
3: Aamina Xasan
Waa fannaanad ka tirsan kooxda fanka ee xibiga Raad, waxayna ka mid tahay fannaaniinta la xiray.
4: Asma Kaamil
Waxay Asma ka mid tahay fannaaniinta kooxda fanka ee xisbiga mucaaradka ah ee Raad, waxayna ka mid ahayd fannaaniinta ay xireen booliska Jabuuti.
5: Khadar Maxmuud
Khadar waa jilaa ruwaayadeed oo ka tirsan kooxda fanka ee xisbiga mucaaradka ah ee Raad ee Jaabuti oo kaas oo isna ka mid ah dadka ay booliska xireen.
6: Mustafa Jibriil
Waxa Mustafa ka mid ahaa jilaayasha ay booliska Jabuuti xireen, waxa uuna ka tirsan yahay kooxda fanka ee xisbiga mucaaradka ee Raad.
7: Mahdi Muusa
Mahdi kiiskiisa waa uu ka duwan yahay kiiska fannaaniinta iyo jilaayada la xiray. Waa xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Raad waxaana uu guddoomiyaha xisbiga BBC-da u sheegay in xoghaya la xiray ka dib markii uu isku dayay inuu booqdo xubmaha kooxda fanka xisbiga ee la xiray.
Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Garoowe
Wasiirka Arimaha Gudaha dowlad goboleedka Puntland iyo Taliyaha Ciidamada Booliiska ayaa ka qayb galay shir looga hadlay amniga guud ee deegaannada Puntland, gaar ahaan Amniga Caasimadda ee Garoowe.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray Amniga Guud ee Puntland iyo kan Caasimada, iyadoo warbixino kala duwan oo ku saabsan Xaalada Amniga loogaga dhagaystay Madaxda Amniga Puntland.
Ugu dambayntii mas’uuliyiintii ka qaybgalay shirka Amniga ayaa laga soo saaray qodobo lagu adkaynayo Amniga Guud iyo kan Caasimadda intuba, iyadoo la faray in cidkasta oo ay qusayso ay fuliso awaamiirta ka soo baxday shirka Amniga:-
1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucanay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalooyinka Puntland, gaar ahaan Caasimadda. dadka u xilsaaran amniga maahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaan Xeryahooda si loo kala garto askariga shaqaynaya iyo qofka qaswadaha ah,
2. In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarikada lahayn, ciddii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taariko waa laqabanayaa waxaana la hor keenayaa sharciga,
3. In dadka wada kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waantoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga,
4. In la joogteeyo lana dardargeliyo xoojinta la dagaalanka argagisada iyo mukhaadaraadka,
5. In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.
Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.
Maamulka Hargaysa ayaa been iyo wax aan jirin ku maamula shacabka deeganadaas, maanta waxeey sheegeen in Baarlamaanka Ingiriisa looga doodayo aqoonsigii ay waqtiga dheer ay raadinayeen. Hadaba, Sir Garvin oo ka tirsan baarlamaanka Boqortooyada Midawday ayaa waxa uu doonayaa in uu hor geeyo baarlamaanka Ingiriiska sharci soo jeedineed oo ujeedkiisa uu yahay sidii looga doodi lahaa sidii loo aqoonsan lahaa SNMta.
Hadaba, Sir Garvin ayaa mar ahaan jiray wasiirka difaaca iyo waxbarashada, balse xilka wasiirnimadda ayuu iska casilay sanadkii 2022 kadib markii uu si xun ulla macaamilay dad ay wadashaqeeyni ka dhaxaysay.
Ninka ayaa aad u ammaana maamulka Hargeeysa, meesha dhinaca kalana uu caayo Koonfurta Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, sharcigan uu ninkan doonayo in laga doodo ayaa ah mid aan macno weeyn lahayn, waxaana la sheegay in sharcigan uusaan meel fog gaarayn, sidoo kalana waxaa la sheegay in aa wax waqti ah loo hayn sharciga noocaan oo kala ah.
Hadaba, maamulka Hargeeysa iyo kuwa taageera ayaa maanta aad u faraxsanaa, iyagoo aaminsan in la aqoonsanayo maalmahan soo socda, balse waxaa dhab ah in aysan jirin cid aqoonsanaysa gobol ka mid ah dalka Soomaaliya.
In isbeddel lagu sameeyo agagaarka magaalada si loogu daneeyo dadka baaskiilka wata iyo kuwa lugeynaya ma ahan wax ahmiyad leh iyadoo adeegyada kale ay ka maqan yihiin magaalada”, sidaa waxaa yiri guddoomiyaha bulshada Soomaalida ee xaafadda Barton Hill oo ka tirsan magaalada Bristol ee dalka UK.
Dowladda hoose ee magaalada Bristol ayaa doonaysa in xaafaddan Barton Hill uu ka dhigo “meel lagu noolaan karo” oo gawaariduna ku yar tahay.
Waxay sheegtay in mashruucan uu deegaanka ka dhigi doono meel dadka ahmiyad siineysa.
