Xulka Soomaaliya oo laga badiyay, laakiin soo bandhigay ciyaar lama filaan ahey
Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa xalay guuldarro kala kulmay ciyaartii ugu horreysay ee isreeb-reerbka Koobka Adduunka ee sannadka 2026 lagu qaban doono dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico, kadib markii xulka Algeria uu 3-1 uga badiyay ciyaar ka dhacay garoonka Nelson Mandela.
Soomaaliya ayaa soo bandhigtay kubbad aysan dad badani ka fileyn, kadib markii ay ka hortagtay waddan ciyaartooydiisu ay ka ciyaaraan horyaallaada Ingiriiska, Talyaaniga, Spain, Faransiika, Sacuudiga iyo dalalka kale ee ku horumaray kubadda cagta.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 2-0, hase yeeshee markii ay billaabay qeybtii labaad daqiiqaddii 65-aad ayaa Issa Adim Abatari wuxuu Soomaaliya u dhaliyay gool u muuqday inuu ciyaarta inta ka dhimman dheelli-tiri karo, hase ahaatee Algeria ayaa daqiiqaddii 80-aad dhalisay gool u xaqiijiyay saddexda dhibcood.
Group-ka G oo ka kooban lix dal oo kala ah Soomaaliya, Algeria, Uganda, Botswana, Guinea iyo Mozambique ayaa waxaa hadda si wadajir ah u horkacaya Algeria iyo Mozambique oo 3-2 uga soo badisay Botswana.
‘Xaaskeyga oo umul ah ayaan waayay lacag aan cunto aan helay ugu geeyo’
Soomaaliya oo ay ku dhufteen daadad xoogan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 qof sida ay baahisay Hay’adda Musiibooyinka Qaran ee Soomaalida (Sodma).
Gargaar kooban ayay ka heleen markiiba dawladda Soomaaliya. Laba doonyyood oo ay ku dhex isticmaalaan magaalada oo isku badashay haro yar ayay u soo dirtay dawladdu. Balse dadka qaar ayaa la kulman caqabad aysan filayn oo ku hor gudubtay gargaarkii yaraa ee ay wada jirka uga faa’iideysan lahaayeen.
Ibraahin Feere-Kore waa abe leh xaas iyo toban caruur ah oo kamid ah dadka ay barakiciyeen daadadka ku dhuftay magaalada.
Todobaad ka badan ayay isaga iyo reerkiisu ku sugan yihiin meel aan biyuhu gaarin oo ah banaanka magaalada.
Wuxuu haystay shaqo uu ka maareyn jiray carurtiisa iyo hooyadiis oo la nool, balse wax walba waa aysan is badaleen markii ay daadadku ku dhufteen magaalada.
Wuxuu sheegay inay ku adkaatay si uu raashin, biyo iyo caafimaad ugu heli lahaa caruurtisa.
Balse markii uu isku dayay inuu aado goobta kaliya ee aan daadku gaarin ee magaalada Baardheere, oo ah halka kaliya ee uu yaalo raashinka ay heli karaan dadka barakacay ayuu damcay inuu raaco doomaha gargaarka ee ay keentay dawladdu.
“Qofkii [raaca] waa laba doolar, raashinka uu watana waa laba doolar,” ayuu sheegay in maamulkii gacanta ku hayay doomaha ay u sheegeen.
Ibraahin Wuxuu sheegay inuu ku qasbanaaday inuu lacagta dhiibo, si uu u gaaro suuqa kaliya ee ka furan magaalada oo uu caruurtiisa raashin uga soo ib karay.
Balse soo labashadii ayuu sheegay inuu ka dhago adeygay lacagta bixinteeda, kadibna uu ku qasbanaaday in uu ku hoydo maalinka xiga,
“Subaxii dambi ayaan soo gudbiyay,” ayuu BBC u sheegay Ibraahin.
