26th July 2024  admin  Category :

Nin la sheegay inuu ‘geeriyooday 50 sano ka hor’ oo dib u soo laabtay

Joseph Odongo wuxuu ahaa 30 jir markii uu ka tegey aqalka reerkooda ee ku yaalla tuulada Riwa ee gobolka Homa Bay 1972. Muddo 50 sano ah reerkiisu waxba kama aysan ogayn halka uu ku sugnaa ilaa iyo 14ka bishan markii uu dib u soo laabtay isagoo 81 jir ah.

Wargayska The daily nation oo sheekadan qoray ayaa sheegay inuu dib u soo labtay, uuna ogaaday in hantidii uu lahaa oo uuka mid yahay dhul uu waalidkiis ka dhaxlay inay qaateen xubno ka tirsan qoyskiisa o u qaatay inuu dhintay.

Wuxuu ku sheegay sababta uu 51 sano u maqnaa inay ahayd isagoo doonayey inuu ka baaqsado murab dhex mara isaga iyo qoyskiisa.

Odongo oo ku magac dheer Osir Komollo wuxuu sheegay in uu ku noolaa magaalo-xeebeedka Mombasa muddadaas uu ka maqnaa qoyskiisa oo iyagu baadigoobayey.Wuxuu sheegay inuu ku noolaa guri uu lahaa qof ajnabi ah.

“Halkaas waxaan ka ahaa qof guriga maamula, waxaanan dareemayey nafis intii aan Mombasa joogay, taasoo aa duga duwan markii aan joogay magaaladaydii Homa Bay” ayu yiri Odongo.

Dadkii 60 jirrada ahaa ee tuulada joogay way aqoonsan kari waayeen markii u soo laabtay.

Caaqilka tuulada ayaa kalmo ka raadsaday dadka waayeelka ah markii uu ninkaas soo galay xafiiskiisa isagoo doonayey in loo shego halkii uu ku yaallay aqalka reerkooda.

Odongo iyo reerkiisa
Qoraalka sawirka,Odongo iyo reerkiisa

Odongo wuxuu sheegay inuu qaatay go’aanka ah inuu iska haajiro markii ay is khilaafeen mid ka mid ah walaalihiis oo iminka geeriyooday. Waxaa kaloo dhintay xubno kale oo qoyska ka mid ah intii la kala maqnaa. Walaaliis ayaa lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey ‘geerida Odongo’.

Wuxuu goaansaday inuu aado deegaan aad uga fog halkii u ku dhashay si aanay reerkiisu u soo daba gelin. Markii ay waalidkiis dhinteen, xaaskiisana kala dudeen, ayuu ninkaas dhowr bilood ka dib go’aansaday inuu dhaqaajiyo.

Wuxuu reerka u sheegay inuu aadayo xeebta Sikri oo dhowr KM u jirtay gurigooda. Qoyska qaarkood waxay u haysteen inuu soo noqon doono dhowr maalmood ka dib, laakinse todobaadyadii ayaa bilo isu beddelay, bilihiina sannado ayey noqdeen.

Wixii wakhtigaas ka dambeeyey waxaa caqabad noqday in xiriir laga helo, waxaana adkaatay in la ogaado halka uu ku sugan yahay. Ugu dambaystii qoyska waxay ku dhawaaqeen inuu geeriyooday.

Daudi Oketch oo ay deris ahaayeen wuxuu sheegay in dadkii tuulada ay u qaateen in ninka uu yaxaas cunay. “Farriintii ugu dambaysay ee uu qoyska la wadaagay waxay ahayd inuu aadayo xeebta. Aakhiritaankii waxaan go’aansanay inu yaxaas cumay” ayuu yiri.

Qoyskiisa waxay xoolo u qaleen dadkii tuulada ayadoo soo laabashadiisa lagu farxay
Qoraalka sawirka,Qoyskiisa waxay xoolo u qaleen dadkii tuulada ayadoo soo laabashadiisa lagu farxay

Dumaashidiis oo 90 jir ah waxay sheegtay in ninkaas si wanaagsan loo soo dhoweeyey ayadoo qoyska ay deriska aoo dhan ku marti qaadeen hilbo. Marki ay dib u midoobeen wuxuu qoyskiisa u shegay in muddadii ay kala maqnaayeen uu ku noolaa Mombasa.

Wuxuu intaa ku daray in nolosha gobolka xeebta ee Kenya ay ahayd mid sahlan, isagoo dhaqsiyo u illoobay jahawareerkii qabsaday intii uu ku noolaa Homa Bay. Wakhtiba wakhtiga ka dambeeyey qofkii uu u shaqaynayey wuxuu aadi jiray safarro dhadheer, isaga oo kaliya ayaana guriga joogi jiray. Markii dambe wuxuu qofkaas u dhoofay Yurub.

“Fikrad ayaa markiiba igu soo dhacday, taasoo ah in aan dib ugu laabto tuuladii. Waxaan ka soo tegey wax kasta oo aan lahaa oo uu ku jiro mushaarkeyga”.

Muddadaas Odongo ma uusan guursan inkastoo uu mar ku hamiyey inuu guursado. Mid ka mid ah odayaasha tuulada ayaa yiri “waa in qoyskiisu ay xaas u guuriyaan, si uusan u noqon nin keligii iska nool, ma haysto meel uu dakhli ka soo galo, waana inuu helaa taageerada lagama maarmaanka ah ee uu u baahan yahay”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*