26th July 2024  admin  Category :

Maxay 20 jirada Ceerigaabo duhurkii u dhaxamoonayaan?

Koox dhallinyaro ah oo degan magaalada Ceerigaabo ayaa iska qaaday sawiro iyaga oo huwan bustayaal gacmahana ku haysta shaax bartamaha magaalada Ceerigaabo.

Waxay sheegeen in xilligu duhur yahay, dhaxan darteedna ay u dugaashanayaan huga culus iyo shaaxa,

Kooxda dhallinyaradaha oo wada jooga isla goobtii ay sawirka ku galeen ayaan la xariirnay si aan wax badan uga ogaano xaalka qabowga ee magaalada iyo saameynta ay ku yeelatay bulshada.

Dhallinyaradaan ayaa kala ah: Maxamuud Maano, Maxamed Macallin, Sakariye Maxamed, Maxamed sent iyo Isxaaq maxamuud

Waxaan ugu horeyn la hadalnay Maxamed macalin oo taleefanka naga qabtay isaga oo noo sheegaya in roob ka da’ayo magaalada.

Ceerigaabo waa magaalo ku taalla gobolka Sanaag, inkasta oo ay caanku tahay qabow, hadana xaalka waa uu ka sii daran yahay sida ay noo sheegeen dhallinyaradaan.

“Sanadka bisha 12 aad oo kale waxaan naqaanay in heerkulku aad hoos ugu dhaco, balse maalmahaan waxaa ka jiray magaalada roobab joogto ah oo dhaxnta aad u sii badinayay,” ayuu yiri Maxamed oo markaas ay wada jogeen qaar kamid ah saaxiibadiis.

Mararka ayuu sheegay Maxamed in heerkulka magaalada uu gaaro 4 digree, taas oo uu dhaw heerka ay biyuhu ku barafoobaan.

Ceerigaabo

Maqaayadda Jabcadaha

Bartamaha magaalada waxaa ku yaalla bar ay ku kulmaan dhallinyarada iyo raga kale ee magaalada ku nool. Halkaas waxaa ku yaalla maqaaxi caan ah oo shaaha lagaca cabo, taas oo macaamiisheeda uu shubta shaaha jabcado ama baaquliyaal. Xilligaan oo kale ayaa ah marka loogu jecel yahay in loo shah doonto maqaayada jabcadaha.

Dhallinyaradaan ayaa kamid ah dadka halkaas u fiidsi doontay oo shaaha baaquliga lagu shubo biday kulayl. Balse waxay noo sheegeen in shaaxaas uu ku filaan la yahay si ay diirimaad u helaan.

Dhanka kale kooxdaan dhallinyarada ah ayaa ah rag aan xaasas lahayn oo iskaabulo wada ah.

Maxamed oo kaftamaya ayaa yiri: “Dhamaantood raga sawirada ka muuqdaa waa dhallinyaro iskaabulo ah. Taasaa ugu wacan dhaxanta,”.

Dhallinyarada magaalada

Saameynta dhaxanta ee dadka Ceerigaabo

Jaabir Bulshaawi waa wariyihii qaaday sawirada ay baahay ee dhallinyarada Ceerigaabo, wuxuu sheegay in marka laga soot ago qabow haysta da’yartaan uu la kulmay dad kale oo danyar iyo waayeel ah oo uu si daran u saameeyay qabowgu.

“Waxaa jira dad u nugul dhibaatooyinkaan marka ay dhacaan kuwaas oo ay kamid yihiin dadka waayeelka ah oo aan xijisan Karin dhaxanta. Waayeelo waxaa jira guryaha ka soo bixi la’ ,” ayuu BBC da u sheegay Jaabir.

Waxaa kale oo jira dad danyar ah iyo kuwa darbi jiif ah oo aan markii horaba haysan meel gabaad ay ka galaan dhaxanta. Kuwaas ayaa hadda wajahaya xaalad aad u daran.

“Dad waxaa joogaa darbi jiif ah oo banaanadaas uu roob ku helo oo aan awoodin bustayaal iyo koorar ay dhaxanta isaga difaacaan inay iibsadaan. Waan la kulmay dhallinyaro yaryar oo darbi jiif ah oo aad arkeysid iyaga oo dhulka jiifa oo gidaaro isku nabaya,”.

Dadkaas ayuu sheegay Jaabir in ay markii hore caain jireen dhallinyaro is xilqaantay, balse haatan ay u muuqdaan in caawimaadaasi ay ka soo daahday.

Deegnada Soomaalida ayaa waxaa ku dhuftay sanadkaan daad ay sababeen roobab kaas oo ugu yaraan 32 qof ku dilay gudaha dalka, sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya.

Waxaa loo badinayaa inay sii socdaan roobabkaan tan iyo dhamaadka bishaan aan ku jirno ee November, balse waxay u badan tahay inay xaalka ugu sii darto hadii robabka sii socdaan.

In kabadan hal milyan oo ruux ayaa la filayaa in saameyn hor leh uu ay ku yeeshaan roobabkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*