WAR-SAXAAFADEED : SHIRKA MADAXWEYNAHA IYO XISBIYADA SIYAASADDA PUNTLAND.

WAR-SAXAAFADEED : SHIRKA MADAXWEYNAHA IYO XISBIYADA SIYAASADDA PUNTLAND.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Xisbiyada siyaasada Puntland, shirkaasi oo socday maanta ilaa iyo caawa ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.

Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa kulankooda xoogga ku saaray, isu diyaarinta dhameystirka Doorashooyinka Dadweyne oo nabad ku dhaca, Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD , IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA.

Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland waxay u mahadceliyeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo cidkasta oo door ka qaadanaysa doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada, sidoo kale waxaa loogu baaqay cidkasta oo ka aragti duwan hanaanka şocda in albaabka wadahadalka u furanyahay.

Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland, wuxuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni cod dheer ku sheegay in Dowladu diyaar u tahay wadahadal iyo in ay la fariisato cidii ka aragti duwan, si hanaanka dimuqraadiyadu ugu taabo galo xasilooni iyadoo qof walba doorkiisa qaadanayo.

Yaa la soo dagi kara hubka loo fasaxay Soomaaliya?

Yaa la soo dagi kara hubka loo fasaxay Soomaaliya?

Xuseen Macallin ayaa sheegay in dowladda federaalka ay xalay ku soo wareegtay mas’uuliyadda xakamaynta hubka.

“Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa mas’uuliyadaa leh, hubka ka soo galaya xadduuddaha iyo hubka soo gala, noocyada uu yahay, cidda uu gacanta u galayo iyo sida loo isticmaalayo, waxaan ka samaynaynaa shuruuc iyo siyaasado lagu xakamynayo oo lagu hagayo qaarkoodna barlamaanka jiraan kuwana la ansixiyey,” ayuu yiri Xuseen.

Isagoo ka jawaabayey ‘Soomaaliya awood ma u leedahay xakamaynta hubka dhanka xudduudama, maaddaama aysan hadda gacanta ku hayn xudduudaha dalka oo dhan’ ayuu BBC-da u sheegay in qulqulka hubka uusan jirin dal ka badqaba.

“Dowlad-nugaylka dalalka nala wadaga ayaan la qabnaa laakiin Soomaaliya ma nugushahay, meshii aan joogno meshii ugu fiicnayd miyaa? dabcan maya,” ayuu yiri Xuseen. Balse dalka Soomaaliya uu wax la qabo gobolka oo lagu sheego in hubku qulqulo ayuu intaa sii raaciyay.

Yaa loo xilsaarayaa la socodka hubka?

XUSEEN MACALIN MAXAMUUD
Qoraalka sawirka,Xuseen Macallin

Sida uu sheegay Xuseen, dowladda Soomaaliya ayaa abuurtay xafiis cusub oo u xilsaaran hubinta howshaan kaas oo hoos imaanaya Xafiiska Amniga Qaranka.

Hirgalinta xafiiskan waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waa tabarta an dhisayno, xafiiskan hadda madaxweynuhu digreetada ku soo saaray ayaa howshaas la soo wareegay, isagna ayaa leh daba galka iyo tayeynta haya’adaha federaalka iyo tayeynta haya’adaha dowlad-goboleedyada, shuruucdii lagu maamulay cidda gacan ku hayn karta hub, oo awood ama ansixin u leh. Intaba xafiiska ayaa maanta howshiisa u bilaamaysaa” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Hub noocee ah ayay Soomaaliya soo iibsan kartaa?

HUBKA AY IIBSAN KARTO SOOMAALIYA

Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa BBC-da u sheegay in wixii ka danbeeyey saqdii dhxe ee xalay ama laga bilaabo maanta 2-da bishan December, Soomaaliya hub nooc kasta oo hub ah oo dunida lagu kala iibsho ay xaq u leedahay inay soo gadato.

Wuxuu sheegay inaysan jirin wax shuruudo ah oo Soomaaliya u dhiman ama laga sugayo inay buuxiso

Ciidamada Soomaaliya ayuu sheegay inay muhiim tahay inay helaan hub ay kaga adkaanayaan ururka al-Shabaab oo ay dagaal kula jirto.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacmaha ka xirnaa, hubka la wada haysto hub ka waaweyn oo uu dalka ku ilaalin karo, cidda hubka ay haysato si khaldan u istcimaalaysana shaqa ka qaban karo ayey muhiimaddu tahay hadda” ayuu intaas ku daray Xuseen Macallin.

Yaa hub la soo dagi kara?

Sida uu sheegay Xuseen Macallin Maxamuud, dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadeeda u soo gadan karaan hub kala duwan iyo sidoo kale dowlad-goboleedyada ayaa keensan kara hub.

‘’Sidoo kale dowladaha xubnaha ka ah hub dabcan gaara oo awoodda ay leeyihiin ku xiran maaddama ay leeyihiin booliis iyo asluub kaliya loo oggolyahay inay maamulaan hub iygana ku siman inay si nidaami ah dalka ula imaan karaan,”ayuu yiri Xuseen.

Isagoo ka jawaabayey in maamulladu hub soo dajisan karaan iyo in kale ayuu BBC-da u sheegay

“Dabcan dowladeey ku hoos noolyihiin, kaligood wax ma sameeyaan, dowlada Soomaaliya ayey ka mid yihiin, dowladda iyo xafiiska amniga qaranka laga dhexdhisay ayaa nidaanka ay u keensan karaan xaddidaya, iyada oo heshiiskii amniga qaranku uu dhigayo in ciidamo u gaar ah oo booliska ah iyo ciidamada u gaara oo asluub ah ay yeelan karaan hub intaa ku xaddidan keensan karaan” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Wuxuu intaas ku daray in oggolaansho ay ka qaaadanayaan dowladda dhexe maamul goboleedyadu.

