Shan goobood oo loo dalxiis tago oo ku yaalla dhulka Soomaalida

Shan goobood oo loo dalxiis tago oo ku yaalla dhulka Soomaalida

Gobolka Sanaag wuxuu leeyahay goobo caan ka noqday gayiga Soomaalida, kuwaas oo badankood ah kuwa loo dalxiis tago.

Hadaba waxaan idiin soo gudbineynaa shan meelood oo laga yaabo inaad qaarkood horay u maqashay ama aad booqatay.

Caraweelo

Sheekada Caroweelo waa mid shaac ka ah Soomaalida dhexdeeda, waxayna nagu soo wada gaadhay sheeko xariirooyinka laga dhaxlay awoow ka awoow, taas oo jiil kastaba uu jiil ka kale uga sii sheekeeyo. Waana mid kamid ah sheeko xariirooyinka dadka da’daha ay uga sheekeeyaan jiilka cusb.

Cidina si kalsooni leh uguma dhiiran karto in ay xaqiijiso jiritaanka Caroweelo, waqtiga ay noolayd, iyo in sheekooyinka laga sheego ay yihiin kuwa jira oo rasmi ah. Balse waxay dadka oo dhan isku raacsanyihiin jiritaanka sheekada Caroweelo run iyo mala’awaal midkay ahaataba.

Sheekada Caroweelo waxaa badi soo celceliya waa dhalinta oo taga goob lagu muran sanayahay inay ku aasan taay iyo inay mar fadhiisatay, oo raga iyo dumarka ay ku kala qaybsamaan markay sawiro rabaan inay ku soo galaan; ragu dhagaxyo ayey ku tuuraan, halka ay dumarkuna ubaxyo dul dul dhigaan.

Hadab maxaa meeshan ay ragu iyo dumarku isugu khilaafan ,faraxad iyo dalxiis bayba u socodeene?

Sida laga soo wariyay sheeko xariirooyinka, waxaa jiri jirtay haweenay boqorad ka ahayd gayiga Soomaaliyeed, taas oo lahayd awood aad u badan, raggani dhufaani jirtay si aysan u qooqin (xininyaha ka garaaci jirtay).

Waxay inta badan ragga ku xujeyn jirtay waxyaabo aan suurtogal ahayn, balse waxaa markasta xujadaasi furi jiray nin duurka ku dhuumaalaysanaya oo magaciisu ahaa ‘Oday Biiqe’.

Caraweelo

Mid ka mid ah xujooyinkii caanka ahaa ee ay ragga ku amartayna waxaa ka mid ahaa in ay ku tiri, “ordaya oo ii keena udub dheer oo dhulka illaa cirka gaadhaya”, kadibna raggii ayaa u tagay Oday Biiqe, una sheegay xujadii. Wuxuu kula taliyay “ku laabta Caroweelo, oo waxaad dhahdaan, udubkaas waan keeneynaaye waxaad na siisaa udub kale oo aan ka cabir qaadano”.

Waxaa kale oo la sheegaa in Caroweelo iyo Oday Biiqe maalin la’isugu daray cunto soor ah oo lagu soo riday xeedho, kadib waxaa dhacday in dhinicii ay xeerada ka cunaysay Caroweelo ay koosaartii (caanihii) ka dhamaatay, waxayna damacday in si dhagar ah ay caanaha uga soo jiidato dhanka Oday Biiqe, waxayna ku tiri “Oday Biiqoow hadalkii aad i tiri, sidaas ayuu qalbiga ii jeexay”, iyada oo markaas farteeda il kaga jeexaysa soorta si caanaha dhankeeda ugu soo hooraan, kana dhigaysa in ay wax u tilmaamayso.

Balse Oday Biiqe ayaa la fahmay sirtii, wuxuuna ku yiri “Caroweelo sheekadana waa lab iyo qas”, isaga oo gacantiisa ku walaaqay weelkii oo dhan si caanaha ugu wada qasmaan soorta.

