27th July 2024  admin  Category :

Booliska Jabuuti ayaa xiray fannaaniin iyo jilaayaal ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Raad sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan gudaha Jabuuti.

Guddoomiyaha Xisiga Mucaaradka ah ee Raad Cabdiraxmaan Maxamed Geelle ahna duqii hore ee caasimadda Jabuuti ayaa BBC u sheegay in toddoba qof oo isugu jirafannaaniin iyo jilaayaal oo ka tirsan xisbigooda ay booliska Jabuuti xabsiga u taxaabeen.

“Labadii bishan toddobaad ilaa iyo shanteeda ayay booliska Jabuuti qabqabteen oo ay xireen afar gabdhood oo ka tirsan kooxda fanka iyo labo rag ah oo ruwaayadaha jila oo dadka ka qosliya. Waxaa intaa dheer xoghaya guud ee xisbiga oo isna la xiray mar uu isku dayay in uu xabsiga ku soo booqdo fannaaniinta la xiray,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan.

Maxaa lagu haystaa dadkan?

Guddoomiyaha ayaa BBC u sheegay in dadkan waxa lagu haysto ay tahay in munaasabaddii calanka ay soo bandhigeen heeso, ruwaayado, majaajilo, cayaaro kuwaas oo lagu dhaaliilayay xukuumadda Jabuuti.

“Anaga siyaasaddayadu waa ficillo nabdoon marka dadkaa heesayay waxaa lagu xiray heeso, ciyaar iyo ruwaayado ay soo bandhigeen inkastoo dowladda ay sheegeyso in dadkan ay ku haysato inay xirteen dareyska askarta taasna waxba ku jabna oo idaacadda dowladda Jabuuti ayaa waxaa laga wadaa ruwaayado ay jilayaan fannaaniin u xagliya xagga taliska oo xiran darays marka xaqiiqda ay ah in waxa ugu weyn ee ay dowladda ka carootay ay tahay in lagu haysto in dadkan ay ku heeseen oo ay yirahdeen mishaarka haloo kordhiyo askrta iyo shaqaalaha dowladda Jabuuti,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Hase yeeshee ilo wareedyo kale oo BBC-da ay la hadashay ayaa inoo sheegay in sababta dadkan lagu xiray ay tahay ruwaad ay ugu duur-xulayaan madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhammaan eedeymahan loo soo jeediyay dowladda Jabuuti ayaa si aan jawaab uga helno waxaan la xiriirnay booliska Jabuuti balse nooma suurtogelin inay nala hadlaan.

Magacyada fannaaniinta iyo jilaayaasha la xiray

Guddoomiyaha xisbiga ayaa xaqiijiyay oo macluumaadka iyo magacyada la wadaagay BBC-da.

1: Haboon Maxamuud

Waa fannanad ka tirsan kooxda fanka ee xisbiga mucaaradka ah ee Jabuuti ee Raad.

Haboon Maxamuud

2: Amran Jaamac

Amran ayaa iyadana ah fanaanad ka tirsan xisbiga mucaaradka ah Raad waxayna ka mid ahayd fannaaniinta la xiray ee ku jira xabsiga.

Amran Djama

3: Aamina Xasan

Waa fannaanad ka tirsan kooxda fanka ee xibiga Raad, waxayna ka mid tahay fannaaniinta la xiray.

Amina Xasan

4: Asma Kaamil

Waxay Asma ka mid tahay fannaaniinta kooxda fanka ee xisbiga mucaaradka ah ee Raad, waxayna ka mid ahayd fannaaniinta ay xireen booliska Jabuuti.

Asma Kamil

5: Khadar Maxmuud

Khadar waa jilaa ruwaayadeed oo ka tirsan kooxda fanka ee xisbiga mucaaradka ah ee Raad ee Jaabuti oo kaas oo isna ka mid ah dadka ay booliska xireen.

Khadar Maxmuud

6: Mustafa Jibriil

Waxa Mustafa ka mid ahaa jilaayasha ay booliska Jabuuti xireen, waxa uuna ka tirsan yahay kooxda fanka ee xisbiga mucaaradka ee Raad.

Mustafa Djibril

7: Mahdi Muusa

Mahdi kiiskiisa waa uu ka duwan yahay kiiska fannaaniinta iyo jilaayada la xiray. Waa xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Raad waxaana uu guddoomiyaha xisbiga BBC-da u sheegay in xoghaya la xiray ka dib markii uu isku dayay inuu booqdo xubmaha kooxda fanka xisbiga ee la xiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*