26th July 2024  admin  Category :

Yaa la soo dagi kara hubka loo fasaxay Soomaaliya?

Xuseen Macallin ayaa sheegay in dowladda federaalka ay xalay ku soo wareegtay mas’uuliyadda xakamaynta hubka.

“Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa mas’uuliyadaa leh, hubka ka soo galaya xadduuddaha iyo hubka soo gala, noocyada uu yahay, cidda uu gacanta u galayo iyo sida loo isticmaalayo, waxaan ka samaynaynaa shuruuc iyo siyaasado lagu xakamynayo oo lagu hagayo qaarkoodna barlamaanka jiraan kuwana la ansixiyey,” ayuu yiri Xuseen.

Isagoo ka jawaabayey ‘Soomaaliya awood ma u leedahay xakamaynta hubka dhanka xudduudama, maaddaama aysan hadda gacanta ku hayn xudduudaha dalka oo dhan’ ayuu BBC-da u sheegay in qulqulka hubka uusan jirin dal ka badqaba.

“Dowlad-nugaylka dalalka nala wadaga ayaan la qabnaa laakiin Soomaaliya ma nugushahay, meshii aan joogno meshii ugu fiicnayd miyaa? dabcan maya,” ayuu yiri Xuseen. Balse dalka Soomaaliya uu wax la qabo gobolka oo lagu sheego in hubku qulqulo ayuu intaa sii raaciyay.

Yaa loo xilsaarayaa la socodka hubka?

XUSEEN MACALIN MAXAMUUD
Qoraalka sawirka,Xuseen Macallin

Sida uu sheegay Xuseen, dowladda Soomaaliya ayaa abuurtay xafiis cusub oo u xilsaaran hubinta howshaan kaas oo hoos imaanaya Xafiiska Amniga Qaranka.

Hirgalinta xafiiskan waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waa tabarta an dhisayno, xafiiskan hadda madaxweynuhu digreetada ku soo saaray ayaa howshaas la soo wareegay, isagna ayaa leh daba galka iyo tayeynta haya’adaha federaalka iyo tayeynta haya’adaha dowlad-goboleedyada, shuruucdii lagu maamulay cidda gacan ku hayn karta hub, oo awood ama ansixin u leh. Intaba xafiiska ayaa maanta howshiisa u bilaamaysaa” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Hub noocee ah ayay Soomaaliya soo iibsan kartaa?

HUBKA AY IIBSAN KARTO SOOMAALIYA

Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa BBC-da u sheegay in wixii ka danbeeyey saqdii dhxe ee xalay ama laga bilaabo maanta 2-da bishan December, Soomaaliya hub nooc kasta oo hub ah oo dunida lagu kala iibsho ay xaq u leedahay inay soo gadato.

Wuxuu sheegay inaysan jirin wax shuruudo ah oo Soomaaliya u dhiman ama laga sugayo inay buuxiso

Ciidamada Soomaaliya ayuu sheegay inay muhiim tahay inay helaan hub ay kaga adkaanayaan ururka al-Shabaab oo ay dagaal kula jirto.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacmaha ka xirnaa, hubka la wada haysto hub ka waaweyn oo uu dalka ku ilaalin karo, cidda hubka ay haysato si khaldan u istcimaalaysana shaqa ka qaban karo ayey muhiimaddu tahay hadda” ayuu intaas ku daray Xuseen Macallin.

Yaa hub la soo dagi kara?

Sida uu sheegay Xuseen Macallin Maxamuud, dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadeeda u soo gadan karaan hub kala duwan iyo sidoo kale dowlad-goboleedyada ayaa keensan kara hub.

‘’Sidoo kale dowladaha xubnaha ka ah hub dabcan gaara oo awoodda ay leeyihiin ku xiran maaddama ay leeyihiin booliis iyo asluub kaliya loo oggolyahay inay maamulaan hub iygana ku siman inay si nidaami ah dalka ula imaan karaan,”ayuu yiri Xuseen.

Isagoo ka jawaabayey in maamulladu hub soo dajisan karaan iyo in kale ayuu BBC-da u sheegay

“Dabcan dowladeey ku hoos noolyihiin, kaligood wax ma sameeyaan, dowlada Soomaaliya ayey ka mid yihiin, dowladda iyo xafiiska amniga qaranka laga dhexdhisay ayaa nidaanka ay u keensan karaan xaddidaya, iyada oo heshiiskii amniga qaranku uu dhigayo in ciidamo u gaar ah oo booliska ah iyo ciidamada u gaara oo asluub ah ay yeelan karaan hub intaa ku xaddidan keensan karaan” ayuu yiri Xuseen Macallin.

Wuxuu intaas ku daray in oggolaansho ay ka qaaadanayaan dowladda dhexe maamul goboleedyadu.

Maxaa looga baahan yahay Dowlada Federalka?

CABDISALAAN GUULEED
Qoraalka sawirka,Cabdisalaan Guuleed

Sida uu qabo Cabdisalaam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee NISA, ahna falanqeeye arrimaha amniga ayaa sheegay in mas’uuliyad ka xoog badan sidii hore ay fuushay dowladda federaalka oo quseeya arimaha xakamaynta hubka ee dalka maaddaama laga qaaday xayiraaddii saarnayd.

Wuxuu BBC-da u sheegay in dalku federaal yahay, balse yuu hubku gacanta u galayaa ay su’aal ka taagan tahay.

“War hadii maamul goobleedyadda hubkan gacanta loo galiyo sidee u maamulayaan, awoodda dowlada federaalku ku leeyahy maxay tahay in la xakameeyo intee le’eg tahay, Soomaaliya maxaa uga diyaarsan, kaydad hubkan lagu kaydiyo oo uusan gacanta cadowga galayn ama musuq galayn ma u diyaarsan tahay, muhiimaddaas ayaan isleeyahay waa dul saaran tahay dowlada hadda jirta iyo kuwa imaan kara,” ayuu yiri Cabdisalaan.

Wuxuu sheegay in tani tusaale u tahay in la qiimayn karayo inay ka soo bixi karto mas’uuliyadda iyo xakamaynta hubkaas.

Dhanka kale wuxuu Cabdisalaan xusay in fursaddan dowladdu ugu faa’iidaysato inay dalka uga saarto al-Shabaab.

Xuseen Macallin Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in tallaabadan ay welwel ku haysto oo kaliya al-Shabaab, balse ay ciidanka qaranka siinayso fursaddii ay dalka uga sifayn lahaayeen.

Soomaaliya ayaa ahayd dalka kaliya ee xayiraad hub muddadii ugu dheerayd ay saartay Qaramada Midoobay tan iyo intii la dhisay ururkaas sanadkii 1945-tii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*