Waxaa jirta goob ku taala meel u dhow magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halkaas oo dadka deegaanka ay u aqoonsanyihiin in ay tahay qabrigii Caroweelo, halka dadka qaarkoodna ay u garanayaan in ay tahay halkii ay fariisan jirtay.

Suurad

Buurta Surad

Buurta Surad oo caan ka ah dhulka Soomaalida ahna buurta ugu dheer ee Soomaaliya, ayaa ilaa 2,460 ka sarraysaa heerka badda, waana sababta ay taariikhda ugu jirto.

Waxay ka mid tahay buuralayda silsiladda Golis ee gobolka Sanaag, waana dhul uu jooggiisu sarreeyo oo qaboobe ah kana duwan cimilada ka jirta meelaha kale ee waddanka.

Surad iyo buurta kale ee caanka ah ee loo yaqaanno Daallo, waa deris waxaana kala qaybiya oo keliya waddada loo yaqaano Tabaca.

Waxay ku fidsan tahay Surad dhul aad u wayn oo kor u kacsan, meelba meesha ku xigta ayay kasii sarraysaa ilaa laga gaadho goobta loo yaqaanno Shimbiris.

Balse sida caadiga ah, dalxiiseyaasha taga goobaha ilqabadka leh, waxay ku tashadaan inay si iskood ah isugu filnaadaan. Laakiin Buurta Surad waxaa dadka soo booqda loo sameeyaa martisoor loogu talogalay, dadka yimaada, waa waxaagii oo wax lagu daray, kaalay iska arag.

Surada oo dhan ka ah buur ku jirtaya taarikhada Soomaaliya, ayna u dheertahay in lagu dalxiiso, ayeey badi dadku jacel yihiin inay mar uun booqasho ku tagaan buurta, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah shacabka oo ku haminaya inay maalin uun tagaan Surad.

Cal Madoow

Buuraha Cal madow

Cal Madow waxay ku taal Gobolka Sanaag, waa buur qurxoon oo aaraniyo abaar cagaaran, sidii inuu hada roob-ku ku da,ayo, soona saaray naq qurxoon.

Geedaha cagaaran iyo bilicda dhirta ayaa lagu ashqaraarayaa, markay ishaadu qabato. Deegaanada calmadoow oo isugu jira dhul banaan iyo buuro ah, ayaa dadka degaanadaasi ku nooli ay hoy ka dhigtaan dhir iyo dagax iyo dhoobo lagu dhisay jiin gado, si ay uga badbaadan qaboowga,daran ee halkaasi ka jira.

Dadka qaar waxay Cal Madow ugu dalxiisaan, si bilaash ah, oo majiro wax qarshah oo looga qaado meelah ay dawanayaan kuna galeyaan sawirada qurxoon, ugana duubanayaan muqaalo soo jiidasho leh.

Badi dhalinta ayaa ah kuwa had iyo jeer jecel inay dalxiis u aadan degaanada ku teedsan Cal Madow, kuwaasi oo aan laheeyn jidad ku haboon oo loo maro, balse waddooyinkaasi dhibta loo maro kama niyad jabiyaan inay dalxiisayaashu ku safraan si ay isugu soo sawiraan una soo bandhigaan qurxdaas.

Qaarkood waxay iyana sawiro qadiimiya ku soo galaan magaalo xeebeedka Laas Qoray, oo ay ku taallo warshadii Kalluunka ee Soomaaliya. Magaaladaan ayaa iyadanu ku taal degaanada la yidhaahdo Cal Madow.

Cal Madow, waxaa si gaara ah uga baxa bunka iyo jaadka kuwaasi oo dadka ay dhib ku qabaan inay ka ganacsadaan wadooyinka xun awgood, balse dadku bunka qarash ugama baxo, oo si bilaasha ayeey u soo gurtaan una cabaan.

Dooxada Xubeera

Dooxada Xubeera ee gobolka Sanaag waxay ka mid tahay dhawr meelood oo fadhiisin u ahaa Suldaan Maxamud Cali Shire Qarnigii 19 aad ilaa 20 aad.

