7th May 2024  admin  Category :

Ergeyga gaarka ah Madaxweynaha ee Arrimaha Beesha Isaaq Ioo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Ergayga Gaarka ah Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Beesha Isaaq Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan la yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Ibraahim Mete Yagli, kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray muhimadda ay leedahay dib u billaabida wada-hadalladii beelaha Koonfurta Soomaaliya oo waayadan danbeeya la baxay Irir Samaale IYO Beesha Isaaq ee Soomaaliya diidka ah.

Ergayga ayaa uga mahadceliyay Safiirka doorkii ay dowladiisu ka ciyaartay wada hadalladii hore, waxaana uu la wadaagay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo  Arrimaha Wadahadallada Somaliya IYO Beesha Isaaq

Safiirka ayaa dhankiisa soo dhoweeyay dedaalada siyaasiyinta Hawiye waxaana uu Ergayga u muujiyay garab istaag buuxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*