Cabdixakiim Casir oo ka tirsan Ururka Bulshada Soomaalida ee Bristol ayaa sheegay inay jiraan “waxyaabo kale oo badan oo oo goluhu sameyn karo si xaafadda loo horumariyo”.
Dowladda hoose ayaa mashruucan billowday, kaasoo tijaabo lagu sameynayo, loogana gol-leeyahay sameynta “goobo ammaan ah, caafimaad leh oo soo jiidashana leh, oo dadku ay neefsan karaan hawo nadiif ah, ayna heli karaan goobo cagaaran iyo meelo ammaan ah oo lagu ciyaaro, aadna dareento inaad bulshada ka mid tahay”.
Waxaa kale oo ay dowladda hoose sheegtay in horumarintan looga dan leeyahay si “loo fududeeyo raacidda baska iyo lugeynta amaba wadashada baaskiilka, iyadoo kaabayaasha la horumarinayo gawaariduna ay ku yar tahay”.
Dowladda hoose ee magaalada Bristol ayaa doonaysa in xaafaddan Barton Hill uu ka dhigo “meel lagu noolaan karo” oo gawaariduna ku yar tahay.
Waxay sheegtay in mashruucan uu deegaanka ka dhigi doono meel dadka ahmiyad siineysa.
Cabdixakiim Casir oo ka tirsan Ururka Bulshada Soomaalida ee Bristol ayaa sheegay inay jiraan “waxyaabo kale oo badan oo goluhu sameyn karo
Dowladda hoose ayaa mashruucan billowday, kaasoo tijaabo lagu sameynayo, loogana gol-leeyahay sameynta “goobo ammaan ah, caafimaad leh oo soo jiidashana leh, oo dadku ay neefsan karaan hawo nadiif ah, ayna heli karaan goobo cagaaran iyo meelo ammaan ah oo lagu ciyaaro, aadna dareento inaad bulshada ka mid tahay”.
Waxaa kale oo ay dowladda hoose sheegtay in horumarintan looga dan leeyahay si “loo fududeeyo raacidda baska iyo lugeynta amaba wadashada baaskiilka, iyadoo kaabayaasha la horumarinayo gawaariduna ay ku yar tahay
Qoraalka sawirka,Cabdixakiin Casir
Cabdixakiim ayaa sheegay in bulshada Soomaalida ay ka soo horjeesteen isbeddelladan maaddaama sida uu sheegay ay ku adkaaneyso inay aadaan goobahooda shaqada.
“Waxaa jira waxyaabo kale oo badan oo dowladda hoose ay ku horumarin karto xaafadda,” ayuu yiri.
“Halkan kuma heysanno farmashi, ma heysanno xarun ilkaha, ma heysanno xarumo dhalinyaro – halkan kuma heysanno adeegyo aasaasi ah.”
Cayni Shariif oo ah kalkaaliso ayaa sheegtay in iyada iyo qaar kale oo badan ay waayi doonaan shaqadooda.
“Aad ayay u adkeyneysaa,” ayay tiri.
“Keligey maaha, balse dad aad u badan ayaa weyn doona shaqadooda faa’iidaduna sidaa uma weyna.
“Aad ayay jahwareer u noqoneysaa.”
Qoraalka sawirka,Cayni Shariif
Don Alexander, oo ah xubin dowladda hoose u qaabilsan gaadiidka ayaa sheegay in ujeeddadu ay tahay “horumarinta waddooyinka gudaha oo qof walba loogu talogalay”.
“Qeyb weyn oo ka mid ah waa in laga dhigo ammaan oo la yareeyo wasakhowga hawada iyadoo laga hortagayo in gaadiidku ay isticmaalaan waddooyinka guryaha la deggan yahay,” ayuu yiri.
“Inkastoo ay jiraan warbixinno marin habaabin ah oo mowduucan laga faafiyay, waxaan caddeynayaa inaan la xannibi doonin awoodda uu qof walba u leeyahay gaadiidka, waana meesheeda inay dadku tagi karaan guryaha iyo ganacsiyada.”
Wuxuu intaa ku daray inay jirto “falcelin badan oo ka dhalatay mashruucan” dowladda hoosena ay bulshada Soomaalida ka soo gaareen “feker iyo falcelin”.
Dad isku qoys ahaa oo ku dhintay weerar hoobiye oo ka dhacay Muqdish
Saddex qof oo isku qoys ah ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii hoobiye uu kusoo dhacay guri ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, Talaadadii.
Dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay weerarkan ayaa isku qoys ah, sida ay sheegeen booliiska Soomaaliya.
Weerarkan ayaa boolisku sheegeen inay ku dhinteen aabe iyo laba carruur ah oo uu dhalay. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hooyadii iyo laba kale oo carruur ah.
Booliika ayaa sheegay in hoobiyahan laga soo tuuray duleedka degmada Dayniile. Weerarkan ayaa ciidanku sheegeen inay soo tuureen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Hal qof ayaa loo qabtay weerarkan oo looga shakisan yahay ku lug lahaansho weerarka, kaasi oo haatan baaritaan ku socdo.