17th July 2026  admin  Category :

Cali Balcad, Waa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ee dhabta ah. Wuxuu ku fashilmay hoggaaminta siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka. Wuxuu ku guuldarraystay inuu si hufan u maamulo una dhaqaajiyo safaaradaha Soomaaliya ee dibadda. Mararka qaar waxaa la arkaa in xogaha iyo mowqifyada dowladda lagu faafiyo baraha bulshada ama doodaha internetka, halkii ay mari lahaayeen hay’adaha rasmiga ah ee diblomaasiyadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waa hay’adda mas’uulka ka ah difaaca danaha qaranka iyo matalaadda Soomaaliya ee caalamka. Waxaa la filayay inay hormuud ka noqoto difaaca qadiyadaha Soomaaliya marka laga hadlayo arrimaha dibadda, balse arrintaas si muuqata looma arag. Nasiib darro, xaaladdan ayaa ka mid ah dhibaatooyinka saameeyay sumcadda iyo doorka Soomaaliya ee saaxadda caalamka.

FG: Ninkaan Cali Balcad ah Afar-sano ayaa loo dirayay shirar muhim ah, Safaaradaha Soomaalida ee dalka dibbadiisa ma leh Mareeg sida Barta X Ama Facebook active ah oo lagu gudbiyo xogaha looga bahaan tahay Safaarad Dal Iyo Difaac. Tan u danbeysa waa in Safaaradaha Soomaaliya ee dibada lagu soo xulo Saaxiib Iyo Nin Siyaasi ah Qof uu wato oo aan loo eegin inuu yahay Kaadirkii rasmiga ahaa ee hogaamin lahaa Safaarada Dalkeena.

Wasaaradda arrimaha dibadda Dalkeena waxay u dhiig baxaysaa Hagrasho uu sababay Mashalaaye Cali Balcad. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*