Dooxaadaasi waa dhul banaan oo xoola daaqeen ah, suldaankuna waxa uu imaan jirey xilliga bilaha xagaaga ee ay kululaato xeebta isaga oo ka soo xagaa bixi jirey degmada Laasqoray oo fadhigiisa guud ahayd.

Degaankan xubeera waxayaalaha uu suldaanku ku doortay ayaa ahaa inuu yahay deegan biyo mareen ah, kaas oo ku wanagasan daaqa xoolaha, waxaana si gaara ugu daaqi jiray suldaanka, fardaha iyo geela.

Deegaankan ayaa leh dhirta sare iyo kuwa hoose, waliba waxaay si gaara ugu caan aheed, geedaha loo yaqaano doomarta iyo dhirta higlooyinka. Deeganka ayaa ahaa doox ay biyuhu badi soo maraan, taasi oo kadhigan inay doog iyo abaarba ahayd meel cagaaran, waana sababta loogu xushay inay noqoto goob ay saldanadu talada ku gooyso, dadkana ku soorto.

Dooxada Xubeera waaba bartii ay ka soo uskantay magaalada Badhan oo ay hadda u jirto 18 km. Ddeegankan ahaa meel la degan yahay guryona ay ka dhisanayaan, ayaa waxaa sanadkii 1971-dii kudhuftay dufaano isaga kala danbeeyay, waana sababta looga raray magaladii. Hadda dadku waxay isku soo sawiraan raadadkii qadiimiga ahaa ee guryihii suldaanka.

Qoraa Ahmed Abdi Kulumbo, ayaa sheegay in dhibta deegaankan ka soo gaadhay duufaantii ku dhuftay, ay keentay inay hada noqto meel banaana, marka laga yimaado raadadka guryihii ka dhisnaa oo wali dhulka ka sii muuqda.

Daalo

Buurta Daallo

Buurta Daallo waa mid kamid ah meelaha ugu qurxuda badan gobolka Sanaag, taas oo dhalintu fiinteed isku soo sawiraan iyagoo ku faraxsan. Buurtani waa mid cagaaran xilliga roobka iyo abaartaba, waana buur markaad korta ay kuula muuqanayso in qaar kamid ah daruurta circa ay kaa hooseeso. Qaar kamid ah dhallinta muqaaladaas ayeey soo duubaan. Buurtan ayaa lagu sheegaa dhereerkeeda, 4000-kun oo cag.

Daallo waxay ku taalaa duleedka magaalda Ceerigaabo. Waa deegaan aad u qabow.

Buurtan ayaa qurxudeeda lgu cabiray sugaan badan oo magaceeda iyo bilicdeeda lagu sheegayo.

Xilliga ay dabeyshu dhacayso waa kahatar in dusheeda loo dalxiis tago. Cabsi ah inuu qofku ka soo dhici karo madaama ey ku taalo goob qobbe iyo dabeeyl badan ayaa jirta, balse dalxiisayaashu aad ayeey u jecel yihiin inay ka soo qaataan sawiro qurxoon oo xasuus reeb u ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka socdo shirka Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

SOOMAALIYA SOOMAALI AYAA LEH

Wasiirka Qorshaynta Puntland Hon. Mohamed S. Farole ayaa sheegay in Puntland ay leedaha Teesare aqoonsi oo casri ah oo in muddo ahba ay Soomaalidu qaadanaysay. Wuxuu intaa sii raaciyey haddad tahay Somali, meel kasta aduunka kaga dhaloo waa kuu banaan yahay inaad ka qaadato aqoonsiga Soomaaliniada Puntland . Sababtoo ah waxaan aaminsanahay in Somaliya ay leeyihiin Soomaali oo dhan, Madaxweyne Xasan arintan waa ku khaldanaa

Dowladda UK oo taagero u fidisaday ciidanka Soomaaliya

Dowladda UK oo taagero u fidisaday ciidanka Soomaaliya

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday lacag dheeraad ah oo dhan 5 milyan oo gini oo loogu talagalay taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, taas oo loo marinayo Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Lacagtan cusub ayaa lagu shaaciyay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh, mar ay booqasho ku timid Soomaaliya todobaadkii hore, sida lagu sheegay bayaan soo baxay dowladda UK.