Markii gaaray halkii uu deganaa Ibraahin, wuxuu sheegay in uu arrintaan uga hadlay baraha bulshada, taas oo sababtay sida uu sheegay inay xiraan maamulka Degmada.
“Markii aan arrinka ka hadlay waa la isoo raadiyay, ciidan ayaa la iisoo diray,” ayuu yiri Ibraahin. “Waa la iqaaday waxaa la igeeyay saldhiga degmada”.
Maxamed waxa uu sheegay in uu halkaas ku xirnaa muddo saddex maalin ah, kadibna ay soo daayeen dad shacab ah iyo odayaasha degmada oo iskaashaday.
Cbadicasiis waxa uu isna kamid yahay dadka ka barakacay degmada Baardheere, waxa ayna daris yihiin Ibraahin. Caruurtiisa iyo xaaskiisa oo umushay markii ay daadadku ku dhufteen degmada isaga oo hadda ku haya banaanka Baardheere.
SI uu caawimaad iyo quud ugu raadiyo xaaskiisa jilicsan iyo ilmahiisa dunida ku cusub ayuu isku dayay inuu gaaro suuqa kaliya ee ka nabad degmada Baardheere, balse wuxuu waayay lacag uu ku raaco doonta.
“Anaga iyo rag kale oo meel wada fadhina ayuu na weydiistay inaan qarash isugu aruurino,” ayuu yiri Ibraahin oo ay wada joogeen Cabdicasiis.
“Waan caawinay doontii ayuuna raacay, laakiin markii uu helay alaab uu u gayn karo qoyskiisii ayuu hadana waayay lacag uu ku raaco doonta si uu gurigisii ugu laabto. halkii doonta laga raacayay ayuu ku ooyay,”.
Taas ayaa sababtay in dadkii joogay goobta ay mudaharaadaan, maamulka gobolkuna soo faragaliyo, sida uu noo sheegeen dhallinyadaan.
Si aan wax uga ogaano arrintaan ayaa isku daynay inaan la xiriirno maamulka degmada Baardheere balse nooma aysan suuragalin inaan helno.
Balse waxaa naloo sheegay in arrintaan ay joojiyeen maalka gobolka Gedo ee uu hoos tago kan degmada Baardheere.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Maxamed Xuseen al-Qaadi ayaa sheegay in arrintaan ay ka xumaadeen sidoo kalana ay talaabo ka qaadi doonaan kooxdii gacanta ku haysay doomaha loo keenay gargaarka ee kireeyay markii dambe.
“Arrintaas in la iskula xisaabtamo waa qorshaha noo yaala, sababtoo ah shacaabkaan dhibaateysan gurmadka loosoo diray in ay dhibaato ku adreemaan marnaba raali kama nihin,” ayuu BBC u sheegay Qaadi.
Qaadi oo aan wax weydiinay sababta maamulka doomaha ay u kireeyaan ayaa sheegay in ay ku micneeyeen, “inay doonayeen in shidaal loogu iibiyo doomaha iyo in gunno laga siiyo qofka naaquudaha ka ah,”.
Maalmo kooban ayuu sheegay in doonta la kireynayay, sidaas daraadeedna ay doonayaan inay ogaadaan xaddiga lacagta laga qaaday dadka maalmahaas iyo waxa loo isticmaalay.
Daadadka Baardheere ku dhuftay ayaa wali biyiha ay sababeen ka buuxaan magaalada, roobabka oo aan wali kala joogsan ayay sheegeen dadka aar inaysan rajo ka qabin inay dhawaan ku laaban doonaan hoygoodii.
Sidoo kale gargaar kale oo ay keentay hay’adda Sodma ayuu sheegay in uu soo gaaray magaalada, kaas oo u badan timir iyo wax ay dadku cunaan. “Waxaan isku dayaynaa inay dadka siay tahay u gaarto” ayuu sheegay gudoomiye al Qaadi.
