26th July 2024  admin  Category :

Culusoow guddoomiyay shirkii gurmadka iyo samata-bixinta musiibadii fatahadaha

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii degdegga ahaa oo golaha wasiiraddu ka yeesheen ‘qiimeynta iyo gurmadka muwaadiniinta ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadka xooggan ee ku soo rogmay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.’

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday xaalad Deg deg ah oo ku aadan daadadka ku fatahay meelo badan oo gobollada Soomaaliya ah, kuwaas oo tobannaan qof ay ku dhinteen, kumannaan kalena ay weli ku go’doonsanyihiin ama ku barakaceen.

“Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre warbixin ku saabsan gurmadka iyo samata-bixinta dadka waxyeelladu ay soo gaartay, dadaaladaas oo ay ka mid tahay in Xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay waxyeellada ka dhalatay duufaanta El-nino.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo xaafiiska madaxweynaha ee Villa Soomaaliya kadib shirkaas.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta iyo gurmadka, waxa uuna ku baaqay in kor loo qaado wacyigelinta iyo feejignaanta dadweynaha, gaar ahaan deegaannada laga filanayo fatahaadaha.” ayuu raaciyay bayaanka Villa Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*