“Iskaashiga amniga ee UK iyo Soomaaliya wuxuu muhiim u yahay sidii xasilooni iyo amni loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya iyo gobolka. UK waxay sii wadi doonaa taageerada dadaallada ay Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida meelaha dib looga soo qabsado ee dalka.” ayay tiri Dame Sarah.

UK ayaa sheegtay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ‘si ay u hesho Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah.

Yabaanka UK ayaa intaas ku daray ‘Iskaashiga u dhexeeya UK iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta ayaa Soomaaliya u horseedaya mustaqbal wanaagsan.’

Nin la sheegay inuu ‘geeriyooday 50 sano ka hor’ oo dib u soo laabtay

Nin la sheegay inuu ‘geeriyooday 50 sano ka hor’ oo dib u soo laabtay

Joseph Odongo wuxuu ahaa 30 jir markii uu ka tegey aqalka reerkooda ee ku yaalla tuulada Riwa ee gobolka Homa Bay 1972. Muddo 50 sano ah reerkiisu waxba kama aysan ogayn halka uu ku sugnaa ilaa iyo 14ka bishan markii uu dib u soo laabtay isagoo 81 jir ah.

Wargayska The daily nation oo sheekadan qoray ayaa sheegay inuu dib u soo labtay, uuna ogaaday in hantidii uu lahaa oo uuka mid yahay dhul uu waalidkiis ka dhaxlay inay qaateen xubno ka tirsan qoyskiisa o u qaatay inuu dhintay.

Wuxuu ku sheegay sababta uu 51 sano u maqnaa inay ahayd isagoo doonayey inuu ka baaqsado murab dhex mara isaga iyo qoyskiisa.

Odongo oo ku magac dheer Osir Komollo wuxuu sheegay in uu ku noolaa magaalo-xeebeedka Mombasa muddadaas uu ka maqnaa qoyskiisa oo iyagu baadigoobayey.Wuxuu sheegay inuu ku noolaa guri uu lahaa qof ajnabi ah.

“Halkaas waxaan ka ahaa qof guriga maamula, waxaanan dareemayey nafis intii aan Mombasa joogay, taasoo aa duga duwan markii aan joogay magaaladaydii Homa Bay” ayu yiri Odongo.

Dadkii 60 jirrada ahaa ee tuulada joogay way aqoonsan kari waayeen markii u soo laabtay.

Caaqilka tuulada ayaa kalmo ka raadsaday dadka waayeelka ah markii uu ninkaas soo galay xafiiskiisa isagoo doonayey in loo shego halkii uu ku yaallay aqalka reerkooda.

Odongo iyo reerkiisa
Qoraalka sawirka,Odongo iyo reerkiisa

Odongo wuxuu sheegay inuu qaatay go’aanka ah inuu iska haajiro markii ay is khilaafeen mid ka mid ah walaalihiis oo iminka geeriyooday. Waxaa kaloo dhintay xubno kale oo qoyska ka mid ah intii la kala maqnaa. Walaaliis ayaa lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey ‘geerida Odongo’.

Wuxuu goaansaday inuu aado deegaan aad uga fog halkii u ku dhashay si aanay reerkiisu u soo daba gelin. Markii ay waalidkiis dhinteen, xaaskiisana kala dudeen, ayuu ninkaas dhowr bilood ka dib go’aansaday inuu dhaqaajiyo.

Wuxuu reerka u sheegay inuu aadayo xeebta Sikri oo dhowr KM u jirtay gurigooda. Qoyska qaarkood waxay u haysteen inuu soo noqon doono dhowr maalmood ka dib, laakinse todobaadyadii ayaa bilo isu beddelay, bilihiina sannado ayey noqdeen.

