26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Qorsheynta XFS oo shir guddoomiyey kulanka Golaha horumarinta Qaranka 

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta gudoomiyay shirka Golaha Horumarinta Qaranka oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Xaaladda fatahaadaha ku dhuftay gobolo badan oo dalka ka mid ah iyo sidii loogu gurman lahaa bulshada ay saameeyeen daadadka. Waxaa sidoo kale si qoto dheer looga niqaashay dib u cusbooneysiiinta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka ee sanadka 2024 iyo sidii looga dhabbeyn lahaa yoolalka la doonayo in la gaaro.

Shirka oo labo maalin socon doono ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirada Qorsheynta Maamul Goboleedyada Dalka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Qorsheynta ee Maamul Goboleedyada, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo qaar ka midnah hawlwadeenada Wasaaradda.

Waxaa maalintii koobaad shirka lagu soo gabagabeeyay sidii loogu diyaar garoobi lahaa daahfurka Qorshaha 10-aad ee Horumarinta Qaranka (NDP-10), maadama kii 9-aad uu gabagabo marayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*