Erdogan oo Israa’iil ku tilmaamay ‘dowlad argagixiso ah’, si adagna u weeraray reer galbeedka
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Israa’iil ay tahay “dowlad argagaxiso ah” oo dambiyo dagaal ka geysatay Gaza, kuna xad-gudubtay sharciga caalamiga ah, isagoo sii xoojiyey dhaleeceynta isdabajoogga ah ee uu u jeedinayo hoggaamiyeyaasha Israa’iil iyo taageerayaashooda reer galbeedka.
Isagoo ka hadlayay laba maalmood ka hor booqasho la qorsheeyay inuu ku tago Jarmalka si uu ula kulmo Chancellor Olaf Scholz, Erdogan ayaa sheegay in ololaha milatari ee Israel ee ka dhanka ah kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ka mid yihiin “weeraradii ugu khiyaanada badnaa ee taariikhda aadanaha” iyadoo aysan “xad lahayn” taageero ay ka helayso Israa’iil reer galbeedka.
Waxa uu ku baaqay in hoggaamiyayaasha Israa’iil lagu xukumo dembiyo dagaal, lana horkeeno maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, wuxuuna ku celiyay aragtidiisa – iyo mawqifka Turkiga – in Xamaas aanay ahayn urur argagixiso, balse ay tahay xisbi siyaasadeed oo ku guulaystay doorashooyinkii ugu dambeeyay.
Britain, Mareykanka, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa Xamaas u arka koox argagixiso ah, iyaga oo ka fikir duwan Turkiga.
Ankara waxa ay martigelisay qaar ka mid ah xubnaha Xamaas, waxayna taageertaa in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda Israel iyo Falastiin.
“Iyadoo ay jirto naxariis darada loo duqeynayo dadka rayidka ah ee lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda marka ay u guurayaan meelo kale, waxay si dhab ah u noqoneysa dowlad argagixiso ah,” ayuu Erdogan ka sheegay baarlamaanka isaga oo ka hadlayay Israa’iil. “Hadda waxaan si kal iyo laab ah u leeyahay in Israa’iil ay tahay waddan argagaxiso ah.” ayuu raaciyay Erdogan.
Wuxuu intaas ku daray: “Marna ugama xishooneyno dadka aan ku qanacsaneyn inaan sheegno xaqiiqda ah in xubnaha Xamaas ee ilaaliya dhulkooda, sharaftooda iyo noloshooda marka loo eego siyaasadaha qabsashada ay yihiin dagaalyahanno iska caabin ah, sababtoo ah dadka qaar ayaa ku qanacsanayn arrintaas.”
Waxay sheegeen in xilligu duhur yahay, dhaxan darteedna ay u dugaashanayaan huga culus iyo shaaxa,
Kooxda dhallinyaradaha oo wada jooga isla goobtii ay sawirka ku galeen ayaan la xariirnay si aan wax badan uga ogaano xaalka qabowga ee magaalada iyo saameynta ay ku yeelatay bulshada.
Dhallinyaradaan ayaa kala ah: Maxamuud Maano, Maxamed Macallin, Sakariye Maxamed, Maxamed sent iyo Isxaaq maxamuud
Waxaan ugu horeyn la hadalnay Maxamed macalin oo taleefanka naga qabtay isaga oo noo sheegaya in roob ka da’ayo magaalada.
Ceerigaabo waa magaalo ku taalla gobolka Sanaag, inkasta oo ay caanku tahay qabow, hadana xaalka waa uu ka sii daran yahay sida ay noo sheegeen dhallinyaradaan.
“Sanadka bisha 12 aad oo kale waxaan naqaanay in heerkulku aad hoos ugu dhaco, balse maalmahaan waxaa ka jiray magaalada roobab joogto ah oo dhaxnta aad u sii badinayay,” ayuu yiri Maxamed oo markaas ay wada jogeen qaar kamid ah saaxiibadiis.
Mararka ayuu sheegay Maxamed in heerkulka magaalada uu gaaro 4 digree, taas oo uu dhaw heerka ay biyuhu ku barafoobaan.