Wixii wakhtigaas ka dambeeyey waxaa caqabad noqday in xiriir laga helo, waxaana adkaatay in la ogaado halka uu ku sugan yahay. Ugu dambaystii qoyska waxay ku dhawaaqeen inuu geeriyooday.

Daudi Oketch oo ay deris ahaayeen wuxuu sheegay in dadkii tuulada ay u qaateen in ninka uu yaxaas cunay. “Farriintii ugu dambaysay ee uu qoyska la wadaagay waxay ahayd inuu aadayo xeebta. Aakhiritaankii waxaan go’aansanay inu yaxaas cumay” ayuu yiri.

Qoyskiisa waxay xoolo u qaleen dadkii tuulada ayadoo soo laabashadiisa lagu farxay
Qoraalka sawirka,Qoyskiisa waxay xoolo u qaleen dadkii tuulada ayadoo soo laabashadiisa lagu farxay

Dumaashidiis oo 90 jir ah waxay sheegtay in ninkaas si wanaagsan loo soo dhoweeyey ayadoo qoyska ay deriska aoo dhan ku marti qaadeen hilbo. Marki ay dib u midoobeen wuxuu qoyskiisa u shegay in muddadii ay kala maqnaayeen uu ku noolaa Mombasa.

Wuxuu intaa ku daray in nolosha gobolka xeebta ee Kenya ay ahayd mid sahlan, isagoo dhaqsiyo u illoobay jahawareerkii qabsaday intii uu ku noolaa Homa Bay. Wakhtiba wakhtiga ka dambeeyey qofkii uu u shaqaynayey wuxuu aadi jiray safarro dhadheer, isaga oo kaliya ayaana guriga joogi jiray. Markii dambe wuxuu qofkaas u dhoofay Yurub.

“Fikrad ayaa markiiba igu soo dhacday, taasoo ah in aan dib ugu laabto tuuladii. Waxaan ka soo tegey wax kasta oo aan lahaa oo uu ku jiro mushaarkeyga”.

Muddadaas Odongo ma uusan guursan inkastoo uu mar ku hamiyey inuu guursado. Mid ka mid ah odayaasha tuulada ayaa yiri “waa in qoyskiisu ay xaas u guuriyaan, si uusan u noqon nin keligii iska nool, ma haysto meel uu dakhli ka soo galo, waana inuu helaa taageerada lagama maarmaanka ah ee uu u baahan yahay”.

Deeq kale oo magaca Soomaaliyeed lagu heay

Deeq kale oo soo gaartay Soomaaliya, hase ahaayee aaan Muqdisho soo dhaafi doonin sidii caadadu ahayd

Munaasabadd Kooban oo maanta ka dhacday Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA mudane Maxamuud Macalim Cabdulle waxa uu dowladda Qatar kala wareegay deeq Gargaar mucaawino ah.

Mucaawinadan ayaa gaaraysa 150-Tan oo Timir ah,waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka dantayar iyo kuwa ku nool deeganadii khawaarijta Al-shabaab laga saaray.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay furitaanka kalfadhiga 78aad ee Golaha loo dhanyahay ee Q.M

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay furitaanka kalfadhiga 78aad ee Golaha loo dhanyahay ee Q.M

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay furitaanka Kalfadhifga 78aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay oo saaka si rasmi ah uga furmay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Xildhibaanad Ilham Cumar oo qaraabo siyaar ugu tagtay RW Xamze

Xildhibaanad Ilham Cumar oo qaraabo siyaar ugu tagtay RW Xamze

Ilhaam Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maraykanka, lagana soo doorto Minnesota’s 5th District ayaa magaalada New york oo lagu qabanayey shirkii Golaha amaanka Qaramada Midooby waxay kula kulantay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xamza Abdi . labada Hogaamiye ayaa ka wada hadlay arimaha amniga, siyaaadda iyo dhaqaalaha