26th July 2024  admin  Category :

Xulka Soomaaliya oo laga badiyay, laakiin soo bandhigay ciyaar lama filaan ahey

Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa xalay guuldarro kala kulmay ciyaartii ugu horreysay ee isreeb-reerbka Koobka Adduunka ee sannadka 2026 lagu qaban doono dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico, kadib markii xulka Algeria uu 3-1 uga badiyay ciyaar ka dhacay garoonka Nelson Mandela.


Soomaaliya ayaa soo bandhigtay kubbad aysan dad badani ka fileyn, kadib markii ay ka hortagtay waddan ciyaartooydiisu ay ka ciyaaraan horyaallaada Ingiriiska, Talyaaniga, Spain, Faransiika, Sacuudiga iyo dalalka kale ee ku horumaray kubadda cagta.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 2-0, hase yeeshee markii ay billaabay qeybtii labaad daqiiqaddii 65-aad ayaa Issa Adim Abatari wuxuu Soomaaliya u dhaliyay gool u muuqday inuu ciyaarta inta ka dhimman dheelli-tiri karo, hase ahaatee Algeria ayaa daqiiqaddii 80-aad dhalisay gool u xaqiijiyay saddexda dhibcood.

Group-ka G oo ka kooban lix dal oo kala ah Soomaaliya, Algeria, Uganda, Botswana, Guinea iyo Mozambique ayaa waxaa hadda si wadajir ah u horkacaya Algeria iyo Mozambique oo 3-2 uga soo badisay Botswana.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*