Maqaayadda Jabcadaha
Bartamaha magaalada waxaa ku yaalla bar ay ku kulmaan dhallinyarada iyo raga kale ee magaalada ku nool. Halkaas waxaa ku yaalla maqaaxi caan ah oo shaaha lagaca cabo, taas oo macaamiisheeda uu shubta shaaha jabcado ama baaquliyaal. Xilligaan oo kale ayaa ah marka loogu jecel yahay in loo shah doonto maqaayada jabcadaha.
Dhallinyaradaan ayaa kamid ah dadka halkaas u fiidsi doontay oo shaaha baaquliga lagu shubo biday kulayl. Balse waxay noo sheegeen in shaaxaas uu ku filaan la yahay si ay diirimaad u helaan.
Dhanka kale kooxdaan dhallinyarada ah ayaa ah rag aan xaasas lahayn oo iskaabulo wada ah.
Jaabir Bulshaawi waa wariyihii qaaday sawirada ay baahay ee dhallinyarada Ceerigaabo, wuxuu sheegay in marka laga soot ago qabow haysta da’yartaan uu la kulmay dad kale oo danyar iyo waayeel ah oo uu si daran u saameeyay qabowgu.
“Waxaa jira dad u nugul dhibaatooyinkaan marka ay dhacaan kuwaas oo ay kamid yihiin dadka waayeelka ah oo aan xijisan Karin dhaxanta. Waayeelo waxaa jira guryaha ka soo bixi la’ ,” ayuu BBC da u sheegay Jaabir.
Waxaa kale oo jira dad danyar ah iyo kuwa darbi jiif ah oo aan markii horaba haysan meel gabaad ay ka galaan dhaxanta. Kuwaas ayaa hadda wajahaya xaalad aad u daran.
“Dad waxaa joogaa darbi jiif ah oo banaanadaas uu roob ku helo oo aan awoodin bustayaal iyo koorar ay dhaxanta isaga difaacaan inay iibsadaan. Waan la kulmay dhallinyaro yaryar oo darbi jiif ah oo aad arkeysid iyaga oo dhulka jiifa oo gidaaro isku nabaya,”.
Dadkaas ayuu sheegay Jaabir in ay markii hore caain jireen dhallinyaro is xilqaantay, balse haatan ay u muuqdaan in caawimaadaasi ay ka soo daahday.
Deegnada Soomaalida ayaa waxaa ku dhuftay sanadkaan daad ay sababeen roobab kaas oo ugu yaraan 32 qof ku dilay gudaha dalka, sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya.
Waxaa loo badinayaa inay sii socdaan roobabkaan tan iyo dhamaadka bishaan aan ku jirno ee November, balse waxay u badan tahay inay xaalka ugu sii darto hadii robabka sii socdaan.
In kabadan hal milyan oo ruux ayaa la filayaa in saameyn hor leh uu ay ku yeeshaan roobabkaan.
Bahda ALLSANAAG waxay tacsi tiiraanyo leh u kala dirayaan Qoysaskii IYO QARAABADII ay ka kala geeriyoodeen Allah ha u Wada naxariistee DR Maxamuud Axmed Aadan (Jabane) oo Bosaso ku geeriyooday saaka iyo Hooyo Caasha Maxamed Xuseen oo maanta ku geeriyootay magaalada Ottawa ee Dalka Canada.
Waxaanu Marxuumiinta Allah uga baryayanaa inuu Janaddii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Qaraabadii iyo ehelkii ay ka tageena samir iyo iimaan uu ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.
Ilhan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay musharaxnimada xisbiga Dimuqraadiga.
Xildhibaanad Ilhan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay musharaxnimada xisbiga Dimuqraadiga.
Xildhibaanad Ilhan Omar oo laga soo doorto degmada shanaad ee Gobolka Minnesota ayaa guul ka keentay xulashada xisbiga dimuqraadiga..
