26th July 2024  admin  Category :

Maxay Soomaaliya ka faa’iidaysaa heshiiska ammaan ee ay la gashay Sacuudiga?

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa xalay kala saxiixday heshiisyo guud oo iskaashi ah kaas oo labada dowladood ay sheegeen inuu faa’iido u yahay dhinacyada.

Magaalada Riyad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga oo heshiiska lagu kala saxiixday waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse, halka Sacuudiga uu u saxiisay wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Nasser Bin Abdull Aziz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Sida lagu daabacay barta X oo hore loo oran jiray Twitrer ee wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu xusay in heshiiska dhanka ammaanka ee ay la galeen Sacuudiga uu muhiimad gaara u leeyahay xilligan dalka Soomaaliya.

Macluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Twitter

Heshiiskii ugu horreeyay noociisa

Axmed Cabdilaahi Kaboole oo arimaha ammaanka ka faallooda ayaa BBC-da u sheegay in heshiiskan uu yahay mid cusub marka la eego heshiisyadii ay hore u wada gali jireen Sacuudiga iyo Soomaaliya.

“Iskaashi dhanka amaanka oo dhexmara Soomaaliya iyo Sacuudiga xiligan waxay u badan tahay in uu dalabkiisu ka yimi dhanka Soomaaliya, balse in dowladdu raadiso cid gacan ka siisa arrimaha amaanka waa muhiimadeeda gaarka ah ee waqtigan maaddaama ay dagaal kula jirto al-Shabaab,” ayuu yiri Kaboole.

Dowladda Soomaaliya ayaa baahi badan u qabta inay gacan ka hesho waddamada hodanka ka ah dhanka dhaqaalaha xilli ay dagaal adag kula jirto al-Shabaab, oo dabayaaqada sanadka 2024 uu qorshuhu yahay inay Soomaaliya ka baxaan ciidamada ATMIS ee ka socda Afrika.

Maxay kala faa’iidayaan labada dhinac?

SOOMAALIYA IYO SACUUDIGA
Qoraalka sawirka,Saxiixa heshiiska ee Riyad

Heshiisyada quseeya iskaashiga ammaanka ee dalalku wada galaan waxaa sal u ah inay wada yeelan karaan howlgallo wada jira iyo inay albaabbada u furaan inay iska gacan siiyaan waxa liddiga ku ah ammaankooda.

Axmed Kaboole oo ka hadlayey arrimahan ayaa xusay inaysan dhankaas Soomaaliya u ahay dal ka qaadan kara doorkii looga baahnaa taas macnaheeduna tahay in Sacuudigu ka caawinayo arrimaha ammaanka.

Waxaa la fili karaa in heshiiskan ay Soomaaliya ka heli karto dhanka Sacuudiga kaalmooyin milatari sida saadka,tababarada iyo caawinaad dhanka dhaqaalaha ah sida uu tilmaamay Axmed Kaboole oo amaanka ka faalooda.

“Maaddaama ay Soomaaliya ku jirto adkaynta ammaankeeda waxaad mooddaa inay danaynayso inay hesho iskaashiga gobolka si ay garab ugu siiyaan dhaqaalana ugu helaan haya’daheeda ammaanka” ayuu yiri Axmed.

Ka sokow faa’iidada Soomaaliya ay ka heli karayso heshiiskan, Sacuudiga ayaa ka heli kara dhankiisa inay cod isku mida ka noqdaan xagga qaddiyadaha ammaanka ee gobolka dowlada Soomaaliya, maaddaama ay ku wada jiraan ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, sida uu qabo Kaboole.

‘’Sacuudigu maaha dal lagu yaqaan inay gacan ka siiyaan dalal kale xagga ammaanka, laakiin heshiiskan wuxu ula mid yahay kii Soomaaliya hore ula gashay Imaaraadka kaasoo quseeya inay Soomaaliya ka hesho caawin dhanka ammaanka sida kaalmooyinka militari,” ayuu xusay Kaboole.

Wafti uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan booqasho ku tagay dalka Sacuudiga, gaar ahaan magaalada Riyad halkaas oo uu ugu qayb galay shir madaxeedka Sacuudiga iyo Afrika iyo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Carabta iyo Islaamka, kaas oo looga hadlay xaaladaha halista ah ee ka taagan arrinka Gaza.

Culayska Soomaaliya ka haysta ammaanka

askari

Madaxda sare ee Soomaaliya ayaa waqti galiyey muddooyinkii danbe inay kaalmo dhaqaale u helaan dagaalka wajiga labaad ee ay kula jirto ururka al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa socdaallo ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qadar si ay gacan ugu geystaan dhaqaale ahaan dagaalka uu ku dhawaaqay ee ka socda dalka.

Dhinaca kale Ciidamada ATMIS oo ka socda howlgalka Midowga Afrika ayaa sanadkan bilaabay inay askartooda qaybo ka mid ah ka saaraan dalka Soomaaliya qorshuhuna yahay in dhammaadka sanadka soo socda si dhammaystiran ugu baxaan.

Dagaallo ba’an ayey ciidamada dowladu la galeen al-Shabaab gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug halkaas oo dhul ay kala wareegeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*