Maxaa looga baahan yahay Dowlada Federalka?

CABDISALAAN GUULEED
Qoraalka sawirka,Cabdisalaan Guuleed

Sida uu qabo Cabdisalaam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee NISA, ahna falanqeeye arrimaha amniga ayaa sheegay in mas’uuliyad ka xoog badan sidii hore ay fuushay dowladda federaalka oo quseeya arimaha xakamaynta hubka ee dalka maaddaama laga qaaday xayiraaddii saarnayd.

Wuxuu BBC-da u sheegay in dalku federaal yahay, balse yuu hubku gacanta u galayaa ay su’aal ka taagan tahay.

“War hadii maamul goobleedyadda hubkan gacanta loo galiyo sidee u maamulayaan, awoodda dowlada federaalku ku leeyahy maxay tahay in la xakameeyo intee le’eg tahay, Soomaaliya maxaa uga diyaarsan, kaydad hubkan lagu kaydiyo oo uusan gacanta cadowga galayn ama musuq galayn ma u diyaarsan tahay, muhiimaddaas ayaan isleeyahay waa dul saaran tahay dowlada hadda jirta iyo kuwa imaan kara,” ayuu yiri Cabdisalaan.

Wuxuu sheegay in tani tusaale u tahay in la qiimayn karayo inay ka soo bixi karto mas’uuliyadda iyo xakamaynta hubkaas.

Dhanka kale wuxuu Cabdisalaan xusay in fursaddan dowladdu ugu faa’iidaysato inay dalka uga saarto al-Shabaab.

Xuseen Macallin Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in tallaabadan ay welwel ku haysto oo kaliya al-Shabaab, balse ay ciidanka qaranka siinayso fursaddii ay dalka uga sifayn lahaayeen.

Soomaaliya ayaa ahayd dalka kaliya ee xayiraad hub muddadii ugu dheerayd ay saartay Qaramada Midoobay tan iyo intii la dhisay ururkaas sanadkii 1945-tii.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo shir guddoomiyey kulanka Golaha horumarinta Qaranka

Wasiirka Qorsheynta XFS oo shir guddoomiyey kulanka Golaha horumarinta Qaranka 

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta gudoomiyay shirka Golaha Horumarinta Qaranka oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Xaaladda fatahaadaha ku dhuftay gobolo badan oo dalka ka mid ah iyo sidii loogu gurman lahaa bulshada ay saameeyeen daadadka. Waxaa sidoo kale si qoto dheer looga niqaashay dib u cusbooneysiiinta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka ee sanadka 2024 iyo sidii looga dhabbeyn lahaa yoolalka la doonayo in la gaaro.

Shirka oo labo maalin socon doono ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirada Qorsheynta Maamul Goboleedyada Dalka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Qorsheynta ee Maamul Goboleedyada, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo qaar ka midnah hawlwadeenada Wasaaradda.

Waxaa maalintii koobaad shirka lagu soo gabagabeeyay sidii loogu diyaar garoobi lahaa daahfurka Qorshaha 10-aad ee Horumarinta Qaranka (NDP-10), maadama kii 9-aad uu gabagabo marayo.

MADAXWEYNAHA OO QAABILAY SAFIIRKA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNAHA OO QAABILAY SAFIIRKA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA

Garoowe : 02, December 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambs. Michael Nithavrianakis.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland loo dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicd horumarineed ee UK ka fuliso Puntland.

Deni oo xariga ka jaray European Hospital.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa xariga ka jaray Isbitaal Cusub oo lagu magacaabo Soomaali European Hospital.

Hospital ka cusub ee caawa uu xariga ka jaray Madaxweynaha DPL, oo siweyn loo qalabeeyay ayaa Dabooli Doona Baahida Caafimaadka ee ka jirtay ka howlgali doona dhakhaatiir iskugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Isbitaalada ka jira Puntland ay dabooleen adeegyo caafimaad oo dadku baahida u qabaan, Balse loo baahanyahay in intaasi laga sii horumariyo, waxaana uu sheegay in ka Dowlad ahaan ay ka go’an tahay in Puntland laga hirgaliyo Isbitaal casri ah si looga maarmo in caafimaad loogu aado Dalka dibadiisa.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Oo Cunoqabataynta Hubka Ka Qaaday Soomaaliya

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Oo Cunoqabataynta Hubka Ka Qaaday Soomaaliya

Guddoomiye bulsho oo lagu dilay Boosaaso

Alle ha u naxariisto Marxuum Khadar Cabdi Cali, Guddoomiyahii dhalinyarada Soomaali Galbeed ee Puntland oo gacan ka xaq daran ay maanta ku dishay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in nin ku hubaysan uu bastoolad maanta toogasho ku dilay marxuum magaciisu ahaa Khadar Cabdi Cali oo guddoomiye u ahaa bulshada kasoo jeeda deegaanada Soomaali Galbeed ee ku nool magaalada Boosaaso.

Ninka hubaysan ayaa la sheegay in uu marxuumka ku dilay gurigiisa oo ku yaalla xaafada loo yaqaan Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaso, sida uu VOA u sheegay goobjooge magaciisa ka gaabsaday sababo ammaan dartood.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in uu sidoo kale dhaawac ku gaaray wiil yar oo uu dhalay marxuumka la dilay, wiilka yar ayey ku dhacday raastii aabihii u geeriyooday.

Laamaha ammaanka ee gobolka Bari ee magaalda Boosaaso. oo ay VOA la xiriirtay, ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan ninkii dilka gaystay mana jirto cid sheegatay inay ka dambaysay dilka marxuumka.