19th May 2024  admin  Category :

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa u sheegay Madaxweynaha Ciraaq Cabdullaif Rashid oo booqasho ku jooga Iran Sabtidii in Mareykanku uu yahay ‘saaxiib aan la isku haleyn karin’ Ciraaqna aysan oggolaan in ciidamo Mareykan ah ay joogaan dhulkeeda.

Iran oo xiriir adag la leh Ciraaq ayaa kasoo horjeedda joogitaanka ciidamada Mareykanka ee xudduudaha Ciraaq iyo Khaliijka, iyadoo sheegtay in faragelinta milateri ee reer galbeedka ay tahay saldhigga amni darrada gobolka.

“Maraykanku saaxiibbo lama aha Ciraaq, Ameerikaanku cidna saaxiib uma aha, xitaa daacad uma aha saaxiibbadooda Yurub,” ayuu yiri Khamenei oo ay soo xigatay warbaahinta dawladda.

Laamaha amniga qaranka Mareykanka ayaa baaraya kadib markii la faafiyay dukumentiyo sir ah oo lagu sheegay in Mareykanka uu basaasay xulafadiisa oo ay ku jirto Ukraine.

“Xitaa joogitaanka hal Maraykan ah ee Ciraaq waa mid aad u badan,” ayuu Khamenei u sheegay Rashid, oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin Tehran si ay u xoojiyaan xiriirka labada dal ee deriska ah.

Mareykanka ayaa waxaa Ciraaq ka jooga ilaa 2,500 oo askari, si ay gacan uga geystaan la-talinta iyo caawinta ciidamada Ciraaq ee dagaalka kula jira Daacish, oo sanadkii 2014-kii qabsaday dhul ka tirsan dalkaas.

Reuters.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*