18th April 2024  admin  Category :

Dhulbahante irbad-na Dun Ma Galiyo Afkuna Waa Dheer yahay

Iyado Guud ahaan Caalamku uu Dagaal dheer ku jiro islamarkaana dhaqaalle iyo Khibrad wixii uu hayay maamulkasta ama Dawladkasta Ay isugu gaysay Badbaadinta Dadkeeda iyo Ka hortaga Covid 19 islamarkaana ay intaasi dheer tahay Taageerada la isu Fidinaayo ayaan raba inaan Wax yar Ka dhaho Covid 19 iyo Gobolada SSC,

Guud ahaan soomaaliya iyadoo ay isaga jirto xaalad tabardaro ah hadana waa la is dhaama oo ninkii maamul lahaa iyo midkii maamul kale ka tirsanaaba waxay u gogol xadhayaan Sidii ay deegaankooda ugu samayn lahaayen Goobo Dadka lagu Karaantiilo iyo Sidii ay u hali lahaayen caawimaad dhaqaalle oo lagula tacaallo hadiiba uu deegaankaasi ku faafo Covid 19.

Hargaysa iyo Garoowe ,ayaa Daris la ah SSC labada maamul labada Reer ee iska leh ee madaxda ka ah Waxay Baadhitaano ku sameeyan Caafimaadka Dadkooda waxay u dhisen Goobo Lagula tacaalo Xanuunka,waxay Baaqyo caawimaad u diran Beesha caalamka iyo Xukumada dhexe waana looga soo Jawaaba oo wey helan Kaalmo.

Hadaba Dhulbahante Fadaraalkana waxba kama helo oo waa kuwa ugu afka dheer ee Taageera Farmaajo iyo Khayre, Somaliland waxba kama helan hadana Deegaankoodii ayay Ka iibiyen Puntland haba sheegin,

Dadkan Xaalkoodu sidan yahay Ma la odhan Kara Nolosha ay Ku nool yihiin Armay geeridu dhaanta,

Reer SSC Iyagu may tashan oo iskood waxba umaysan qabsan oo taasba horaa looga waayay caalamkana isma yaqaanan oo Hankaba maleh oo waxay udaba fadhiyan Isaaq iyo Majeerten, Fadaraalka Xamar Ka talinaya Taageeradii ay u muujiyen ee ay Soomaaliba ugu afka dheeraayen waxba u goyn weyday oo wuxuu ku tilmaamay Dhul-lagu muran san yahay Farmaajo.

Maanta Maalin ay Ka xun tahay Kolay Caalamka maysan soomarin Sababto ah Guud Ahaan caalamka waxaa lagu jira xaalad Stay home, ah guragaga joog, oo sababtay in dhaqaalihii hooos udhacay ninkasnana waxaa uu ku dadaalaya Badbaadinta Dadkiisa allaa badbaade haye laakiin dadaal cidi yaraysan mayso,

Hadaba Dhulbahante maanta oo xaaladu sidan tahy Haday Xamar-na waxb ka waayen Isaaqi ay dhulka ka iibiyena ugu dari wayay 60 Dollar ee Askari nimada waxba Yey wax ka sugayan Tolow?

Marka aad Tahay mid bilaa tallo ah oo xaalkagu yahay Maxaan cuna waa hubaal in aad galaso Halis badan oo aan ku muuqan markaad la roorayso hunguriga,

Ugu Danbayn waxaan leeyahay dhulbahantow ilaahay ayaa qoray qofkasta wuxuu cunaaye Ar hooy tashada oo xaalada aad ku nooleydeen 14 sane ugu danbeeyay wax kabadda,

”Dhaaxan dadkaygow Midnimo Kugu Daakiray Dhaaxan Daraadda Hurdada seegay Duhurkiiye Nin Damiir xun iyo Waadigii Dayro iqabaye Waatii markaan ku damqaday doqon imoodeene maanta waxaan shalay kaga digay dabada haysane Oo Covid 19 ina duljoogaaye Waxaa damacday sheeg waadigii diiday waanade,”’

By Cartan Darwiish

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*