26th July 2024  admin  Category :

Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Garoowe 

Wasiirka Arimaha Gudaha dowlad goboleedka Puntland iyo Taliyaha Ciidamada Booliiska ayaa ka qayb galay shir looga hadlay amniga guud ee deegaannada Puntland, gaar ahaan Amniga Caasimadda ee Garoowe.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray Amniga Guud ee Puntland iyo kan Caasimada, iyadoo warbixino kala duwan oo ku saabsan Xaalada Amniga loogaga dhagaystay Madaxda Amniga Puntland.

Ugu dambayntii mas’uuliyiintii ka qaybgalay shirka Amniga ayaa laga soo saaray qodobo lagu adkaynayo Amniga Guud iyo kan Caasimadda intuba, iyadoo la faray in cidkasta oo ay qusayso ay fuliso awaamiirta ka soo baxday shirka Amniga:-

1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucanay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalooyinka Puntland, gaar ahaan Caasimadda. dadka u xilsaaran amniga maahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaan Xeryahooda si loo kala garto askariga shaqaynaya iyo qofka qaswadaha ah,

2. In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarikada lahayn, ciddii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taariko waa laqabanayaa waxaana la hor keenayaa sharciga,

3. In dadka wada kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waantoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga,

4. In la joogteeyo lana dardargeliyo xoojinta la dagaalanka argagisada iyo mukhaadaraadka,

5. In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*