23rd October 2024  admin  Category :

Yaa u Wanqala Duufaanaha oo u magac Bixiya. Soomaliya ma ka mid tahay ururkkaas ?

Duufaantu, Waa roobaab wata  dabaylo xoogan oo  biyo badan dhiga . Xawaaraha dabaylaha iyo roobka is wataa ay ku socdaan ayaa gaara 74 mph. Waxaana loo qaybiyaa cyclone, typhoon iyo hurricane.

Culimada saadaasha Hawada ayaa marka ay arkaan Duufaan samaysmaysa, waxay markiiba  u bixiyaan magac si ay dadka ugu digaan khatarta ku soo socota  si  looga taxadiro.

Sanad walba horaantiisa ayaa Duufaanta loogu magac daraa sida ay Xarfuhu u kala horeeyaan. Marka ay dhamaatona waxa lagu soo laabtaa Xarafka A

Magcaabista Duufaanta waxa ka wada tashada wadamada deriska ah oo ay saamaynayso iyaga oo xiriir la samaynaya World Meteorological Organisation.

Dalalka Badweynta Hindiya ku yaal ee ay duufaantu Saamayso   ayaa magac bixintooda   waxa la bilaabay  sanadkii 2004, waxaana ka mid ah Oman, India, Pakistan, Bangladesh, Maldives, Myanmar, Sri Lanka and Thailand.

Soomaaliya oo ay sanadahan danbe cimilada oo is bedeshay ay sababatay in  Duufaani  ku dhufato degaano ka mid ah dalka  , waa inay ka mid noqdaan Ururka ku bahoobay magcaabidda Duufaanta.

Sidoo kale Soomaaliya waa inay labadan magac u gudbiyaan Khubarada magac bixinta Duufaanaha . Marka la soo gaaro Xarafka ‘B’ waa in dawladda Soomaaliya codsaadaan in loo bixiyo Duufaanta Biixi. Marka la soo gaaro xarafka ‘U’ waa ln dawladda Soomaaliya codsadaan  in loogu magac daro Duufaanta USC.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*