Guusha ilhan Omar ee kalsooni da xisbiga dhexdiisa ayaa waxay quus galinaysaa Nin ka lagu magacaabo Don Samuels oo horay uga tirsanaa Gollaha deegaanka Magaalada Minneapolis,
Ilhan Omar ayaa xalay booqatay ganacsatada yaryar ee magaalada Minneapolis waxayna u ballan qaaday in ay garab kooda taagan tahay ..
Dhan kale Go’aanka xisbiga ay ku calmadeen Axadda ayaa waxaa soo dhaweeyey bulshada ku nool Gobolka Minnesota gaar’ahaan degmada Shanaad oo ah degmada laga soo doorto
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.
Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray horumarinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee UK iyo Soomaaliya, wax ka qabashada saameynta El Niño, iyo u diyaargarowga shirweynaha caalamiga ah ee cunnada kaas oo lagu wado in dhawaan uu ka dhaca dalka Ingiriiska.
Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ugu mahadceliyey soo dhaweynta uu ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka.
Maxay Soomaaliya ka faa’iidaysaa heshiiska ammaan ee ay la gashay Sacuudiga?
Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa xalay kala saxiixday heshiisyo guud oo iskaashi ah kaas oo labada dowladood ay sheegeen inuu faa’iido u yahay dhinacyada.
Magaalada Riyad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga oo heshiiska lagu kala saxiixday waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse, halka Sacuudiga uu u saxiisay wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Nasser Bin Abdull Aziz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.
Sida lagu daabacay barta X oo hore loo oran jiray Twitrer ee wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu xusay in heshiiska dhanka ammaanka ee ay la galeen Sacuudiga uu muhiimad gaara u leeyahay xilligan dalka Soomaaliya.
Macluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Twitter
Today in Riyadh, Somalia and Saudi Arabia sealed a significant Security Cooperation Agreement, undersigned by Somalia's Ministry of Foreign Affairs and Saudi Arabia's Ministry of Interior. This pact holds immense importance for the security collaboration between our nations. pic.twitter.com/jGnzdfiolk
Axmed Cabdilaahi Kaboole oo arimaha ammaanka ka faallooda ayaa BBC-da u sheegay in heshiiskan uu yahay mid cusub marka la eego heshiisyadii ay hore u wada gali jireen Sacuudiga iyo Soomaaliya.
“Iskaashi dhanka amaanka oo dhexmara Soomaaliya iyo Sacuudiga xiligan waxay u badan tahay in uu dalabkiisu ka yimi dhanka Soomaaliya, balse in dowladdu raadiso cid gacan ka siisa arrimaha amaanka waa muhiimadeeda gaarka ah ee waqtigan maaddaama ay dagaal kula jirto al-Shabaab,” ayuu yiri Kaboole.
Dowladda Soomaaliya ayaa baahi badan u qabta inay gacan ka hesho waddamada hodanka ka ah dhanka dhaqaalaha xilli ay dagaal adag kula jirto al-Shabaab, oo dabayaaqada sanadka 2024 uu qorshuhu yahay inay Soomaaliya ka baxaan ciidamada ATMIS ee ka socda Afrika.
Maxay kala faa’iidayaan labada dhinac?
Qoraalka sawirka,Saxiixa heshiiska ee Riyad
Heshiisyada quseeya iskaashiga ammaanka ee dalalku wada galaan waxaa sal u ah inay wada yeelan karaan howlgallo wada jira iyo inay albaabbada u furaan inay iska gacan siiyaan waxa liddiga ku ah ammaankooda.
Axmed Kaboole oo ka hadlayey arrimahan ayaa xusay inaysan dhankaas Soomaaliya u ahay dal ka qaadan kara doorkii looga baahnaa taas macnaheeduna tahay in Sacuudigu ka caawinayo arrimaha ammaanka.
Waxaa la fili karaa in heshiiskan ay Soomaaliya ka heli karto dhanka Sacuudiga kaalmooyin milatari sida saadka,tababarada iyo caawinaad dhanka dhaqaalaha ah sida uu tilmaamay Axmed Kaboole oo amaanka ka faalooda.
