19th May 2024  admin  Category :

Dad isku qoys ahaa oo ku dhintay weerar hoobiye oo ka dhacay Muqdish

Saddex qof oo isku qoys ah ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii hoobiye uu kusoo dhacay guri ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, Talaadadii.

Dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay weerarkan ayaa isku qoys ah, sida ay sheegeen booliiska Soomaaliya.

Weerarkan ayaa boolisku sheegeen inay ku dhinteen aabe iyo laba carruur ah oo uu dhalay. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hooyadii iyo laba kale oo carruur ah.

Booliika ayaa sheegay in hoobiyahan laga soo tuuray duleedka degmada Dayniile. Weerarkan ayaa ciidanku sheegeen inay soo tuureen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Hal qof ayaa loo qabtay weerarkan oo looga shakisan yahay ku lug lahaansho weerarka, kaasi oo haatan baaritaan ku socdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*