“Maaddaama ay Soomaaliya ku jirto adkaynta ammaankeeda waxaad mooddaa inay danaynayso inay hesho iskaashiga gobolka si ay garab ugu siiyaan dhaqaalana ugu helaan haya’daheeda ammaanka” ayuu yiri Axmed.
Ka sokow faa’iidada Soomaaliya ay ka heli karayso heshiiskan, Sacuudiga ayaa ka heli kara dhankiisa inay cod isku mida ka noqdaan xagga qaddiyadaha ammaanka ee gobolka dowlada Soomaaliya, maaddaama ay ku wada jiraan ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, sida uu qabo Kaboole.
‘’Sacuudigu maaha dal lagu yaqaan inay gacan ka siiyaan dalal kale xagga ammaanka, laakiin heshiiskan wuxu ula mid yahay kii Soomaaliya hore ula gashay Imaaraadka kaasoo quseeya inay Soomaaliya ka hesho caawin dhanka ammaanka sida kaalmooyinka militari,” ayuu xusay Kaboole.
Wafti uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan booqasho ku tagay dalka Sacuudiga, gaar ahaan magaalada Riyad halkaas oo uu ugu qayb galay shir madaxeedka Sacuudiga iyo Afrika iyo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Carabta iyo Islaamka, kaas oo looga hadlay xaaladaha halista ah ee ka taagan arrinka Gaza.
Culayska Soomaaliya ka haysta ammaanka
Madaxda sare ee Soomaaliya ayaa waqti galiyey muddooyinkii danbe inay kaalmo dhaqaale u helaan dagaalka wajiga labaad ee ay kula jirto ururka al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa socdaallo ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qadar si ay gacan ugu geystaan dhaqaale ahaan dagaalka uu ku dhawaaqay ee ka socda dalka.
Dhinaca kale Ciidamada ATMIS oo ka socda howlgalka Midowga Afrika ayaa sanadkan bilaabay inay askartooda qaybo ka mid ah ka saaraan dalka Soomaaliya qorshuhuna yahay in dhammaadka sanadka soo socda si dhammaystiran ugu baxaan.
Dagaallo ba’an ayey ciidamada dowladu la galeen al-Shabaab gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug halkaas oo dhul ay kala wareegeen.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii degdegga ahaa oo golaha wasiiraddu ka yeesheen ‘qiimeynta iyo gurmadka muwaadiniinta ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadka xooggan ee ku soo rogmay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.’
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday xaalad Deg deg ah oo ku aadan daadadka ku fatahay meelo badan oo gobollada Soomaaliya ah, kuwaas oo tobannaan qof ay ku dhinteen, kumannaan kalena ay weli ku go’doonsanyihiin ama ku barakaceen.
“Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre warbixin ku saabsan gurmadka iyo samata-bixinta dadka waxyeelladu ay soo gaartay, dadaaladaas oo ay ka mid tahay in Xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay waxyeellada ka dhalatay duufaanta El-nino.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo xaafiiska madaxweynaha ee Villa Soomaaliya kadib shirkaas.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta iyo gurmadka, waxa uuna ku baaqay in kor loo qaado wacyigelinta iyo feejignaanta dadweynaha, gaar ahaan deegaannada laga filanayo fatahaadaha.” ayuu raaciyay bayaanka Villa Somalia.
Madaxda Carabta iyo Islaamka oo ku baaqay in si degdeg ah xabbad-joojin looga hirgaliyo Gaza
Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka oo shir wadajir ah uu maanta uga furmay dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay dagaalka Gaza, iyagoo ku baaqay in xabbad-joojin ah laga hirgaliyo Gasa. Sidoo kale, waxa ay ku baaqeen in Israel ay qaaddo go’doominta ay ku hayso Gaza. Warbixintan waxaa soo jeedinaya Ibraahim Daanduray.